Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo is casilay..

Date:

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo maalmahan danbe cadaadis dhanka Siyaasada ah heystay ayaa Habeenkii Arbacada khudbad Qaran uu ka jeediyay Telefishinka ย ku dhawaaqay inuu is casilay.

Madaxweyne Zuma ayaa heystay Cadaadis uga imaanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

โ€œ Waxaan halkaan ย u imid goโ€™aan ah inaan is casilo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan,โ€ ayuu Mr. Zuma ka sheegay magaalada Pretoria.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.

Ku-xigeenka madaxweynaha dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo isagana dhawaan la doortay ayaa la filayaa inuu noqdo siihayaha madaxweynaha maanta oo khmaiis ah.

Waxaana madaxweyne cusub lagu soo dooranayaa 30-cisho gudahood,balse Wasiirada howlahooda wey sii wadan doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...