Wasaaradda Caafimaadka XFS oo gaadiidka gargaarka deg dega ah ku wareejisay qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho

Date:

Goobta lagu wareejinayay gaadiidkaan waxaa ku sugnaa Wasiiradda Caafimaadka iyo qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjireyaasha wadamada Turkiga iyo Qadar, iyaddoo sidoo kale mas’uuliyiinta ay dhagax dhigeen Masjid laga dhisayo gudaha Isbitalka Turkida ee Yarmeli.

Gaadiidka oo gaaraya ilaa 3 baabuurta gargaarka deg dega ah ee Ambulance, ayaa loogu talagalay qaar kamid ah xarumaha  bixiya adeegyada caafimaad sida hay’adda Amiin Ambulance iyo Isbitalka Turkiga ee Yerdmili, sida uu faah faahinayo Nuur Xaji Cali oo ku hadlayay magaca hay’adda Qadar Charity.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo gaadiidkasi guddoonsiisyay hay’addihii loogu talagalay ayaa uga mahadcelisay Hay’adda  Qadar Charity isgarabtaageeda shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...