Home Blog Page 1371

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Oo Soo Dhaweeyay Fanaanad Nakruumo Iyo Wariye Luul Cali X.

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ee ka tirsan Wasaaradda warfaafinta ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.

Intii uu socday kullanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Madaxda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo muddo badan banaanka ka joogeen.

C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Muddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay maanta ku sugan tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.

“Ujeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, waxaana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahay”

Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Hal-dooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhaweeyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.

“Waxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kabso laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.

intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Garowe Gaaray Si Diiranna Loogu Soo Dhoweeyey

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Goor-dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul-goboleedka Puntland.

Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garawe ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul-goboleedka Puntland, Odoyaasha Dhaqanka, Ardeyda wax ku barata Deegaankaasi iyo Dadweyne aad u fara badan, iyadoo soo dhaweyntiisa ay u diyaar-garoobeen maalmihii la soo dhaafay, waxaana Magaaladaasi lagu xardhay calamo iyo caleemo qoyan, islamarkaana waxaa garoonka la dhigay Roogga Cas.

Magaalada Garowe Waddooyinkeeda waxaa lagu dhejiyey boorar uu ku yaalo Sawirka Madaxwynaha dalka oo halku dhigiisu yahay “mudane Madaxweyne ku soo dhowow dhulka Uduga Puntland iyo Danta,Dadka iyo Dalka, iyadoo Barxadda Garoowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ayaa inta joogo Puntland, waxa uu booqan doonaan dhowr deegaan oo ka tirsan Maamulkaasi, iyadoo Wararka laga helayo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya uu sheegayo in Garowe, kadibna uu safar ku soo kala bixin doono Magaalooyin kale oo ka tirsan, Maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha JFS Oo Maanta Dhagax Dhigay Dugsiga Xaawo Taako

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa Saaka dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo Xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay Halyeeyaddii Xaawo Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha JFS Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu maanta dhagax dhigay Dugsigaasi, kaasi oo looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada Dugsiyada Dalka.

Bukaanno ka bogsaday qaraxii Zoppe oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Shan ka mid ah dhaawacyadii bishii December loo qaaday dalka Masar aya dib loogu celiyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad ay soo hagaagtay.

Bukaanada ka bogsaday dhaawacii ka so gaaray qaraxii isgoyska zoobe ka dhacay 14kii bishii Octobar aya garoonka diyaaradaha ee magaalada qaahira waxaa ku sii sagootiyay Safiir ku xigeenka Safaarada Masar Ilyaas sheikh Cumar ahna sii hayaha Safaarada, waxaana uu ku wareejiyay lacago deeq ah oo ay iska soo aruursheen jaalliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.

Mid kamid ah bukaanada oo la hadlay Wakaaladda Wararaka Soomaaliyeed ee SONNA aya u mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen Masuuliyiinta Safaarada iyo dowladda Masar.

“alxamdullilah xaaladeyda aad ayey u wanaagsan tahay waxan hadda u socda dalkeyga sida u jeedid waa caafimaad qabaa, waxaan fursadan uga faa’ideysanaya inan u mahad celiyo Safaaradeena oo si wanaagsan inoo caawisay mudadii aan isbitaalka ku jirnay, mudane ilyaas oo ahaa masuulkii qaabilsana isbitaalka nalagu dabiibayay wan u mahadcelinaya, waxaa uu inoo muujiyay dareen walaalnimo iyo mid mas’uuliyadeed sido kale waxaan u mahadcelinaya dhaqaatiirta isbitaalka oo maalin iyo habeen naga caawinayeen si aan caafimaad u helno, madaxda iyo shacabka dowladda Masar aad baan ugu mahad celinaya, madaxda dalkeenna Soomaaliya iyagana wey ku mahadsan yihiin dadaalka ay ku bixiyeen dhaqaatiir dibada ah in nalagu so daaweeyo,”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii lagu soo daweeyay Isbitaalada dalka Masar.

Sidoo kalle safiir ku xigeenka ahna siihaya safaarada mudane ilyaas sheikh cumar oo isna la hadlay Wakaaladda sonna aya yiri,“sida u jeedid caawa waxa garoonka ka baxayo dad gaaraya 10 ruux oo 5 kamid ah ay yihiin eheladda 5 qof oo bukaan ah oo 4 isbitaal oo kuwa ciidanka lagu dhabiibaya, waxaan ku wareejiyay deeq lacageed oo ay iska soo aruursheen jaaliyadda Soomaaliyeed ee masar illahay mahadiisa waxaa ah inay heleen adeegyadii caafimaad ay u baahnaayeen oo idil, waxa arrintaasna uga mahad celineyna dowladda Masar oo walaalaheeda Soomaaliya mar walba la garab taagan hiil.

Waxaa kaloo uu intaasi raaciyay oo yiri, “waxaa xusid mudan in lacagta tigidhada ay ka bixisay dowladda Masar oo aan uga mahadcelineyno, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo iyo Raiisul wasaare Xasan Cali kheyre oo muujiyay sida ay uga go,an tahay iney shacabkooda wax u qabtaan, kuna dadaalay iney bukaanadan helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah, waxan raba inan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar aan ku bogaadiyo sida ay mar walba ula shaqynayaan mas’uuliyiinta Safaaradda, waxaad gudateen waajibaadka idinka saarna walaalihiina weyna gaarta deeqda ku caawiseen”.

Wariyaha SONNA ee Magaalada Qaahira Mowliid Moha ayaa sheegaya in Bukaanadan helay adeega caaffimaad ee ay u baahnaayeen ay noqonaya kuwa ugu horreeya ee dalka dib ugu laabto, maadaama Dhaawacyada soo gaaray Magaalada Qaahira caasimada Dalka Masar ay tiradoodu tahay 15 ruux, waxana la filayaa in inta dhiman ay dalka dib ugu laabtaan bilaha soo socda.

Shirkii dib u heshiisiinta oo lagu soo geba gebeeyay Doolow.

0

Shirkani dib u heshiisiinta oo loo qabtay bulshada kunool Gobolka Gedo ayaa lagu soo geba gebeeyey degmada Doolow ee Gobolkaasi.

Waxaa ka qeybgalay Masuliyintan ka tirsan Dowlad Gobaledka Jubbaland,gaar ahaana Wasiirka Amniga Cabdirashiid Xasan Cabdinuur,  Wasiiru ku xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdiraxman Maxamed Xasan, Guddomiye kuxigeenka Gobalka Gedo sheikh Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi Guddomiyasha Degmoyinka Gobalka Gedo iyo Bulsshada Rayidka.

Shirkan oo socday muddo 5 maalmood ah ayaa looga hadlayay dib u heshiisiinta iyo isdhexgalka bulshada Gobolkaasi,iyadoo waxyaabihii shirkaasi ku saabsanaa ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen bulshada gobolkaasi.

Guddomiye kuxigeenka Gobalka Gedo sheekh Maxamed Xuseen Isaak Al-qaadi Wasiirka Amniga Dowlad Gobaledka Jubba Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Wasiiru ku xigeenka Arimaha Gudaha ayaa bulshada ku dhaqan gobolkaasi ugu baaqey in ay nabadda iyo horumarka ka wada shaqeeyeen.

Waxaa uu shirkani bilow u yahay qorshe la doonayo in sidi loo heli lahaa wadiiiqooyin sahlaya dhismaha Golayaashii deegaanka ee Gobolkaasi Gedo.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo tababar u furay 25 macalimiin ah.

0

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta Siminaar Socon doona shan malmood ugu  furay magaalada muqdisho 25 macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo gobolkan Banaadir.

Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa Casharo la Xariira maareynta iyo qorsheynta tayada heerka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay  maclimiinta tababarkan qaadanaysa in ay ka faa’iideestan casharada lagu bixnaayo tababarkan.

Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  ayaa daahfuray siminaarkan,isagoo macalimiinta u rajeyay in ay waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  oo ay Wehlinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan  Maxamed Cali,Xoghayaha  Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Xubno ka tirsan howl wadeenada Wasaaradda  ayaa  Kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar,iyadoo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan iyo Taliye ku xigeenkiisa.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo uu weliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa kormeerey iskuulka ay Wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, xiligaasi oo maxaabiista la siinayay Cashiro la xariira Taariikhda Dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ugu deeqay Dhalinyarada maxaabiista ah ee wax ka barta Iskuulka Xabsiga dhexe Xamar Agab waxbarasho.

Galmudug oo dhisaysa Dekadda magaalada Hobyo” Sawirro”

0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Galmudug ay dhisayso Dekadda Magaalaada Xeebeedka Hobyo.

Mudane C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor wareysiga uu siiyay Radio Muqdisho waxaa uu ku sheegay in Maamulka Galmudug Gobolada dhexe ay ka go,an tahay Dhismaha Dekadda Magaalada qadiimiga ah ee Hobyo inta lagu guda jiro Sanadkaan 2018.

Wasiirka Dekadaha Galmudug iyo Wafdi balaaran oo uu hugaaminaayo ayaa dhawaan Socdaal ku tagay Magaalada Xeebeedka Hobyo iyo deegaano kale oo hoos yimaada Magaalada gaar ahaan kuwa dhaca dhulka Xeebta ah isagoona ugu baaqay Ganacsatada iyo maal qabeenada kasoo jeeda Gobolada dhexe in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada Hormarka Mudug iyo Galguduud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliya ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Xaaf ayaa horay u sheegay in uu Maamulkiisu hirgalin doono Goobihii adeegyada aas aasiga ah loogu qaban jiray bulshada Soomaaliyeed sida, Garoomada iyo Dekadaha Galmudug.

Sucudiga oo amray in la kordhiyo mushaarka shaqaalaha Dowladda.

0

Shaqaalaha dowladda Sucuudi Carabiya ayaa la siin doona lacago looga caawinayo canshuuraha cusub ee lagu kordhiyay iibka alaabaha iyo sare u kaca qiimaha shidaalka.

BoqorKa Sucudi Carabiya boqor Salmaan Bin Cabdalla, ayaa amar ku bixiyay in mushaharka shaqaalaha dowlada lagu kordhiyo bil kasta in ka badan 260 doolar laga bilaabo sanadka soo scocda.

Talaabadan ayaa lagu caawinayaa dadka ay ku adkaatay maciishada caadiga ah, taasi oo ka dhalatay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kordhinta canshuuraha.

Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa aad u laba jibaartay sicirka shidaalka ee gudaha Sucudi Carabiya, waxaana lagu soo rogay inta badan alaabaha ay ka mid ka yiiin raashiinka iyo adeeegyada kale canshuur gaareysa boqolkiiba 5%.

Dowladda Sucudi Carabiya waxay dooneysa inay yareyso ku tiirsanaanta shidaalka ee dalkeeda, kaddib markii uu dhawaan aad u sabeeyay sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka.

Dowladda Isu-tagga Imaaraat-ka Carabta ayaa sidoo kale canshuur gaareysa bqolkiiba 5% kusoo rogtay alaabaha la iibiyo.

Amarka boqorka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta isticmaala adeegyada gaarka ah sida caafimaadka iyo adeegyada waxbarasho ay dowladdu ka caawin doonto bixinta canshuuraha.

Sidoo kale ciidamadda milatariga ee jiida hore uga jira dagaalka ka soconaya Yamen ee ka dhanka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale loo qoondeeyay lacaga gaaraya in ka badan $1,000.

Ciidamada Amaanka oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Degmada Buulo barde.

0

Wararka ka imaanaya magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo shalay ka dhacay Degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan oo ka mida deegaanada hoos yimaada Maamulka Hirshabeele.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan ayaa intii ay wadeen Howlgalka waxaa ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen ama ay ku lug lahaayeen Qaraxii shalay ka dhacay Degmadaasi.

Qaraxani oo ahaa minada nuuca dhulka lagu aaso ee loo isticmaalo Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen isagoona ka dhacay Duleedka Bari ee magaaladaasi,gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde,sida uu soo sheegayo wariyaheena C/naasir Geesey.

Qaraxyada nuucaana ee lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegata Maleeshiyaadka Nabad iyo Nolal diidka ah ee Al-shabaab hasa yeeshee Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa u taagan ka Hortagida falalka Guracan ee Maleeyshiyadu u maleegayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shir weynihii wadatashiga ee nabadgeliyada iyo horumarka caasimadda oo dib u dhac ku yimid

0

Mudane Taabid Cabdi Maxameed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa  ku faah fahiyay dib u dhaca ku yimid shirkii wadatashiga looga hadli lahaa nabadgeliyada iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Taabid ayaa sheeagay in sababo farsamo darted uu u baaqaday Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho,kaasi oo horey uu ugu dhawaaqey Duqa Muqdisho..

Wuxuu sidoo akle shirkiisa jaraa’id ku sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dib ka soo sheegi doono waqtiga uu dhacayo shirkaasi wadatashiga ah.

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dabayaaqadii bishii December shaaciyay in 7 bashan ;la qaban doono shirweyne looga hadlayayo nabadgeliyada iyo horumarka caasiamadda.