Home Blog Page 1371

Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aan la xiriira diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadaha

0

(Muqdisho, 13 Nofeembar, 2017) Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.

Wasaaru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

“Ciwaanka kaliya ee Soomaaliya ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbeddel weyn ka sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba. Haddaba waxaan dadweynaha ku wargelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka” ayuu hadalkiisii ku soo gagabeeyay wasiir Bile.

                    —DHAMMAAD—-

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Tababar loo furay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa loo Tababarayaa in ay dajiyaan Qorshaha Wasaaradda ay ku shaqeyn doonto Sanadaha soo socda.

Waxaa Tababarka siinaya Macalimiin Ajnaaniib iyo Soomaali waxaana kaalin wanaagsan ka qaadanaya Hey’adda UNDP oo Soomaaliya arrimo badan ka taageerta.

Furitaanka waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sh Yuusuf “Al Cadaala” ayaa sheegay in looga baahan yahay Shaqaalaha inay si wanaagsan uga faa’iideystaan Casharadda lasiinayo.

“Waxaan idinka rabnaa in aad si wanaagsan uga faa’iideysataan Tababarkan waxaad tihiin kuwo muhiim u ah Wasaaradda iyo Qorshaha ay leedahay waana sababta badankiin leydiin soo xushay”.

Xogayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdi Diirshi ayaa waxa uu sheegay in mudooyinkaanba laga soo shaqeynayey in Tababarkan labilaabo balse maanta suurto gashay.

“Arrintan waxaa si-gaar ah uga shaqeeyey Wasaaaradda Warfaafinta inagana gacan ayaan ku siinay runtii waxaa jiray Koox ay Wasaaradda Warfaafinta u soo dirtay Wasaaradda Qorsheynta kuwaas ayaana hirgaliyey arrintan”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Iidaa Yoonis ayaa tilmaamay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay Wasaaraddaha ugu shaqadda badan loona baahan yahay inay Shaqaalaheedu noqdaan kuwo dhankasta ka dhisan.

“Waxaan ku kalsoonahay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta inay yihiin kuwo howl kar ah kuwaas oo ka faa’iideysan kara Tababarkan aadka muhiimka inoogu ah”.

Tababarkan waa waxaa uu socon doonaa sida uu Qorshuhu yahay mudo Seddex maalin ah waxaana lagu bixinayaa Cashiro ku aadanka hormarinta Qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda”Dhawaan Miisaaniyadda dowladda 2018 waxaa la horgeynayaa Golaha Wasiirada iyo Baarlamanka”

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.

Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.

Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.

Ciidamada Xoogga dalka oo Xorreeyey deegaano horleh oo Gobolka Sh/hoose katirsan

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa howlgallo ka dhan ah maleeyshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah Gobolka shabellaha hoose, iyagoo ku xorreeyey deegaano hor leh oo gobolkaaasi katirsan.

Degaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ayey ciidamada xoogga ka xorreeyeen Nabad diidka Alshabaab, waxaana  deegaanadaas argagixisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, waxayna ku  qasbi jireen  inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta kooxda iyo in aysan jari Karin geedka Soomaalida ay u taqaan cali garoobka oo wadooyinka deegaanada la xorreeyey xiray, dhibaatana bulshada ay ku qabeen.

Taliyaha ururka 26 aad ee  guutada seddaxaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in gacanta Nabad diidka Alshabaab ay ka bixiyeen deegaano hoos yimaada  degmadda Kuntunwaareey ee Gobolka shabellaha hoose, islamarkaana ay qabteen tiro Maleeshiyaad oo Kooxda u dagaalameysay.

Col Xasan Jaamici, ayaa sheegay in howlgalada Nabad diidka lagula dagaalamayo ee gobolka Sh/hoose ka socda ay noqon doonaan kuwa joogta ah, dhowaanna lasoo afjari doonno howlgaladaasi,  isagoo shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan siddii Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaaanada tirada yare ee hadda ay ku dhuumanayaan.

Wasiirka Maaliyadda”Dhawaan Miisaaniyadda dowladda 2018 waxaa la horgeynayaa Golayaasha Wasiirad iyo XFS”

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.

Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.

Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.

100 qof oo ku dhimatay dhulgariir ku dhuftay Iiraan iyo Ciraaq

0

Waxaa Wadamada iiraan iyo Ciraaq ruxay Dhul-gariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 7.3,kasi oo la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 100 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ugu yaraan 129 ruux ay ku dhinteen gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka Iiraan, sida ay mas’uuliyiin u sheegeen warbaahinta dawladda Iiraan.

Dalka Ciraaq ayaa sidoo akel Afar ruux oo kale oo dheeri ah ku dhimatay,Waxay u badan tahay in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Dhulgariirka ayaa jahwareer abuuray, dadkuna waxay billaabeen in ay guryahooda ka cararaan oo ay wadooyinka tagaan.

Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq ayaa waxaa masaajidda ka bilaabatay salad iyo duco ku aadan in ilaahay uu ka bad baadiyo musiibadaasi.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay ku sugnaayeen magaalada Sarpol-e Zahab oo 15km u jirta xadka labada dal, sida uu telefeshinka dawladda iiraan ee IRINN u sheegay madaxa gurmadka degdegga ah ee Iiraan, Pir Xuseen Koolivand,

Morteza Salim  oo ahmadax hay’adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegay in ilaa 8 tuulo oo kamid ah goobaha dhulgariirka uu ku dhuftay.

Doorka  Madbacadaha & taariikhdii ay soo mareen

0

 

Waxa dunida ugu horeeyay taariikh ahaan waa qoraalka oo la rumeysan yahay in uu la bilowday aadanaha,bal qiyaas  nolosha maanta haddii aysan jiri laheyn hindisaha aaladda madbacadda maxaa dhici lahaa? .Jawaabtu waa suurtogal ma noqoteen in aan helno  buugag ama kutubbo xambaarsan cilmiga diinta iyo aqoonta kale ee maadiga ah.

Madbacadda oo ah aalad suurtagalisa in la helo qoraal macno leh oo loo adeegsan karo soo saaridda buugagta,wargeysyada iyo kuwo kale,waxaa labadii kun ee sano ee u dambeeyay soo shaac baxay madbacado door muhiim ah ka qaatay horumarka bulshada .

Madbacaduhu  waxa ay noo ogolaaadeen in aan wadaagno tiro badan oo akhbaaraad ah oo dhaqso leh,waxaana la hindisay waqtigii ugu muhiimsanaa ee nolosha biniaadanka.

Ka hor inta aysan soo bixin madbacadda waxaa la isticmaali jiray qoraalada far guriga ah iyo sawir gacmeedka,kaas oo ahaa mid ku xiran  howshiisa gacanta biniaadanka,iyadoo  si gaar ah ay u adeegsan jireen  Macbadyada ama goonaha laga maamulo diimaha.

Xilliyadii la magac baxay waayihii mugdiga (Dark Ages  iyo waayihii dhexe (Middle Ages) awooda heysashada kutubada ku qoran farta guriga waxaa loo ogolaa maamulka Macbadka ,machadyada waxbarasho iyo dadka ladan oo taajiriinta ah.

Marka laga soo tago qoraalka farta guriga oo loo isticmaali jiray dhoobo,maqaar.qalmaan alwaax ah,warqado iwm  waxaa xigay  Baakadda sawirka (Block Printing ) ama sanduuqa daabacaadda  oo ahaa  aaladdii ugu horeysay ee loo adeegsado qaabka madbacadda,waxaana Xilligii u dhaxeeyay  1300-1400s,dalal ka mid ah kuwa ku yaalla qaaradda Aasiya,Yurub iyo kuwo kale ay lahaayeen  nuuc horumarsan oo ay wax ku daabacan jireen ,kaas oo ahaa  xarfo laga qoray alwaaxda oo lagu safayo ama la galinaayo sanduuq alwaax ah ,kadibna lagu qoynayo qad ,lana dulsaarayo warqad.

Johannes Gutenberg oo ahaa nin Jarmal ah ,waxa uu sanadkii 1436 bilaabay sameynta madbacad casri ah oo ka duwan sanduuqa daabacaadda oo ahaa alwaax la farsameeyay oo lagu habeeyo qoraalka,

Gutenberg oo gacan ka helaya Andreas Dritzehn iyo Andreas Heilmann ayaa ku guuleysteen shaqadaasi,hasaa yeeshee sanadkii 1439 ,ayaa si rasmi ah loo  bilaabay adeegyada madbacadda,kadib isagoo isticmaalaya xirfadihiisii aheyd farshaxanka bir qorista maadaama uu horay u ahaa nin ka shaqeeya xardhidda iyo sameynta dahabka

Gutenberg waxa uu ahaa nin horay fikrad uga heystay sanduuqa alwaaxa daabacaadda,wuxuuna door biday in waxqabadkasi sanduuqa alwaaxa ah loo badallo aalad ka xowli badan,ka wanaagsan,kana awood badan xagga wax soo saarka qoraalka.

Halkii laga isticmaali jiray sanduuqa daabacaadda  alwaaxa ah , Gutenber,wuxuu ku badalay sanduuq bir ah, ,waxaana loogu magac daray nuuca aaladda  dhaqdhaqaaqda,iyadoo xarfihii ka sameysnaa alwaaxda lagu badalay niro,Waxaana sidoo kale loo aqoonsaday  in uu hordhac u ahaa in saliid loo isticmaalo qad,taasoo ka cimri dheereyd marka loo eego biyo iyo dhuxul qad loo badallay.

Soo ifbixii kacaanki warshadaha waxa ay keeneen ama sababeen in la galo xilli  cusub oo u dhashay Isgaarsiinta dadweynaha ,taas oo isbadal joogto ah ku dhalisay bulshada,isla markaana fududeeysey  in wareeg baaxad leh ay  sameeyaan akhbaaraadka iyo fikradaha u gudbaya dadka leh fahamka wanaagsan.

Qarnigii 18-aad , muhindisiin ama farsamayaqaanno kale sida McLuhan, Eisenstein, Kittler, iyo Giesecke,  ayaa qabay in horumarinta madbacadda dhaqdhaqaaqa ay  door ku leeyihiin muuqaalka bulshada, waxaana abuumay In madbacada loo adeegsado awoodda tamarta oo aan ku xirneyn howsha gacanta marka laga reebo diyaarinta xarfaha qoraalka.

Laba fikrad ayaa badallay qaab sameyskii  madbacadda asaliga aheyd ee hore :kii ugu horeeyay waxa uu ahaa isticmaalka aalad dhalisa tamarta oo laga maamulo gacanta,waxaana arintaasi fikirkeeda lahaa Friedrich Koenig oo ahaa nin Jarmal ah,isla markaana uu taageeraayey  Thomas Bensley sanadihii 1804,-1810-kii.

Aragtida labaad sanadkii 1811-kii Koenig,waxa uu soo saaray mashiin ama matoor ku shaqeeeya habka madbacadda ,isagoo uu caawinayo  Andreas Friedrich Bauer,waxayna 28 November 1814.ay daabaceen qoraaladii ugu horeeyay ee muujinaya wax soo sarkooda.

Kororkii madbcadaha ee xagga qorista waxa ay jabiyeen awoodihii xakameyneysay  aqriska suugaanta iyo cilmiga ee dhinaca waxbarashada ,waxayna xoojiyeen in ay soo baxaan dabaqad hoose iyo mid dhexe oo bulsho ah oo wax bartay ,taasina waxay ku hogaamisay in ay soo baxaan  dad muwaadiniin ah oo hormaiyay degenaanta luqadda Yurub.

Madbacadaha wax daabaca waxaa kaloo ay kaalin ka qateen dhiirigelinta bulshada barata cilmiga kala duwan,kuwaas oo u fududeeyay in ay maareeyaaan aqoonta ay daahfureen sida soo bandhigidda cilmiga ,baaritaanada iyo taagfeerada xagga halganka aqoonta ah

Aasaaska madbacadaha waxay ahaayeen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dimoqraadiyeenta aqoonta,gaar ahaan wixii ka dambeeyay hindisaha madbacadda,iyadoo guud ahaan wadamada yurub iyo kuwo kale ay suurtogal u noqotay in dib loo daaboco ama loo qoro dhaqanka bulshada iyo caadooyinkooda .

Marka labaad waxa kordhiyay shacbiyadda aqoonta waxa ay ahaayeen hoos u dhicii ku yimid qorista luqadda Laatinka ,taasoo sababtay in lagu badallo luqadaha ay ku hadlaan dalalka Yurub iyo kuwo kale, waxayna abuurtay in uu kor u koco muhiimadda luqadda qaran kasta

Natiijadii sadexaad ee kor u qaaday shacbiyadda madbacadda waxa ay aheyd xagga ganacsiga oo ay soo baxeen ururo heerkoodu sareeyo oo ka jiray magaalooyin yurub ka mid ah,kuwaas oo soo saaray buugag ka hadlaya xirfadaha ganacsi oo la isku halleyn karo,iyagoo hoos u dhigay suuqyadii isla markaana kor u qaaday ganacsiyada ay leeyihiin shaqsiyaadka.

Rotary press

Madbacadda ku shaqeysa wareegga tamar howleedka ,waxaa hindisay Richard M. Ho oo u dhashay dalka Mareykanka sanadkii 1843-dii,taas oo suurtagalisay in la soo saaro tiro badan oo wax soo saar ah xagga qoraalada haddey ahaan lahaayeen  buugagta Iwm.

Marka la barbardhigo maanta madbacadaha waa kuwo ku shaqeeya koronto,waana kuwo iswada,waxayna awoodaan in ay soo saaraan  qoraallo dhaqso leh oo ka badan kuwii hore

Letterpress:

Xaruufaha daabacan waa la mid micno ahaan daabacaaddi Gutenberg waxayna u baahan yihiin shaqaale socodsiiya howsha habeyna qadda warqadda iyo waxyaabaha kale,waana lagama maarmaan howsha sameynta gacanta biniaadamka.

Offset press

Madbacadani waa mid casri ah oo awood u leh in ay soo saarto wax ka badan inta ay soo saarto Letter press,waxaana loo yaqaanaa warshadda daabacaadda .Madbacadda Offset-ka casriga ah. Waxaa loo isticmaalaa Komputer si loo abuuro qoraal ka dul muuqda ama ku qoran warqad khafiif ah oo u eg filimka ama baniikolka ,kadibna waxaa lagu meeleeyaa ama lagu gubaa qalab mashiin ah (cylinder).

Madbacadda Offset waxaa loo isticmaalaa in ay soo saaraan  wargeysyada badan , magazines-ka, buugagta iyo waxyaabaha kale ee la daaboco.

Digital press:

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu dhibka badan madbacadda offset-ka  waa iyadoo dhaqaale ahaan uusan aheyn mid hooseeya ama jaban,sababtoo ah saxanka warqadda filimka ah waa mid ku fadhiya qiimo sare oo dhowr boqol oo doolar ah

Madbacadda Digital-ka waxay sameysaa mug daabacaad ah oo la awoodi karo ,lana mid ah daabacaadda warshadaha maxaa yeelay uma baahna saxanka warqadda filimka ah ee ay ku shaqeeyaan madbacada Offsetka,waxaana lagu hormariyaa  tiknolojiyadda inkjet ama laser jet si qadda ay ugu gudubto warqadda.

Maanta waxaa jira nuucyo badan oo  madbacado ah,isla markaana qabta shaqooyin kala duwan,mid kasta leedahay wanaag u gaar ah xagga daabacaadda,waxaana soo baxay madbacado yaryar oo awood u leh in ay daabacaan  nuucyda kala duwan sida wargeysyada, ,buugagta sheekooyinka , buugagta xambaarsan aqoonta,, waraaqaha xafladaha,kuwa la isugu hambalyeeyo ama la isu diro munaasabadaha iwm.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacday Riyadh

0

Sacuudi(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay duqeymihii dhawaan lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh ee Dalka Sucuudiga,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen kooxaha Falaagada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

“Weerarkaasi waxaa cad in ay tahay in la jebiyay sharciga caalamiga ah,waxaana muujinaynaa dareenkeeni ku aadan xisadaha soo cusboonaaday oo majaxaabinaya amniga gobolka iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradad Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka iyo Dowladda Sucuudigu ay ku garab taagan tahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga ayna ilaashadaan nabad geliyada iyo degnaanshohooda.

“Waxaa ku celinaynaa balanqadkayni ahaa in aan sii wadno wadashaqeynta nagala dhexeysa Sucuudiga iyo saaxoobadeena eee Gobolka iyo guud ahaan Beesha caalamka,si loo cirib tir kooxaha arggagixisada Caalamiga ah,si loo helo nabadgeliyo iyo xasilooni waarta,ee Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka intiisi kale”. Sidaasi ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkani ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sucuudiga waxaa ay ka mid tahay wadamada taageerada siiya Soomaaliya,iyadoo uu kala dhexeeyop Soomaaliya xiriir dhankasta leh oo soo jireen ah.

Safiirka Soomaaliya ee K/Afrika oo la shiray ganacsatada+Sawirro

0

K/Afrika(SONNA) Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika, iyadoo ay ka qeybgaleen  Ganacsatada Soomaalida qaar ka mid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee Dalkaasi

Kulankan oo ahaa kii labaad oo ay Safaaradda u qabato qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ayaa loogu hadlayay sidii loo hormarin lahaa ganacsiga Soomaalida iyo sida loo dhisi lahaa Madal ay ku mideysanyihiin Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo ay Safaaradda  ka caawinayso xagga Sharciyada Dalka si loogu midoobo dhibaatooyinka u badan dilalka iyo dhaca ee Soomaalida kala kulmaan burcadda K/Afrikanka.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay tallaabadan lagu mideynayo ay tahay mid loo baahanyahay si loo hormariyo ganacsiga Soomaalida oo sanadihii dambe sii yaraanayay,kadib markii ay Soomaali badan dib ugu laabteen dalka qaar kalana  ay barakaceen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrika Koonfuureed, Jamal Barrow oo shir Guddoominayay kulanka ayaa sheegay hadii la helo isku duubni ay Safaaraddu ka caawin karto waxyaabah loogu baahdo Dowladda K/Afrika.

” Hadii aan midobno waxaan ku gorgortami karnaa cududeena Shirkadaha dalka ka jiro taas ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha aan u dhiiragalinayno inaad noqotaan hal madal waxaana jira Shirkado badeeco siin karo Ganacsatada,waxaa kale keeni karnaa halkaan maalgaliyaasha Soomaaliya jooga halkaan” ayuu yiri Safiir Jamal Barrow.

Todobaadyada soo socda ayay Madaxda Safaaradda u socdaali doonaan Gobolada Soomaalida ka deganyihiin K/Afrika si loo helo fikirado kala duwan kuwaas oo ugu dambeyntii mideyn kara Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo hada kala qoqoban si ay ugu midoobaan dhibaatooyinka iyo barakicinta joogtada ah.

Soomaaliland oo ka bilaabatay codbixinta doorashada

0

Soomaaliland(SONNA) Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha Soomaaliland,iyadoo la arkayo dadweyne aad u farabadan oo safuuf dhaadheere kujira si ay codkooda u dhiibtaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa  sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana la xiriiray, codayntu ay billaabatay 7:00 subaxnimo,waxaana la filayaa in dadka reer Soomaaliland ay doortaan hoggaan cusub.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Waxaa ku tartamaysaa ilaa 3 musharax eek ala ah Muusa Biixi,Faysal Cali Waraabe,iyo C/raxmaan Ciiro,kuwaasi oo midkasta sugaya natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxaana sidoo kale codaynaya musharixiinta.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Waxa ku sugan Soomaaliland korjoogayaal caalami ah kuwaasi oo u kuurgalaya xaaladda guud ee Doorashada,waxayna sugayaan habka ay u dhacayso doorashadaasi.