Eng,Yarisow oo sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo sidii shacabka loo siin lahaa awoodda dowladnimada (Sawirro).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay tartanka Cayaaraha dugsiyada degmada Hodan, isagoo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo horumarinta caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin kuwa ugu badan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aragtidooda iyo hamigooda loo isticmaali doono sidii mar kale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd, magaalada Muqdisho na u noqon lahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda iyo amniga badan Caalamka.

Eng. Yarisow waxuu sheegay ka sakow muhiimadda uu Isboortigu u leeyahay isdhexgalka bulshada, in tani muuqaal cad ay ka bixinayso sida magaaladu uga soo kabanayso dhibaatooyinkii ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana ay maamulkiisa cusub ku dhiirigelinayso inuu dhabaha u furo bulsho isku duuban oo ka fekereysa mustaqbalka horumarka dalkooda.

“Waxaan naga go’an horumarinta degmada iyo xoojinta Isboortiga oo laf-dhabar u ah bulsho isku duuban. Degmada Hodan waa xaafaddii aan ku koray waxna ku soo bartay aad ayay ii farxad gelinaysaa inaan mar kale arko shacabkii aan jeclaa oo maanta hortayda taagan wajiyadoodana ay ka muuqato farxad iyo rajo weyn”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo talada in loo dhaweeyo shacabka si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda, taasina lagu gaari karo marka la helo shacab isku duuban oo leh hal aragti.

Xafladda daah furka tartanka cayaaraha dugsiyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...