Ciidanka Xoogga dalka oo degmadda Galdogob kasoo qabtay Nin Gaalkacyo ku dilay Qof Rayid ah.

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guulwade oo dhowaan Taliyaha CXD uu ka aas-aasay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa maanta gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle C/raxmaan oo 12 February 2018 Gaalkacyo ku dilay Qof rayid ah oo lagu Magacaabi jiray Hanad Jaamac Faarax.

Ciidanka oo howlgal lagu baadi goobayo Abshir Cabdulle muddooyinkii u dambeeyey waday, ayaa gacan ku dhiiglahaan kasoo qabtay Degmadda Galdogob oo dhinaca galbeed ka xigta Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo in muddo ah uu ku dhuumanayey.

Taliyaha Ururka Guul wade Korneel Cabdi Xukun, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey qabashada gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle, isaggoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono Cadaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....