Home Blog Page 1370

Wasiir Axmed Ciise Cawad Oo Ballanqaaday Inuu Horumarinayo Wasaaradda Loo Magacaabay.

0

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradda Wasiirkii hore H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa sheegay in uu dadaal u gali doono sidii loo horumarin lahaa howlaha wasaarddau ay u qabato bulshada.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu horumarinayo Wasaaradda , dalka iyo dadkana ugu adeeggi doono si ay ku jirto nafhurid iyo daacadnimo.

Hadalkani ayuu ka jeediayay Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Eng. Mahdi Ahmed Guled, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha H.E. Mr. Abdullahi Hamud, Xildhibaanno ka kala tirsan Aqalka hoose iyo Aqalka sare, Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mr. Khaled Omar Ali, Saraakiil amni, Danjireyaal, Diblomaasiyiin, Agaasimeyayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayuu ku tilmaamay Wasiirka cusub ee uu xilka ku wareejinayay saaxiib ay wadashaqeyn dhow ay kala dhexeysay, kana tirsan bahda Arrimaha Dibadda, waxaanu u rajeeyay inuu guullo ka gaaro howlaha qaran ee loo igmaday.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa xusay in dadaallo ballaaran oo uu sameeyay iyo talo jeedinno uu bixiyay oo ku saabsan fulinta sharciga shaqaallaha dibadda ay noqdeen kuwa aan wax ka soo qaad lahayn, waxaanu Wasiirka cusub kula dardaarmay in si loo helo kaadir diblomaasi oo tayo iyo aragti dheer leh la tixgeliyo dadka ehelka u ah howlaha diblomaasiyadda, dibna loo eego tirada shaqaalaha iyo howlaha shaqo ee loo baahan yahay si ay isku dhigmaan.

Danjire Yuusuf Garaad ayaa hadalkiisa waxa uu intaa sii raaciyay muhiimadda ay leedahay in tiro ku dhow 50 dal lala furo xiriir diblomaasiyadeed, iyada oo la balaarinayo matalaadda safiirrada hadda shaqeeya oo ka wakiil noqonaya dalal kale oo la ood wadaag ah dalka ay sida rasmiga ah u degan yihiin.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku sifeeyay diblomaasiga mid aan ka shaqa yareyn askariga hubeysan ee damaacinaya inuu dalaco, gaaro darajada Sarreeye Guud, halka diblomaasigu ku shaqeeyo qalin iyo maskax la tuujiyay, kuna dadaalo sidii uu ku gaari lahaa darajada Safiir, isaga oo xusay in socdaallo miradhal noqday oo uu ku kala tagay wadamada India iyo Seychelles ay horseedeen siideysmada iyo u doodidda muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad badeednimo.

Dhankiisa, Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ammaannay dhiirannaanta Wasiirkii hore Danjire Yuusuf Garaad, oo uu ku tilmaamay mas’uul u diyaar ah inuu u adeeggo dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xusay inuu latashiyo la sameyn doono, kana faa’ideysan doono khibraddiisa iyo waaya-aragnimadiisa.

Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Axmed Guuleed, oo sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya uu sii hanaqaadday, lagana rajeynayo Wasiirka cusub inuu dardargeliyo jiheynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo ka guul keeniddeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Socdaal Dhanka Dhulka Ah Ku Marayo Gobolada Bari.

0

Markii ugu horeeysay, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku maraya Safarkii ugu dheeraa oo dhinaca dhulka ah deegaano ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, goobaha uu ku maraayo safarada dhulka ah ayaa waxaa ka mid ah deegaano ka mid ah Dowlad Gobeoleedka Puntland, waxaana la filayaa in dhowr magaalo uu ku maro socdaal dhanka dhulka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safarkiisan uu ku marayo deegaanada Puntland salka uu ku hayaa u kuurgelid xaaladda ka jirta deegaanada Puntland.

Sida lagu helayo waar hor dhac oo soo gaaraya SNTV ayaa waxay tibaaxayaan in magaalooyinka uu booqnayo ay ka socdaan dhaqdhaqaayo xooggan oo lagu soo dhoeynayo madaxweynaha, deegaanadaasi ayaa waxaa ka mid ah Magaaada Qardho, Waaciye, Carmo ilaa Boosaaso oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Bari.

Safarkan ayaa waxa uu noqon doonaa safarkii ugu horreeyey ee madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku socdaalo dhanka dhulka ah uu ku maro boqolaal KM.

Madaxweyne Farmaajo Oo Daah-Furay Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada daah furka Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa sheegay in mudo ay ku taamayeen iney helaan Garoon caalami ah oo laga hirgeliyo Garowe oo hadda caasimad u ah maamulka Puntland,islamarkaana ku suurta gashay isku tashi dadweynaha iyo Dowlad Goboleedka Puntland ah.

Wuxuu madaxweynaha Puntland Mr. Gaas uu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay dhameystirka Garoonka iyo iney daboosho baahida loo qabo adeega tababarada,qalabka iyo baahiyaha kale ay qabaan shaqaalaha Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in marka hore maamulka Puntland uga mahad celinayaan horumarka dhanka dumuqraadiyada ay ku tallaabasadeen,wuxuuna ku amaanay dadaalka ay geliyeen sidii loo heli lahaa Garoon caalami ah oo la jaan qaada Garoomada kale ee caalamka oo laga hirgeliyo magaalada Garowe.

Waa Garoonkii labaad oo laga hirgeliyo Puntland,waxaana Garoonka diyaaradaha Garowe ee maanta xariga uu ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo loogu magacdaray Generaal Abshir Maxamed Muuse oo qeyb ka ahaa saraakiishii Ciidamada Puntland.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga oo xilkiisa la wareegay

0

Xaflad uu xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khadro Axmed Ducaale iyo wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaas Mudane Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,Wasiirka wasiir kuxigeenka,Wasiiru Dowlaha xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa faah faahin ka bixisay ugu horeyn waxqabadka Wasaaradda mudadii ay xilka haysay,waxaana ay sheegaty in ay ku guuleysatay howlo badan oo horyaalay Wasaaradda,waxayna ugu mahadcelisay dhamaan mas’uuliyiintii la shaqeysay mudadii ay xafiiska joogtay dowrkii ay ku lahaayeen dardargelinta howlaha Wasaaradda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay Wasiir Khadra waxqabadkeeda,isagoo balanqaaday in uu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa waa jibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa ku ammaanay Wasiirka hore ee Wasaaradda Ganacsiga Marwo Khadro Axmed Ducaale,gudashada Waajibaadkeeda shaqo,wuxuuna dhanka kala kula dardaarmay Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu waajibaadkisa uu si hufan u guto.

 

War-Saxaafadeed : Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal u Kuur Gelid Ah Ku Maraya Qeybo Ka Mid Ah Gobollada Dalka.

0


Garoowe, 7 Janaayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.

“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Goordhow Xariga Ka Jaraya Garoonka Diyaaraha Garoowe Oo Dib u Dayactir Lagu Sameeyey.

0

Waxaa magaalada Garoowe ka socota qaban qaabo ku aadan sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajo uu xarigga uga jari lahaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe,kadib markii la soo geba gebeeyey dayactirkii lagu sameeyey.

Ammaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo xafaldda xarig jarka lafilayo in goor dhow ay ka bilaabato halkasi,boqolaal dadweynaha ku dhaqan magaalada Garoowe, mas’uuliyiinta Puntland iyo marti sharaf kale ayaa qeyb ka ah munaasabadda xarig jarka ah.

Wadooyinka magaalada Garoowe waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan oo amniga sugaya,sidoo kale waxaa waddooyinka ku xardhan boorar ay ku dhajisanyiin sawirka madaxweynaha JAmhuuriyadda Soomalaiya taasi oo qeyb ka ah soo dhaweynat madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa wuxuu qaadan doonaa muddo maalmo ah,isagoo booqan doona magaalooyin kale oo ka tirsan maamulada Puntalnd iyo Galmudug.

Madaxweynah Jamhuuriyadda soomaaliya Oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa guddoomiyey shir ay magaalada Garowe ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirrada dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada shirkan lagaga hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta amniga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta wada shaqeynta Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada Goboleedyada Dalka iyo horumarinta adegyada bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixino ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda ee Puntland ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Sidoo Kale, Madaxweynaha waxaa uu u shegay masuuliyiinti ka qeyb galaayey shirka in ay qaataan masuuliyadda ka saran dib u soo celinta midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, lana yeesho wada shaqeyn dhab ah maadaama masuul kasta uu xil weyn ka saaran yahay samata bixinta shacabka Soomaaliyeed iyo in loo abuuro mustaqbal ka tarjumaya himilada iyo hanka shacabka.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ka xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo qorsheyaasha ku aadan horumarinta arimaha Bulshada heer Federaal.

Xaflad Casho Soo Dhoweyn Iyo Sagootin Lagu Kala Maamuusay Wasiirka Cusub Iyo Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa xaflad casho-sharaf soo dhoweyn iyo sagootin iskugu jirtay ku kala maamuustay Wasiirka cusub ee Wasaaradda H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo Wasiirkii hore H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed oo wareejinaya xilka.

Munaasabadan oo hadallo kooban ay ka kala jeediyeen labada Wasiir ee xilka ku kala wareegi doona muddo 24 saac gudahooda ayey wada muujiyeen sida laga maarmaanka ay u tahay u adeegidda dalka, dadka iyo ilaalinta danta qaran oo la waafajinayo siyaasadda dibadda, waxa ayna wada tilmaameen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka guul keenidda ajandayaasha xaqiijinaya horukaca iyo taabagalka Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah.

Xafladdan cashada ah ayaa kulmisay Safiirro, Wasiirro hore, diblomaasiyiin iyo dad ka dhex muuqda qeybaha bulshada, waxa ayna ku idlaatay jawi guul leh.

Profiling-ka wasiirrada cusub

0

SNTV oo si kooban idin ugu diyaariyey taariikh nololleedyada wasiirrada cusub ee Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga.

 

Wasiiradii Dhawaan La Magacaabay Oo Maanta La Dhaariyay…

0

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka.

Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Wasiirada la dhaariyay ayaa kala ah,Eng. Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha,Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,kuwaasi oo dhawaan lagu magacaabay degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirada ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyadoo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda uu kulan salaan ah kula qaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynaha JFS oo xiligaasi ku sii jeedey magaalada Garoowe.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo maanta dalka soo gaaray ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweyey mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.