Home Blog Page 1370

Ra’iisul Wasaare Khayre “Haweenka Soomaaliyeed waa inay hormuud u noqdaan xoreynta dalka

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Tabbabar loo furay

0

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa loo tababbarayaa in ay dajiyaan Qorshaha Wasaaradda ay ku shaqeyn doonto Sanadaha soo socda, waxaana tababbarka siinaya Macalimiin Ajaanib iyo Soomaali waxaana kaalin wanaagsan ka qaadanaya Hey’adda UNDP oo Soomaaliya arrimo badan ka taageerta.

Furitaanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Al Cadaala” ayaa sheegay in looga baahan yahay Shaqaalaha inay si wanaagsan uga faa’iideystaan Casharadda lasiinayo.

“Waxaan idinka rabnaa in aad si wanaagsan uga faa’iideysataan Tababarkan waxaad tihiin kuwo muhiim u ah Wasaaradda iyo Qorshaha ay leedahay waana sababta badankiin leydiin soo xushay”.ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Xogayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdi Diirshi ayaa waxa uu sheegay in mudooyinkaanba laga soo shaqeynayey in Tababarkan labilaabo balse maanta suurto gashay.

“Arrintan waxaa si-gaar ah uga shaqeeyey Wasaaaradda Warfaafinta inagana gacan ayaan ku siinay runtii waxaa jiray Koox ay Wasaaradda Warfaafinta u soo dirtay Wasaaradda Qorsheynta kuwaas ayaana hirgaliyey arrintan”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa tilmaamay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay Wasaaradaha ugu shaqadda badan loona baahan yahay inay Shaqaalaheedu noqdaan kuwo dhankasta ka dhisan.

“Waxaan ku kalsoonahay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta inay yihiin kuwo howl kar ah kuwaas oo ka faa’iideysan kara Tababarkan aadka muhiimka inoogu ah”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Tababbarkan waa waxaa uu socon doonaa sida uu Qorshuhu yahay mudo Seddex maalin ah waxaana lagu bixinayaa Cashiro ku aadanka hormarinta Qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha oo ka qeybgalay daah furka taageerrada haweenka ee ciidammada qalabka sida

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

R/Wasaaraha XFS”Haweenku waa badbaadiyaasha Qaranka,mana aqabalidoono in Shabaab ay dadka laayaan”

0

Muqdisho(SONNA) Munaasabadani oo ujeedkeedu ahaa  Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageerada howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana siweyn looga hadlay sidii dalka looga bad baadin lahaa cadowga.

Waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,masuuliyiin kale iyo haween uu halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan ciidamada Qalabka sida oo dagaalka kula jira Alshabaab.

“Waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno ciidanka,waxaan ka daba qaadaynaa biyaha iyo caanaha,Shabaab uma dulqaadan doono dhibaatada uu shacabka ku hayaao,waxaan doonaynaa in dalka laga xoreeyo cadowga”.sidaasina waxaa yiri haweenkii halkaasi hada;lada ka jeediyay.

R’aiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa ku ammanay haweenka Soomaaliyeed dowrka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo bad baadinta Qaranka.

“Haweenka Soomaaliyeed waa bad baadiyaasha Qaranka,waa lafdhabarkii umadda Soomaaliyeed,iskama dhahaayo eeTaariikhda ayaa qoraysa,marka iyadoo taasi ay jirto ma waxaan aqbalaynaa in shabaab dadku ay gumaadaan,Shabaab wuxuu doonayaa in dadka la xasuuqo,wuxuu ka soo horjeeda jiritaanka Umdda Soomaaliyeed,wuxuuna wataa Shisheeye,sidoo kale waxaan aqbali doonin in Dowladnimada laga leexiyo dariiqeeda,Dowladdiid iyo Shabaab waa isku mid”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday dhamaan shacabka Somaaliyeed gaar ahaan haweenka in taageero dhab ah oo geesinimo ku dheehan ay lagarab istaagan Dowladda Soomaaliya, si loga guuleysto cadowga umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Ololaha taageerada Haweenka ee Howlgalka ciidamada Qalabka Sida

0

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Xildhibaano iyo xubno kala ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay ololaha taageerada Haweenka ee howlgalka ciidamada Qalabka sida.

Munaasabadda waxaa kaloo ka soo qeyb galay qeybaha bulshada waxaana xafladda lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumayso gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha shacabka oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta ciidamada qalabka sida, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ku siineysa howsha.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in haweenku ay mar waliba diyaar u yihiin garab istaaga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isla markaana aysan ka daali doonin guubaabinta ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay casuumadda ay ka muuqato wadaniyad.

“Waxaan isugu nimid inaan ka wada hadalno Mustaqbalka Soomaaliya, waxaad halkan iigu yeertaan inaan arko doorka haweenka Soomaaliyeed, doorka ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalkan iyo jiritaankiisa waxaa tusaale inoogu filan qeybti ay ka soo qaateen laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadanay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan u baahanahay kumaan Xaawo Taako, waxaa la hubaa oo la ogyahay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay yihiin ayna ahaan doonaan badbaadiyeyaasha Qaranka, waxaa la ogyahay inay Nabadda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in cadaaladda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in raggu ka wadaniyadsanyihiin”.

“Waxaan ku faraxsanahay in 30% haweenku ay Baarlamaanka qeyb ku leeyihiin, balse waxaa la idinka rabaa inaad diidaan wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan idin sheegaya in dalalka dunida ugu horumarsan iyo dalalka ugu dhaqaalaha badan ee adduunka aad aragtaan, waxaa lagu gaaray ilaalinta xaquuqda haweenka, marka waxaan rabaa in raggu ay ogaadaan sirta nolosha oo la dhowro xaquuqda dumarka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haweenkii ka qeyb galay kulanka ku guubaabiyay inaysan dhex dhexaad ka noqon in cadowga uu degaan ka dhigto Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan caawa idin sheego waxa aan ka hadlayno ma ahan, hal qof iyo hal gobol, waxaan ka hadleynaa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxa laga hadlayo waa idinka mustaqbalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad cod dheer ku taageertaan sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Waxaan la dagaallameynaa caddowga Ummadda Soomaaliyeed oo ah Al-Shabaab, Shabaabku calan ma wadaagi karno waayo waxa ay gubaan calanka baluugga ah oo dad badani u soo dhinteen, Shabaabku dhul lama wadaadi karno, waayo waxa ay aaminsanyihiin in dhulka ay nala leeyihiin ajaanib dooneyso inay Ummaddan xasuuqdo, marka ma jirto wax aan wadaagi karno argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin Qaranimo iyo inay cadowga ka sifeeyaan dalkooda, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay u baahantahay shacab garab taagan oo ka qeyb qaata howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in Madaxda Qaranka ay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahanyahay, shacabkuna laga rabo inay dhankooda ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarinta dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad diidka iyo Shabaabku aysan wax farqi ah u dhexeyn, waxaana uu taliyaha Xoogga dalka ku amray in uu xafiiskiisa u furo haweenka sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida.

“Ka daalimeyno inaan cadowga iska difaacno, maka niyad jabeyno inaan ilaalino sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku soo xiray.

 

 

 

 

 

R/Wasaare Khayre oo ka qeyb-galaya Munaasabadda Ololaha Haweenku ay ku taageerayan Ciidanka XD oo Muqdisho ka oscota

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka bilaabatay Munaasabad ku saabsan Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageeridda howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa haatan si toos ah uga soconaysa magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb-galaya  munaasabadani Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigaya suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Waxaa lafilayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyomunaasabadda,isagoo ka hadlidoona muhiimadda ay leedahay in la garab istaago ciidamada,islamarkaana ka hadlidoona dagaalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

0

Kismaayo (SONNA) Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane  Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo Wafdiga la socday waxaa si haboon ugu soo dhaweeyey garoonka magalada Kismaayo Wasiirka Wasarada Amniga ee dawlada Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo mas’uliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlad Goboledka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu garoonka ku soo dhaweeyo Wasiirka Amniga  Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiinta kale soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay, waxaana uu tilmaamay in uu Kismaayo u yimid sidii meel looga soo wada jeesan lahaa  cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Socdaalka Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu ka furmay magaalada Kismaayo shir ay ka qayb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga ee dawlad Goboleedyada dalka, kaasi oo maal maha soo socda lasoo gbo gabayn doono.

Dowlada Hoose ee Galkacyo oo bilowday bur burinta dhismayaal sharci darro ah “SAWIRRO”

0

 

Howl galkaan oo ah mid lagu bur burinayay dhismayaal si sharci dara ah looga dhistay wadooyin iyo meelo biyo bareeno horay u ahaa ayaa waxaa maanta maamulka Degmada Galkacyo ee Galmudug waxa uu ka bilaabay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

Dhismayaasha maanta la bur buriyay oo ahaa kuwa caqabad ku ahaa wax ka qabadkja bilicda magaalada iyo isu socodka bulshada ayaa waxaa ugu horeyn dareenkooda ka hadlay qaar ka mida milkilayaashii dhismayaasha  la bur buriyay kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayay talaabada uu maamulku ku doonayo hagaajinta bilicada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka kale ee ka yira magaalada Galkacyo.

Duqa Dagmada Galkacyo xirsi yuusuf barre oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in maaulku uusan ogalaan doonin in si sharci dara ah lagu daganaado meelaha bulshada ka dhaxeeya howlgalka maanta uu qeyb ka yahay qorshahooda la dagaalanka dhismayaasha sharci darada looga dhistay wadooyinka iyo meelaha kale ee bulshada ka dhaxeeysa isagoona xusay in howlgalkoodu uu socan doona tan iyo inta lagu guulaysanayo in ay furaan wadooyin far badan oo si sharciga aan wafaaqsanayn looga sameeystay dhismayaal iyo guryo sharci dara ah ciddiim ka hor timaadana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Talaabadaan ayaa ah mid muujineysa nidaamka wanaagsan ee Dowladnimo ee ka jira Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug

Sawir Qaade:- Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

R/Wasaare Khayre oo ka qeybgalay kulan loogu duceynayay Jenaraal Calishariif

0

Kulankan loogu ducaynayay Allaha u naxriistee Taliyihii Hoggaanka ciidamada Nabad Galiuada Waddooyinka ee Taraafikada Cali Maxamuud Cali (Cali SHariif) oo dhawaaan geeriyooday ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Cali Khayre,Siihayaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey kulanka ayaa Eebe uga baryay marxuumka in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo,eheladii iyo Umadda Soomaaliyeed uu ka geeriyoodayna samir iyo Iimaan uu ka siiyo.

 

Shirweyne looga hadlayo Amniga dalka oo kismaayo ka furmay”Sawirro”

0

Kismaayo(SONNA)-Shirkaan  oo ay kaqeyb galeen Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaradda amniga gudaha dalka,saraakiil booliska ah,QM UN-ka iyo AMISOM ayaa ka furmay magaalada kismaayo.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga dalka tayeynta Ciidanka booliiska,wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad gboleedyada dalka iyo kuwa qaranka.

Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha amniga Dowlad goboleedyada Dalka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, wada shaqeynta Dowladda Federaalka  iyo Maamul goboleedyada.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sharaxad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay  shirkaan maanta kismaayo ka furmay,waxaana uu Wasiirku sheegay in xooga lagu saari doono tayeynta Ciidanka booliiska dalka iyo xoojinta Amniga dalka.

Shirkaan ayaa socon doona mudo labo casha ah,waxaana diirada lagu saari doona xasiloonida dalka iyo wada shaqeynta lamaaha Amniga.