Dood Qaran oo laga doodaayo hanaanka federaalka dalka oo muqdisho lagu qabtey

Date:

Ujeedadan dooda qarankaย  ayaa waxaa ay ku saabsaneedย  hanaanka fedraalka dalkeena uu qaatay iyo sidii loo dhameystiri lahaa federaalka dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Xildhibaano ka socda labada gole Baarlamaanka, Siyaasiyiin iyoย  Masuulayiinta Hayโ€adda Xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Xaaji Maxamed oo ah Agaasime Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ayaaย  faafahin ka baxiyay federaalka dalkeena uu qaatay iyo qeexitaanada uu leeyahay federaalka Dadka Soomaaliyeed

Ka qeyb galayaasha ayaa si wayn ugu dooday hananaka fedraalka hada dalkeena uu qaatay iyo hanaanka qeyraadkaย  looga qeybsan karo iyo xaduudaha, Wasiirka Dastuuurka Xukuumadda federaalka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa tilmayay in doodan ay macno wayn ay ku fadhiso.

Guddoomiyeย  ku_xigeenka Xarunta Talo soo jeedinta Soomaaliyeed Saciid Jaamac Qorshyeel oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay qubarada ka qeybgalay dooda qaran ayย  aragti wnaagsan oo dalka lagu horumarin karo ay soo bandhigeen ayna talooyinkaasi ay aruuriyeen ay soo bandhigi doonan.

Doodaan furan ay aragtiyada ay isku wadeersanayaanย  bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowladda ayaa waxaa ay qeyb ka tahay ka tala galinta talada qaranka Bulshada somaaliyeed si taloobooyin wax ku ool ah hore logu qaado geediย  socadka qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale