Ciidamada Police-ka Soomaaliyeed oo soo qabtey rag lagu edeyey in ay ka ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya

Date:

Howl galkani oo ay iska kaashadeen qeybta bari ee Booliska gobolka banadir iyo ciidamada xooga dalka aya lagu qabty 7 ragg ah oo isugu jiray kuwa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa ku eedaysan Kufsi ayaa  lagu soo bandhigay degaanka gubadley ee dagmada karaan.

Taliyaha qeybta bari ee Booliska gobalka banadir gashaanle sare maxamud xusen ahmed oo warbahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya ayaa sheegay in wax laga qaban doono cid walbo oo lagu arko ka ganacsiga waxyabaha manka dooriya iyo isticmaalkooda

Taliye ku xigeenka qeybta  guud ee Booliska gobolka banadir general sulub ahmed ayaa shegay in raggani kiisaskooda baaritaan lagu samaynayo.

waxa uuna bogaadiyey ciidamada xooga dalka qeybtooda 3aad ee gubadley iyo qeybta  bari gobolka banadir oo shaqadaani qabtey.

Ciidamada Booliska soomaaliya ayaa malmihi ugu dambeyey waday howl galo lagu so afjarayo wax yabaha maanka dooriya tani waxa ay qeyb ka aheyd howlgalada ay sameynayaan ciidamda Booliska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...