Golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta shir uga furmay Caasimadda maamul goboleedkaas ee magaaladaasi Dhuusamareeb

Date:

Shirkan waxaa looga hadlayay arimaha amniga deegaanada Galmudug ayaaย  waxaa shir guddoominayayย ย Madaxa Golaha Wasiirada Gal-mudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaana aad loogu lafaguray sidii loo xoojin lahaa Amniga Gal-Mudug isla markaana loogu diyaargaroobi lahaa Xoraynta deegaanada yar ee Shabaab kaga sugan yihiin maamul goboleedkaasi.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan xubnaha Golaha WasiiradaTaliyaasha Ciimada Qeybahooda kala duwan, waxaana halkaasi laga soo jeediyay warbixinno La xiriira xoojinta Amniga iyo sidii Gal- Mudug ugu diyaar garoobi lahayd Xoraynta deegaanada Gacantooda ka maqan.

Sidoo kale Shirka Golaha wasiirada Gal-Mudug ayaa waxaa lagu soo bandhigay
Warbixin la xiriirta Qorshaha isku dhafka Ciidamada Dawlad Goboleedka iyo xog
ku saabsan Horumarka laga sameeyey Qorshaha tayaynta Booliiska.
Shirka kadib ayaa waxaa Warbaahinta u waramay Madaxa Golaha
Wasiirada Gal-mudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uuna ka
warbixiyey qodobadii shirka looga hadlay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Gal-Mudug ay cagta saartay wadadii horumarka iyo Xoojinta dowladnimada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...