Home Blog Page 1369

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo soo Bandhigay Sanaadiiq loogu tala galay Cabashada dadweynaha

0

Muqdisho (SONNA) Qorshahan ayaa waxaa soo hindisay sii haya Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Muqtaar Xuseen Afrax waxaana loogu talagalay sanduuqyadan in ay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir  loogana jaawaabi doono cid walbo oo ay qusayso.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Korneel Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka booliska ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muuhimada ay leeyihiin sanaadiiqdaan iyo meelaha la dhigi doono.

’’Sanaadiiqdaan waxaa la dhigaa afar goobood,gobolka ,jaamacada umada, taliska ciidanka maxkamada, iyo meeshii loo arko in ay muuhiim tahay’’

Waa markii ugu horeysay oo talaabo nuucaan oo kale u qaado booliska Soomaaliyeed waxa ayna cadeyn u tahay howlaha dar dargalinta leh ee Booliska Soomaaliyeed uu wado.

 

Maamulka Degmada Luuq oo meel Fagaare ah ku soo bandhigay Al shabaab shacabka qarxin rabay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah shacabka ku nool degmadaasi ugu soo bandhigay Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab oo doonayay in qaraxyo ay ku halaagaan nolosha shacabka aan waxba galansan.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalo ay ka sameeyeen degmada Luuq iyo deegaanada ku dhow dhow waxay dhawaan kusoo qabteen ragan Al shabaab ka tirsan oo ku guda jira diyaarinta weeraro qaraxyo ah oo ay doonayaan inay ku xasuuqaan shacabka.

Maleeshiyadii la soo bandhigay oo kala ahaa Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax ayaa shacabka hortooda ka qirtay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab, isla markaana ay qorsheynayeen inay dhibaato geystaan.

Maamulka degmada Luuq iyo Saraakiil kale oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay ciidamadii howlgalada ku soo qabtay ragan doonayay inay qarxiyaan shacabka, waxayna balanqaadeen in cadaalada la marsiin doono.

Tan iyo markii madaxda dalka ay ku dhawaaqeen in Nabad diidka guud ahaan dalka laga ciribtiro, waxaa sii kordhay howlgalada iyo dagaalada lagu burburiyay Saldhigyo Al shabaab leeyihiin, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Dagaalyahano dhowr ah, iyadoo la dilay qaar kale oo badan, waxayna talaabooyinkan farxad galineysaa shacabka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta argagaxisada, isla markaana kaalin weyn ka qaata sidii loo burburin lahaa iyagoo wada shaqeyn dhow la yeeshay ciidamada amaanka.

Warbixin:-Bil kadib Qaraxii Zoope, Maxay Bulshadu ka baratay ?

0

Muqdisho(SONNA):–Qaraxii Zoobe oo maanta laga joogo muddo bil ah wuxuu ahaa musiibo qaran oo ku dhacday Umada soomaaliyeed, iyadoo dad kor u dhaafay 642 oo qof ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen.qaraxa ayaa  sidoo kale qasaara hantiyadeed oo aad u balaaran uu geystay  , wuxuuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Dhanka kale dhacdadan xanuunka badan waxay midaysay umadda soomaliyeed ,waxaan la arkayay dal iyo dibad soomalida meel kasta ay joogaanba inay si isku mid ah uga damqadeen iyagoo sameeyay dibad baxyo waawayn oo ay ku muujinayeen sida ay ugu xunyihiin dhibaatada soo gaartay walaalahooda.

 

Ugurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii  isgoyska Zoobe ayaa ahayd mid dal iyo dibadba si weyn loogu istaagay, iyadoona dhaqaalo aad u fara badan laga soo ururiyay, shacabka soomaaliyeed, waxaa la arkayay dhallinyaro iskood isu abaabulay, si ay gurmad ay ugu fidiyaan walaalahooda ku waxyeeloobay masiibadaasi, Waxaana ay dhalinyaradan ka shaqeyneynayeen habeen iyo maalin caawinta dadka dhibta soo gaartay, sida dadka eheladooda ku waayay dhacdadan  ka caawinayay sidii ay ugu xaqiijin lahaayeen nolol iyo geeri waxa ay ku suganyahiin, sidoo kale dhallinyaradau waxay qeyb libaax leh ka qaateen dib u soo celinta bilicda wadada Zoobe iyo kaalmeynta dhaawacyada isbitaalada ku jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya md, Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo raiisulwasaare  Kheyre ayaa si aad ah u ammaanay doorka dhalinyarada Gurmad ka qaateen taakulaynta dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii Zoope, Waxaana halkaasi laga dareemayay in dhalinyarada soomaaliyeed yihiin kuwa karti badan oo wax qabsan kara.

Hadaba si aan u ogaano sida ay tahay xaalada isgoyska Zoobe mudo bil ah kadib ayaan waxaan socdaal shaqo ku tagnay isgooska Soobe, waxaan halkaasi ka muuqanaya in ay dib u soo laabteen goobahii ganacsiga qaar ee uu qaraxu saameeyay, sidoo kale isgooska soobe ayaa waxaa uu la soo noqday mashquulkiisii waxaana xaalada ay hada tahay mid caadi ah.

Waxaan noo suurtagashay in aan halkaasi aan kula kulano qaar kamid ah ganacsatadii halkaasi goobaha ganasi ku lahaa iyo sidoo kale dadka isticmaalayay wadada waxaana wax ka weydiiyay dareenkooda bil ka dib qaraxii waxuush nimada ahaa ee kooxda nabadiidka ay ku xasuuqeen dadkii  shacabka ah.

Waxaana muuqaneysa sida ay dadka soomaaliyeed uga go’antahay horumarka wadanka ka curtay inay sii wadaan oo aysan marnaba niyad jabin doonin qaraxyada, inkastoo qaraxii Zoobe uu ahaa musiibo qaran hadana shacabka soomaliyeed waa kuwa adkeysi badan.

Wali waxaa si isdaba joog ah dalka iyi dibaddaba uga socda gurmad ay bulshada Soomaaliyeed ugu soo gurmanayso dadkii dhibaatada ka soo gaartay dhibaatadii xanuunka badnayd ee wada saamaysay Quluubta Bulshada Soomaaliyeed, waxaana maanta dalka soo gaaray guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalka Kenya, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo ka mid ah guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hoggaaminayay guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, waxayna kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa si weyn ugu gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe, iyadoo sidoo kale dowlada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.

Ciidamada soo majeestayaasha xoogga dalka oo ka jawaabayo ficilka xun ee kooxda Argagixisada ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Dalka, iyagoo la wareegay deegaano Balaaran oo katirsan Gobolada Soomaaliya, waxeyna ku dileeen tiro badan oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Maanta oo ah Bil-guuradii ka soo wareegtay  Masiibadii Qaran ee 14kii Octoobar, waxaa muuqata in Bulshada Soomaaliyeed ay ka baratay dhacdadaasi  in iskaashi wadajir looga hortago kooxaha arxanlaawayaasha ah iyo in bulshadu ay isku tashato, si buuxdana loo garab istaago Ciidamada qaranka ee habeen iyo maalinba heeganka u ah in shacbiga ka xoreeyaan kooxda argagixisada.

Wakaaladda Wararka Qararka Soomaaliyeed ee SONNA

Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddiga Warfaafinta ee Aqalka sare+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta hortagay Guddiga Warfaafinta, arimaha bulshada iyo Dhaqanka ee aqalka sare.

Wasiirka oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha wax laga weydiiyay ay ka mid ahaayeen, Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay in dhamaan uu ka jawaabay su’aalaha la weydiiyay.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxaa kulanka ku wehlinayay Lataliyahiisa Mudane Xuseen Jaabiri iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliya Liibaan Cabdi Cali.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare iyadoo wax laga weydiiyay Wasaaradahooda waxyaabaha u qabsoomay.

Madaxweyne Erdogan oo booqasho ku jooga dalka Kuwait

0

Muqdisho (SONNA) Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho rasmiya ku tagay wadanka kuwait kadib martiqaad uu ka helay amiirka wadankaasi Sheekh Sabah Al – Ahmad Al-Jaber Al- Sabah.

Recep Tayyip Erdogan markii uu soo gaarey garoonka diyaaradaha waxaa halkaa ku qaabiley Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada wadanka kuwait Sheekh Sabah Al-Khalid Al-Hamad.

Madaxwayne Erdogan ayaa sheegay inta uu ku guda jiro safarkan inuu kala hadlayo dawlada kuwait xiisada ka dhex aloosan dawladaha khaliifka waxaanu ugu baaqay madaxda gobolka inay ka sheqeeyaan sidii la iskugu soo dhaween lahaa dadka walaalaha loogana shaqeyn lahaa isku duubnaanta iyo midnimada khaliijka.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibraahim Kalan ayaa sheegay in madaxwayne Erdogan intuu ku sugan yahay wadanka Kuwait inuu kala hadli doono arimaha xiriirka labada wadan sidii loo xoojin lahaa sdioo kale ganacsiga, Maalgashiga, dalxiiska, warshadaha ,Militariga iyo Waxbarashada, Afhayeenku wuxuu intaasi ku daray in Mr Erdogan marka uu dhameysto booqashadiisa wadanka kuwait inuu uga sii gudbi doono wadanka Qatar halkaasuu kaga qayb gali doono shirka Guddiga Istaraatiijiga Turkiga iyo Qatari.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ku dhow magaalada Baraawe

0

Baraawe (SONNA) Ciidamada xoogga dalka ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo la wareegay deegaano ku dhow degmada Baraawe oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deeganaadaaasi oo sheegay in Nabad diidka Al shabaab ay dhibaato ku hayeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan looga hadlayay xoojinta Amniga waxa uu magaalada Baraawe kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooggga dalka iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda dagaal xoogan oo Maleeshiyada Al shabaab looga ciribtirayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin, waxaana ciidamada xoogga dalka maalinba maalinta ka dambeysa ay la wareegayaan deegaano ay ku dhuumaaleynsayeen cadowga, iyadoo hore uu u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in dagaalkan uu socon doono inta guud ahaan dalka laga sifeynayo Aragagaxisada Al shabaab.

Guddigii Dhaqaalaha ka soo uruuriyay Soomaalida Kenya oo Muqdisho soo gaaray+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalka Kenya ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo ka mid ah guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hoggaaminayay guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, waxayna kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka Qaran si loo gaarsiiyo dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii Soobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday shacab aan waxbo galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa si weyn ugu gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe, iyadoo sidoo kale dowlada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.

Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii loo cirib tiri lahaa Arggagixisada Shabaab,iyadoo kaashanaysa taageerada ay siinayaan Saaxiibada Caalamka,iyo howlgalka Midowga Africa ee Amisom.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka oo nugul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA ayaa lagu yiri.

“Weerarada dhanka circa ah iyo howlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waa kuwo aad looga baaran degay,madaxdana waxay doonayaan in aan waxba la gaarsiin shacabka,weerarkasta oo dhaca,si shacabka bad baado ay u helaan”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen ciidanka Xoogga Dalka oo wada howlgaladaasi waxaana uu yiri”

“Nuguma filna in aan dhahno waad mahadsantihiin oo kaliya tageerada aad muujiseen qarixii ka dhacay Soobe 14kii October,in la helo taageerada iyo maskasda Shacabka waa furaha guusha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,dowladda Soomaaliyana waxaa ay wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab,sida duqeynta circa ah si looja jawaabo mashaqadii ay Shacabka u geysteen”. Ayuu yiri Wasiir En Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybohooda kaladuwan oo kaashanaya Ciidamada Amisom ay dalka ka xoreyn doonaan Alshabaab,iyagoo sidoo kale kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Militariga Zimbabwe oo digniin culus ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Xisbiga ZANU.PF

0

Zimbabwe(SONNA) Taliyaha ugu sareeya ee Ciidamada Militariga Wadanka Zimbabwe Janaraal Constantino Chiwenga ayaa ka digay in faragelin milateri lagu sameeyo dagaalka siyaasadeed ee ka dhex taagan xisbiga haya talada waddankaasi ee ZANU-PF,taasi oo suurogal noqon karta hadii xisaddu ay sii socoto.

Didgiinta Janaraalka ugu sareeya Militariga Dalkaasi ayaa imanaysa maalmo kaddib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilkii ka qaaday ninkii ay u badneyd inuu xilka isaga ka badelo, madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa,waxaana arrintaasi ay sii kordhisay xisadii taagnayd.

Waxaa muddo dheer ka dib bannaanka u soo baxay Dagaalka loogu jiro cidda badalaysa Madaxweynaha 93 jirka ah ee Robert Mugabe,kaasi oo I haatan doonayn inuu xilka banneeyo,balse dhanka kale loo malaynayaa in Mr Mugabe uu u meeldayayo xaaskiiska Grace.

Madaxweyne Robert Mogabe ayaa  xilkii ka qaaday siyaasi la is lahaa waa uu badeli doonaa waa Emmerson Mnangagwa ee, isagoo ku eedeeyay inuu galay khiyaano qaran,taasi oo dhacday Todobaadkii la soo dhaafay.

Mr Mnangagwa oo ah ninka xilka laga qaaday ayaa wararku waxaa ay sheegayan in uu u baxsaday dalka dibaddiisa, Mugabe-na waxa uu wacad ku maray inuu xididada u siibi doono saaxiibadii.

Janaraal Constantino Chiwenga ayaa haatan u muuqda inuu soo dhexgalayo qalalaasahan siyaasadeed.

Taliyaha milateriga Zimbabwe ayaa sheegay in xilkaqaadista ka dhex socoto xisbiga Zanu-PF ee lagu bartilmaameedsanayo dadkii ka soo qeyb qaatay halgankii xornimo doonka ay tahay in la joojiyo.

Madaxweyne Mogabe oo 93 jir ah ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay madaxweynaha ugu aqoonta badan madaxda Caalamka,waxaan waxbarashadiisa uu ku qaatay jaamacado iyo xarumo waxbarasho oo kala duwan oo ku kala yaala wadamo badan oo Caalamka katirsan,waana qof inta badan si weyn u dhaliila siyaasadda wadamada Reer Galbeedka.

Tirinta codadka doorashadii Soomaaliland oo socota

0

Somaliland(SONNA) In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddex musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muuse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Waxaa ku sugan Soomaaliland kormeerayaal caalami ah kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee Soomaaliland.

Waxaa laga dhursugaya natiijada ka soo bixidoonta tirinta codadka iyadoo xisbi kasta iyo taageerayaashiisa ay rajo ka qabaan midkasta in uu guusha dooorashadaasi uu helo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.