Home Blog Page 1369

Taha Siddiqui oo sheegay inuu ka badbaaday iskuday dil

0

Saxafigan oo caanka ah dalka Pakistan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka badbaaday iskuday afduubay damacan-sanaayeen rag hubeysan gudaha magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan.

Siddiqui oo ka waramayay dhacdada qabsatay ayaa sheegay in 10-12 rag hubeysan kuwaasi oo aanan la garan weli ay garaaceen isaga iyagoo ugu hanjabay in ay dilayaan, xilli uu ku socday gaari taxi ah isagoo ku wajahnaa dhinaca garoonka diyaaradaha. Waxaana uu sheegay inuu ka booday gaariga, sida ay wararku sheegayaan.

Saxafiga ayaa sheegay inuu haatan nabad qabo oo ay la joogaan booliska oo baaraya dhacdada soo wajahday isaga.

Mr Siddiqui ayaa ah saxafi sameeyay qormo dhowaan laga baahiyay BBC-da oo kusaabsanayd xorriyadda Saxaafadda Pakistan. oo lagu tiriyo in ay kamid tahay wadamada ugu halista badan marka loo eego wariyayaasha.

Taha Saddiqui ayaa ku socday wadada weyn ee magaalada Islamabad oo tagta garoonka xilligaasi oo ay joojiyeen gaarigii uu ku socday rag hubeysan si ay u af duubaan.

baadi-goob loogu jiro dad lagu la’ yahay fatahaaddii California

0

Shaqaalaha badbaadada ee Koonfurta California ayaa baadi goobaya dad ka badbaaday burburkii kadhashay fatahaad ay kudhinteen ugu yaraan 13-qof.

Ciidamada booliiska ayaa xiray masaafo dhan 48-kilomitir oo kamid ah wadada weyn ee tagta xeebta, booliiska ayaa sheegaya in goobta fatahaadu ka dhcday ay u egtahay “goobtii dagaalkii koowaad ee dunida”.

Ugu yaraan 300 qof ayaa lagu waramayaa in ay kuxaniban yihiin deegaanka Romero Canyon oo soohdin laleh bariga magaalada Santa Barbara, iyadoo ay dadaalada badbaada lagu wado in lasii wado.

Mike Eliason oo ah afhayeenka dab demiska ee deegaanka Barbara County ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah ay kusoo rogmadeen deegaanka Montecito halkaasi oo ay khasaaro lixaad leh u geysteen guryaha iyo waddooyinka.

In ka badan 50 qof ayaa laga soo badbaadiyay waxaana jira in ay weli ku adag tahay samatabixiyeyaasha in ay galaan meelaha kale maxaa yeelay waxaa weli xiran waddooyinka qaarkood oo ay kamid tahay wadada weyn ee 101.

Saraakiisha gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in goobta ay dhibaatadu ka dhacdo ay yihiin meelaha aanan helin gurmadka.

Qaar kamid ah 163 qof ayaa la dhigay cusbitaal, kuwaasi oo 20 kamid ah ay dhaawacyo kasoo gaareen duufaanta.

Kumanaano kun oo qof ayaa ka cararay guryihii ay degenaayeen kuwaasi oo qaarkood sii maqan labadii billood ee u dambeeysay.

Wasiirka Caddaaladda oo xarigga ka jaray xarunta taliska Asluubta

0

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ee Ex Control Afgooye oo dayactir lagu sameeyay.

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Saraakiil ka socda Ciidanka Asluubta iyo kuwa Xoogga dalka ayaa ka qeyb galay Munaasabada xariga looga jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ee Ex Control Afgooye.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in guul ay tahay dib u howgalinta xaruntan, waxa uu  ammaanay Taliska Ciidanka Asluubta oo muddooyinkii u dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo dayactiri lahaa xaruntan oo burbursaneyd tan iyo markii dagaalladii sokeeya uu dalka ka dhacay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa munaasabadda ka sheegay in dhammaan hoggaanada ciidanka Asluubta ay ku shaqeyn doonaan xaruntan oo noqon doonta mida ugu weyn.

munaasabadda xiritaanka aqalka sare oo Muqdisho lagu qabtay

0

Munaasabad lagu soo xerayay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa Munaasabada kasoo jeediyay Warbixin uu kaga hadlayo waxybaabihii u qabsoomay Kalfadhigii Labaad isagoona sheegay in ay qabteen howlo aad iyo aad u fara-badan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada kor-joogteynta, xeer-dejinta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba horkeenayey fadhiga guud ee golaha si go’aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraan-dagay iyada oo lagu sad goynayey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meel-mariyay halka kuwa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Aqalka sare, isagoo bogaadiyay howlihii ay qabteen Kalfadhigii Labaad.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhankiisa amaanay guulihii aqalka sare uu gaaray Kalfadhigii labaad, isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay howlaha adag ee qabsoomay.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u hambalyeeyay Aqalka sare, isagoona sheegay in Labada Gole ay guud ahaan usoo xirmeen Kalfadhiyadooda Labaad.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa u mahad celiyay dhamaan Masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeyb gashay Munaasabada lagu xirayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka sare, wuxuuna sheegay in golaha uu qabtay hawshii loo igmaday, si fiicana uu u gutay Waajibaadkii looga baahnaa.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Qandho

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qardho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Masuuliyiinta Magaalada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortagay magaalada banaankeeda si ay u soo dhaweeyaan, waxaana dhamaan wajiyadooda ka muuqday dareen farxadeed ay u qabaan in Madaxweynaha uu soo booqdey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta, waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho , waxa uu  kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug uu booqdo maalmaha soo socda waana booqashadii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya uu tago deegaanadaasi tan iyo markii la doortay.

Madaxweyne Farmaajo “Rajada aan qabo waxa ay tahay in ardayda waxbaratay ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalka”

0

 

Garoowe, 9 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ardayda kula hadlay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa yiri “Rajada aan qabo waxa ay tahay ardayda waxbaratay oo aan aaminsanahay in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalkooda, kuna horumarin karaan. Maxaa yeelay dhallinyaradeenna waxa ay ka yihiin bulshada in ka badan 70%, taasina waa rajo aad u weyn.“

Madaxweynaha ayaa xusay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabar badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dib-uheshiisiinta dalka.

Markii ay soo idlaatay munaasabaddani ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Booqanaya Goobo Kala Duwan ee Garowe

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in maanta uu kormeer ku sameeyeyo xarumo kala duwan oo kuyaala magaaladaasi Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Xarumaha la guwado in maanta uu booqdo Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah Isbitaalka Guud ee magaaladaasi,isagoo u kuurgalaya xaaladda Bukaanada kujira Isbitalka iyo adeegyada caafimaad ay helayaan,sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageysan doonaan maamulka iyo howlwadeenada Isbitalkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wada in uu taga xarunta shirkadda Koronta ee magaalada Garoowe oo ah shirkad weyn oo hawada ka dhalisay Korontada,taasi oo ah shirkadii ugu horeysay oo Soomaaliya laga hirgeliyo,wuxuuna u kuur-galayaa adeegyada ay ka helaan bulshada iyo sida ay u shaqeynayso.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagax dhigi doona xarumo kala duwan oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed,kuwaasi oo laga dhisayto magaaladaasi Garoowe.

Ugu dambeyntiina waxaa lafilayaa in uu la kulmo ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Garoowe,isagoo maamulada iyo ardayda ka dhageysan doona warbixin ku aadan adeegyada waxbarasho iyo baahiyaha ay qabaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu booqdo magaalooyin kale,wuxuu shalay la kulmay waxgaradka ku dhaqan magaalada Garoowe oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari Iyo R/Wasaare Khayre Oo Amaanay Waxqabadka Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka

0

Munaasbada ballaaran oo lagu xusayay sanad guuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Somaaliyeed ayaa xalay ka dhacday Muqdisho,waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre,Wasiiro xildhiobaano,saraakiil iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Jawaari ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray mas’uuliyiinta iyo ciidamada Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed,isagoo ku ammaanay waxqabadkooda,islamarkaana xusay in ay tahay hay’ada muhiimad gaar ah u leh dalka.

“Waxaan Hambalyo Leeyahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed NISA oo u dabaal dagaya Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1970, Howsha adage e qaranka aad u heysaan Alle ha idinla garab galo” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaah SHacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Hambalyo u diray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo u dabaal dageysa Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Hay’addaasi oo ku beegan Sanadkii 1970-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa oo hadal k ajeediyay munaasabadda ayaa ammaanay dowrka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay xoojinaysaa 2018 howlaha muhiimka ah oo ay haysay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,oo miisaaniyadda loogu daray qarash lagu xoojinayo Sirdoonka”,ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kahyre.

Mas’uuliyiinta kale oo u hambalyeyeysay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa kamid ah Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,Wasiir kuxigeenka C/naasir Siciid,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas C/weli Jaamaca Xuseen(Gorod) iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi kuwaasi oo dhamaantooda ammaanay waxqabadka iyo kaalinta ay dalka ku leedahay Hay’adda Nabad Sugidda iyo SIrdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa kamid ah Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in ay ku guuleysatay soo afjarida dhacdooyin dhowr ah oo lagu dabar goynayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Warbixisay Socdaalkeeda Maamulada Qaar Ku Tagtay.

0

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Cismaanciil Ibraahim Xaliimo yareey oo la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Socdaal ay maalmihii dambe ku marayeen Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Maamulada Jubbaland,Koonfur galbeed iyo Hirshabeele.

Xaliimo Cismaanciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa tilmaantay in guddiga oo ka duulaya Go,aankii Madaxda Qaranka ee ahaa in Dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ay xoogga saarayaan hir galinta go,aanka Madaxda.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safaro kala duwan oo ay ku tagayaan Gobolada Dalka gaar ahaan deegaada Dowlad Goboleedyada waxaa ayna gaareen maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele iyagoona tilmaamay in ay dhawaan gaari doonaan Putland iyo Galmudug.

Labada Kuuriya Oo Markii Ugu Horreysay Kulmay.

0

 

Markii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ayaa wadamada Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed billaabay wadahadallo heer sare ah, kuwaasi oo looga hadlayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal oo horey u burburay,iyadoo kulankaasi uu ka dhacay deegaan ku yaala xadka labada Dal ay wadaagaan oo lagu magacaabo Panmunjom.
Ujeedka ugu weyn ee Wadahadalladan ayaa salka kuhaya macquulnimada sidii Kuuriyada Waqooyi ay uga qaybqaadan lahayd ciyaaraha Olimbigga ee xilaga qaboobaha ee 2018ka, kaas oo bisha labaad ka dhici doona Kuuriyada Waqooyi,waxaana arrintaasi ay soo dedejisay wadahadalo toos ah oo dhexmaray labada dal.
War ka soo baxay Dhanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in la isla soo hadal qaadi doono dib u soo noolaynta xiriirkii dhinaca Diblomaasiyadda ee ka dhexeeyaya labada Dal,kaasi oo in muddo ah meeshu ka maqnaa.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer,wixii xiligaasi ka dambeeyeyna majirin wada hadalo toos ah oo dhexmara labada Dal oo dersi ah.