wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqallaha oo ka qeyb galey kulanka wasaiiradda islaamka

Date:

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya  Salah Ahmed Jamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka wareega 4-aad ee Wasiirada shaqada ee ku bahoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee ka dhacaya magaalada Jiddeh ee dalka sacuudiga.

Shirka oo lagu wado in uu furmo galinka dambe ee maanta ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasiirada Shaqada Sacuudiga oo la kaashanaysa Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana ka qeyb qaadanayaa wasiirada Shaqada 56 dal oo ka tirsan dalalka Islaamka,isagoo socon doono muddo labo maalin ah.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa  macluumaadka ku saabsan xagga shaqada, siyasadda iyo barnaamijyada kale ee ku lug leh horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, inta uu socda shirka waxaa kaloo lagu qaadaa dhigi doonaa istaraatiijiyada shaqada wasaaradaha wadamada Islaamka siiba xagga shaqo siinta,barnaamijka kale ee howlgelinta dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa, iyadoo lala kaashanayo Ururka Iskaashiga islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...