Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya oo tacsi ka diray geerida Nabaddoon Axmed Diiriye

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo nabaddoonka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho, ilaahay ha u naxariisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa baraarujinta bulshada dhanka ilaalinta xasilloonida, amniga, iskaashiga bulshada iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...