Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Soo dhaweyey guulaha ay ciidanka Soomaliyeed gaareen

Date:

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yonis ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliyeed ay kula so wareegeen Qalabkii Idaacadii Marin Habaabinta Al-shabaab ee Al-Andulus.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburiyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.

Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Arggagixisada Alshabab ay u adeegsan jireen marin habaabinta iyo cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed oo ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaana Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan siihayaha Wasirka Warfaafinta.

“Waxaa guul u soohooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in arggagixisada Alshababa lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo burburinta kooxaha arxan laawayasha ah ee Alshabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya”. Ayu yiri Wasir Iidaan Yoonis.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgalada dalka looga sifeynayo arggagixisada Alshabaab,waxaana howlgaladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobolada Gedo,Shabeelooyinka iyo Hiiraan,kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan.

      (Xigasho Sonna)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...