Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada hoose.

Date:

Ugu yaraan Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga cirkaa ah oo xalay ka dhacay Tuulada Bangeeni oo 8 KM dhanka galbeed kaga beegan Degmada Jamaame ee Gobbolka Jubbada hoose.

Duqeyntan oo ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Shan Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kusii jeeday Degmada Jamaame.

19-Kii Bishan ayay ahayd markii ay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka duqeyn ka geysteen meel ku dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ay ku dileen Malleeshiyaad ka mid ahaa Al-Shabaab.

Ciidanka Milliteriga Soomaaliya qaybta Danab iyo Xoogagga nabad ilaalinta AMISOM oo kaashanaya kuwa NATO ayaa indhawaalaba howlgallo xagga Cirka iyo Dhulka ah ka waday degaanno ka tirsan koofurta Soomaaliya.

Isha/VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...