Home Blog Page 1365

Shirkii Golaha Wasiirada XFS oo ka dhici lahaa Baydhabo oo baaqday,kana socda Muqdisho

0

Shirkii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho.

Waxaa shir guddoominaya ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,iyadoo looga hadlayo howlaha horyaala Golaha WasiiradaXukuumadda Soomaaliya.

Waxaa lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo,balse waxaa dib u dhac uu ku yimid in shirka uu ka dhoco Baydhabo,maadaam halkaasi ay ka socoto qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabdda lagu xusayo sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegatay markii la dhisay maamulka koonfur Galbeed oo uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo munaasabadaasi ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana soconaysa qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadaasi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo heshiis la saxiixday Hay’adda Amiin Ambulance ee Muqdisho

0

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalak Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa heshiis kula saxiixday magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta hay’adda Gar gaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Heshiiskani ayaa waxaa uu dhigayaa in tababaro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku bad baadiyaan hadii ay dhibaato timaado,maadaama inta badan bulshada ay yihiin bahda waxbarashada,sidoo kale waxaa uu dhigayaa in hadii uu shil dhoco hay’adda gar gaar ee Amiin Ambulance ay ahmiyad gaar ah siisobahda waxbarashada oo la aaminsanyahay in ay yihiin dadka ugu badan ee bulshada oo dhibaatooyinka soo gaara.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta la kulanka mas’uuliyiinta Hay’adda gar gaarka deg dega ah,iyo in aan heshiikan kala saxiixanyo,waxaan rabnaa in tabaabaro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku badbaadiyaan hadii uu shil dhoco,marka waxaan rajaynayaa in heshiiskani uu waxbadan soo kordhin doono”. Ayuu yir Wasiirka waxbarashada.

Dhanka kale madaxda hay’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambulance ayaa soo dhaweyey hadalka wasiirka waxbarashada,iyagoo ka mahadceliyay la kulanka wasiir C/raxmaan Daahir Cusmaan,iaygoona sheegay in ay fulin doonaan heshiiskaasi.

Wasiir Yariisow” Waxaa jira qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro”,

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiir Yariisow ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay iney ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ka digay in la hor dhoco natiijada

0

Iyadoo lasugayo natiijada dorashadii ka dhacday Soomaaliland ayaa waxaa uu war culsu ka soo baxaya giddiga doorashooyinkaasi,Saciid Cali Muuse oo ah Afhayeenka Guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay inay wali socoto tirinta cododka doorashadii dhowaan dhacday,wuxuuna afhayeenku  ka digay in laga hordhaco natiijada doorashada oo aan wali soo bandhigin Guddiga.

Saciid Cali Muuse ayaa sheegay inay maqleen warar isa soo taraya oo sheegaya in xisbi walba uu dabaal degayo, isla markaana sheeganayo inuu guul gaaray, taasoo uu ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dabaal degyada beenta ah, isla markaana ay keeni karto dhibaato sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa laga sugayaa Guddiga doorashada Somaliland in ay ku dhawaaqaan natiijada doorashada taasi oo ah mid siweyn loo sugaya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laga yaabo in natiijada doorashada lagu dhawaaqo maalinta berri oo jimco ah,inkastoo ay suuro galtahay in dib u dhac uu yimaado.

Shacabka Zimbabwe oo sugaya talaabada xigta ka dib howlgalkii Militariga ay kula wareegeen dalka

0

Muqdisho(SONNA) Shacabka Zimbabwe ayaa sugaya iney arkaan talaabada xigta ee ay qaadayaan Militariga dalkaasi,maadama inta badan dalka ay la wareegeen.

Madaxweyne Robert Mugabe ayaa hadda xabsi guri ah,balse waxaan cadeyn halka ay cirib iyo jaan dhigtay xaaskiisa Grace.

Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Zimbabwe ee ku sugan caasimada Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda.

Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in militariga ay u xaqiijiyeen in tallaabadooda ay tahay mid kumeel gaar ah islamarkana aysan ahayn afgambi.

Gudoomiyaha midowga Africa, Moussa Faki Mahamat oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ururka ay ka so horjeedaan isbadal waliba oo aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu samaynayo dowlad.

Madaxa midowga Africa Alpha Conde ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka dhacay Zimbabwe uu u muuqdo afgambi, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celiyo amar iyo kala dambeyn ku dhisan dastuurka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Zimbabwi ay is xakameyaan.

Militariga Zimbabwe waxay beeniyeen in tallaabadda ay qaadeen ay tahay afgambi militari.

Wafdi ka socda Beesha caalamka ayaa tagay magaalada Harare ee caasimada dalka Zimbabwe,si ay gacan uga geystaan daminta xiisada ka soo cusboonaatay dalkaaasi.

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

0

Tunis(SONNA) Waxaa lagu wadaa in Dalka Tuniisiya uu maanta ka furmo tartanka ciyaaraha Xeegada ee Caruurta ka yar da’da 15-ka sano ee wadamada ku bohoobay Jaamacadda Carabta.

Tartankaasi oo la qabto sanadkasta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wadamo ay kamid tahay Soomaaliya Waxaana halkaas Soomaaliya umatalayo saddex caruur ah kuwaasi oo lafilayo in ay la baratamaan caruur kale oo ka socota wadamada qeybta ka ah Jaamacadad Carabta.

Caruurta Soomaaliya u matalidoonta tartankaasi ayaa waxaa ay kala yihiin, Siham Cabdirashiid oo10 jir ah, Salma Cabdirashiid 11, iyo Maxmed Cabdirashiid oo 13 jir ah kuwaasi oo ah sedax caruur ah oo wada dhalatay.

Tababaraha caruurtaasi oo Soomaaliya u matalaysaa tartankaasi ayaa ah  Cabdirashiid Ibraahim Xuseen ah aabaha dhalay ilmahaasi kuwaasi oo degan dalka Mareykanka.

Waa dhammaadka jiritaanka Argagixisada iyo billowga Midnimada Ummadda Soomaaliyeed (Warbixin)

0

Muqdisho (SONNA), Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa si dar dar leh u wada howlgalada la doonayo in deegaanada fara ku tiriska ah ee dalka ay kaga dhuumanayaan Maleeshiyada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab looga xorreeyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka  Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamo gaar ah loo diyaariyey  in Nabad diidka Alshabaab ay ka saaraan dalka, waxaana Ciidamadaasi loo dhammeeyey saanad Ciidan, Gaadiid dagaal, Hub, raashin iyo Xaquuq joogto, taasi oo waxbadan ka tari doonta in si dar dar leh ay ku socdaan howlgaladaasi.

Shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyagguna dagaalka Maleeshiyada Alshabaab dalka looga xorreeynayo ka qeyb qaadanaya, waxaana durba bilaabatay in Haweenka Soomaaliyeed  Biyo iyo Raashin ay furumaha dagaalka ugu geeyaan Ciidamada Difaaca.

15-11-2017, maanta Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxay Taliyaha  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ku warreejiyeen Sahay fudud oo isugu jirta Caano, Buskud iyo Timir, waxayna ugu talo galeen Ciidanka Jiida hore ee dagaalka ku jira inay isticmaalaan.

kadib dhacdaddii dhiigga badan uu ku daatay ee ka dhacday  isgooyska 14 Oktoobar Ex Zoobe, waxaa  la arkayey qeybaha kala duwan ee bulshada oo  xeryaha Ciidamada iyo xarumaha kale ee  Dowladda  imaanaya, kuwaasi oo codsanaya in loo fududeeyo siddii ay qeyb uga noqon lahaayeen dagaalka wadajirka ah ee Nabad diidka lagu ciribtirayo, taasi oo ku tusineysa in Shacabka ay arkeen wado kol horre ka qarsooneed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa  abaabulkii ugu dambeeyey ugu jirta in Nabad diidka Dalka oo dhan laga xorreeyo, waxaana Madaxda dalka ugu sarreeysa ay xirteen Tuutaha dagaalka, iyaggoo balan qaaday in dhiiggii ay u shubeen dadkii ku dhaawacmay Xasuuq Ex Zoobe, badalkiisa ay  furinta ku shubi doonaan dhiig lagu tabaruci doona Ciidanka, waxayna arrintaas dhiiri gelineysaa Ciidamadeena oo darreemaya in Madax u heelan ay hareer taagan yihiin.

Dhalinyaradda Soomaaliyeed, ayaa iyagguna muujinaya kaalintooda dagaalka, waxayna wadaan wacyi gelin iyo abaabul ballaaran oo  bulshada ay ugu iftiimanayaan xorreynta dalka inay ka qeyb galaan, waxaana xalay ay Magaaladda Muqdisho ku qabteen Munaasabad loogu magac daray Kacdoonka Nabadda, taasi oo loogu baroor diiqayey dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacday Xasuuqii 14ka Okotoobar, R/wasaare Xasan Cali kheyre, ayaana ka qeyb galay Munaasabaddaasi, isaggoo boggaadiyey doorka dhalinyaradda, sheegayna in dhalinyaradda Soomaaliyeed hadda ay soo jeesteen.

Kooxda Alshabaab oo sanadihii ugu dambeeyey la daalaa dhaceysay itaal yari iyo dhabar jab xooggan, ayaa wixii ka dambeeyey markii ay geeysteen Qaraxii dadka badan ay ku waxyeeloobeen ee Ex Zoobe ka dhacay 14kii Oktoobar waxaa soo wajahay qal qal iyo kala shaki kooxda dhexdeeda ah, waxaana dhibka  hadda ay ka seexan la’yihiin uu yahay  siddii ay ka yeeli lahaayeen hirka weyn ee kusoo wajahan, kaasi oo ay aaminsan yihiin horjoogayaasha sare ee Alshabaab  in ay ku kala firxan doonaan.

Dhowaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibadooda caalamka waxay Magaaladda Jilib ee Gobolka jubbada dhexe duqeen ay ka fuliyeen ku bartilmaameedsaday xaruntii ugu weyneyd ee Alshabaab ay ku sameyn jireen  qaraxyada ay ku laayaan dadka shacabka ah, waxaana Ciidamada halkaasi ay ku dileen 81 oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad dagaalmayaal ahaa, sida uu xaqiijiyey Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Eng Yariisoow.

Isku soo wada duub makaad Eegto sida hadda ay wax u socdaan, waxaan arkeysaa Bulshada qeybaheeda kala duwan, Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda sare ee dalka oo markaan isku hadaf ah, lehna hal aragti oo ah in ay isku kaashadaan dagaalka Kooxda arxanka darran ee  Alshabaab Soomaaliya looga xoreynayo, waxaana shaki ku jirin in la marayo dhammaadka Argagixisada iyo bilowga Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

 

W/Q:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay xorreeynayaan deegaanada Argagixisada ay ku dhuumanayaan “Sawirro”

0

Cadaado (SONNA), Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducalle Xaaf, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda Galmudug, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Xoreynta deegaanada Nabad diidka Alshabaab ay ku dhuumanayaan.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay in xor ay noqdaan deegaanada hadda gacanta ugu jiro argagixisada, waxaana bulshada Soomaaliyeed oo ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka Nabad diidka lagula jiro.

Nabad diidka Alshabaab, ayaa hadda ku dhuumanaya deegaano tiro yar oo ay kamid yihiin inta u dhaxeysa  Galcad, Xarardheer iyo Ceel dheer oo kawada katirsan  Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo dhowaan la qorsheynayo inay soo galaan gacanta Ciidanka geesiyaasha ah ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Baraawe+(Sawirro)

0

Baraawe(SONNA), 15 November 2017 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen.

“Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre.

“Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah,

shir looga hadlayey xoojinta Amniga iyo dib u heshiinta oo lagu soo gabagabeeyay  Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (SONNA), Shir muddo labo maalmood ah kasocday magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu soo qaban qaabiyay urur Goboleedka IGAD xafiiskiisa Soomaaliya, ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay, iyaddoo shirkaasi diiradda lagu saarayay ,fulinta heshiisyadii dhinaca nabadda ee ay dhowaan wada gaareen dhinacyada Puntiland iyo Galmudug ,adkeynta xabad joojinta iyo dhismaha nabadda.

Kulanka, ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug ,xubno kasocday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xubnaha guddi isku dhaf ah oo hore loo magacaabay si ay uga shaqeeyaan nabadda Gaalakacyo iyo Mas’uuliyiinta IGAD oo iyaggu kulanka soo qaban qaabiyay.

Aragtiyo kala duwan iyo talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan ilaalinta iyo wadajirka buslahada Gaalkacyo,  ayaa kulanka leysuku dhaafsaday, iyaddoo dhinacyada ay wada qireen sida loogu baahan yahay wada daganaashaha dadka deegaanka.

Masuuliyintii kasoday dhanka dowladda federaalka ah,maamulada Galmudug iyo Puntiland, ayaa isku afgartay in si dhow ay uga wada shaqeeyaan si wax looga qabto baahiyaha dhanka bani’aadannimada ah iyo dhanka dhaqaalaha ee kajira degaanka.

Urur goboleedka IGAD, ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada Puntiland iyo Galmudug inay awood dheeraad ah siiyaan Guddiga isku dhafka ah ee hore loo magacabay, si ay si ay xal kama dambeys ah ugu helaan muranka Gaalkacyo,  iyaddoo IGAD uga mahadcelisay beesha caalamka sida ay uga qeyb qaateen dajinta xiisadihii kajiray magaaladda Gaalkacyo iyo sida ay uga go’an tahay xal u ehlista murankaasi oo noqoday mid soo laa laabtay.