Home Blog Page 1365

Magaalada Baydhabo oo xaalad biyo yari ah ay ka jirto

0

Magaalada Baydhabo oo sanadihii dambe ay aad u kordhayeen dadka ku
nool ayaa hadda wajahaysa xaalad biyo yari ah oo bulshada saamaysay.
40-Ceel biyood oo magaaladu lahayd ayaa ku dhawaad 30-ka mid ah gureen
xilliyo kala duwan, iyadoo loo sababaynayo abaarihii dhacay iyo Isha
Baydhabo oo si qalad ah loo dhistay, kadibna aasantay.

Dadka ayaa hadda isku cariirinaya ilaa 10-Ceel oo ay maamusho
shirkadda Warjanaay oo iyaguna biyo yareeyey, waxaana Fuustada biyaha
ah ayaa hadda maraysa 40-kun oo shilin Soomaali ah, taas oo ay safaf
dhaareer ugu jiraan gaari dameerada oo xaafadaha u qaybinaya.

Ceelka Goray waxa uu xilliyadii hore soo saari jiray 75-kun oo Mitir
Kiyub maalintii, balse hadda 35-kun kaliya ayaa laga helaa, taas oo
muujinaysa heerka biyo yarida magaalada Baydhabo, waxaana dadka
qaarkii isticmaalayaan biyo aan nadiif ahayn taas oo cuduro ka dhalan
karaan sida uu sheegay Dr Mangiste.

Dadka magaalada Baydhabo muddo dheer walwal kama qabin inay biyo
la’aani ku dhacdo, balse waxaa muuqata inay timid xaalad aan la sii
saadaalin.

C/kariin Sheekh isxaaq waxa uu ka mid yahay dadkii magaaladan ku
koray, balse 30-sano moogaa,waxa uu sheegay in Isha Baydhabo ay ahaan jirtay durdur aan go’in, balse dayaca dadku ku samweeyey ay sababtay inay gurto.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Abu-dhabi.

0

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ee maanta galinkii dambe ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Abu-Dhabi ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka tamarta iyo warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Booqsho labo maalin ah halkaasi ugu bilaabatay, isagoo inta uu joogo wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono Madaxda Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadli doono Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirta xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqdey Warshada farsamada gacanta ee xabsiga dhexe

0

Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kormeeray Warshadda Farsamadda Gacanta ay ku bartaan Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Warshadda Waxsoosaarka Ciidanka Asluubta, halkaasi oo soo indha indheeyey sida shaqada ay u socoto.

Taliyaha oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo Saraakiil kale, ayaa mid mid u booqday Qeybaha ay ka kooban yihiin Warshadahaasi, waxaana uu xog wareystay Madaxda , Maxaabiista farsamadda gacanta barata iyo Ciidanka ka shaqeynaya Warshadda.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Shaqada Warshadda si dardar leh ay ku socon doonto, islamarkaana la ballaarin doono, isaggoo tilmaamay in Warshado kale lagu soo kordhin.

 

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO

0

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa FAO  Daniele Donati ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen, Kalluumeysiga, daaweynta Xoolaha iyo Xanaaneyntooda, beeraha, dhirta iyo daaqa iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka deegaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati sida wanaagsan FAO ula shaqeyso Puntland, isagoona uu intaasi ku daray in FAO ay tusaale wanaagsan  u noqon doonto hay’adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale, Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati ayaa Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee lee soo dhaweeyey islamar ahaantana waxa uu sheegay Daniele Donati in Puntland iyo FAO ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Daniele Donati iyo weftiga la socdey si qoto dheer ugaga xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo welibana Madaxweynuha Puntland tilmaamey in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland oo amaanay Mataaneynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa aheyd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga isla markaana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.

Wafdigan ayaa waxaa intuu joogay Jubbaland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay qaabkii Turkigu uu ku bilaabi lahaa mashaarciida uu ka fulinayo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay ay miro dhal nqodeen isla markana mar dhow ficil loo badali doono.

Madaxweynaha wuxuu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland kamid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo amaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go’an tahay in taageeradeeda ay gaarsiiso dhamaan wadanka.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee loo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonaan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weyn tahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey taliyaasha ciidanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo xasilinta amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha heer degmo ee ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeyntu sugidda ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la mideeyo qorsheyaasha lagaga hor-tagayo falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

“Maanta lama joogo xilli la isku fiirsado shaqada iyo in masuul walba uu dhankiisa wax gaar ah ka qorsheeyo ee waxaan taagannahay waqtigii wada-shaqeynta iyo dajinta qorshe wadajir ah oo wax looga qabanayo amniga Caasimadda.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay maamulka degmooyinka in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin, qeybaha ciidamadda iyo bulshada degmooyinkooda taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta amniga caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulanka oo noqon doonna bille iyo shirarka kale ee todobaadlaha ah ee Guddiga Amniga Gobolka Benaadir, iyadoona sidoo kale dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.

shir wadatashi ah oo looga hadlay dib u howlgelinta Hay’adda Jidadka oo ka furmay Muqdisho

0

Shirkaan Waxaa soo Qaban Qaabisay Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryenta Dowlada Soomaaliya, Waxaana Ka soo Qayb Galay Mas”uuliyiin Ka Socota Maamul Gobaleedyada dalka,Taliska Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafika loo yaqaano iyo Wakiilo ka socda Midowga Yurub oo shirka maalgelineysa.

Shirkan oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa inta uu socda diirada lagu saari doona Howlaha ku Saabsan Dib u Howlgelinta Hay’adda Waddoyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa furay shirka oo hadda ka socda xarunta SKA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sheegay iney muhiim tahay in ka qeyb galayaasha shirka ay ka faa’ideystaan si ay kaga faa’ideeyaan saaxiibada kale ee aan u suurta gelin iney ka soo qeyb galaan

Raa’sulwasaare kheyre “waa in ahmiyad kowaad la siiyo amniga”

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada iyo Wasiirada iney ahmiyadda Koowaad siiyaan Arrimaha Amniga,isagoona sheegay ineysan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,niyad jabna ku keeni doonin hal ama labo Qarax oo dhaca.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa Sidoo kale faray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Ku-xigeenadiisa iyo dhamaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay in gacmaha la is qabsado oo la soo afjaro amnidarada magaalada Muqdisho ka jirta.

“Taliyeyaasha cusub,Wasiirada iyo Anaguba waxaan isku ognahay iney Arrimaha Amniga ay yihiin ahmiyada koowaad,inaan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,inaanay na niyadjabin doonin hal ama labo Qarax oo dhaco,waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Guddoomiye ku-xigeenadiisa iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir waa iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada,” Ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka Gobolka,Shacabka iyo Ciidamada oo iskaashanaya iney dadaaleen waxyana uga dhiman tahay guusha,islamarkaana horay u sii socdaan si looga mira dhaliyo himilooyinka la hiigsanayo.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkaan shalay ka jeediyay xarunta Ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho oo uu booqday ayaa kula dardaarmay taliyeyaasha Ciidamada iney ka foojignaadaan isku dhac dhexmara Ciidamada sugaya amaanka Muqdisho,islamarkaana hubka iyo qalabka ee ciidan loogu dhiibay iney shacabka ku difaacaan cadowgana kula diriraan,balse aan iyagu isku dhac ku keenin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad siineysa sugida amniga,si meesha looga saaro kooxaha Argagxisada ee nabadda u diidan Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dalka oo hambalyo u diray dowlada iyo shacabka kuwait

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaliyeeyay Amiirka iyo shacabka dalka Kuweyt sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay xurriyadda dalkas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda la qeybsanayaan walaalaha Kuweyt oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee xornimada ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida markasta ay uga go’antahay kor u qaadistiisa.

Madaxweynaha oo uga mahad celiyey shacabka iyo dowladda Kuweyt sida joogtada ah ee ay u garab istaagaan Soomaaliya, ayaa u rajeeyey horumar dheeraad ah iyo farxad waarta.