Wasiirka Beeraha soomaliya oo ka qeyb galey shirka hormarinta beeraha

Date:

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad ayaa xiritaankiisa ka soo qeyb galeen Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule.

iyadoo mudada shanta cisho ah ee uu socday  looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo Dowladda Soomaaliya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay in shirkaasi  xoogga lagu saaray waxqabadka hey’aadda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa  adeegyada beeraha geeska africa.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka  Dowladda Soomaalilya Saciid Xuseen Ciid ayaa kulamo gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Hey’adda FAO iyo Wasiirada Beeraha Qaaradda Afrika ee ka soo qeyb galay shirkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....