Ciidamada amaanka oo ka hortagey weeraar argagaxiso damacsanayeen

Date:

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow  ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray howlgalkaasi, islamarkaana ciidanku ay dileen ilaa 5 ka tirsan maleeshiyada Shabaab ee weerarkaasi soo qaaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay gadaal ka soo sheegi doonaan khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray shacabkii ka ag dhawaa halkaasi marka ay soo dhamaato xog uruurintana ay soo gudbin doonaan.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay Baakinga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT,sidoo kale Gaari  saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin Sayidka,ciidamada oo horey uga feejignaa gaariga ayaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday maleeshiyaad ilaa 3 qof ahaa, iyadoo Daqiiqado kadib uu gaarigaasi uu ku qarxay aga-gaarka Taalada Dhagaxtuur.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta...

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...