Ciidanka Xooga dalka oo burburiyey fariisimo alshabaab ku lahaay Gedo

Date:

Taliyaha Ururka 49 aad , guutada 10 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac, ayaa sheegay in Ciidnka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga Degmooyinka  Baardheere , Buurdhuubo iyo goobo kale oo Gobolka Gedo ka mid ah.

Taliyaha oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay Ciidamadu Cagta mariyeen Saldhi ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Juungal oo 30 KM u jira Baardheere.

Taliyaha Turbac ayaa sheegay inay howl galladan iska kaashadaan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo AMISOM, ujeeddadooduna ay tahay baacsiga Al-Shabaab, si weynna ay u wiiqeen cadwga.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya ayaa koofurta iyo Bartamaha Dalka waxaay ka wadaan howlgallo maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-Sshabaab looga saarayo degaannada lagu tuhmayo inay ku dhuumaalaysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...