Wariye Ahmed Colaad oo ku geeriyoodey Muqdisho

Date:

Allaha u naxariirtee Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka mid ahaa wariyaasha ka howgala Magaalada Muqdisho kana tirsanay shaqaalaha laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay in Axmed Xasan Colaad uu  maalmihii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxa uuna ku geeriyooday Isbital ku yaala Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay.

Allaha u naxariirtee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka ugu tagay 4 caruur ah laba wiil iyo laba gabdhood, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Axmed Allaha u raxmadee waxii ugu dambeyey ee Idaacadan uu soo direy ayaa aheyd Barnaamijka Faaqidaadda Todbaadka ee Jimcadii.

Marxuumka ayaa VOA lasoo shaqeeyey muddadii Laantani Afka Soomaliga ay soo jirtey oo uu wariye uga soo ahaa magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....