Home Blog Page 1363

Madaxweynaha Putland oo kormeeray garoonka diyaaradaha Garoowe oo howlo dib u habeyn ay ku socoto(SAWIRRO)

0

Garoowe(SONNA):–Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Axmed Karaasha iyo mas’uuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad Goboleedka Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, waxaana sidoo kale  dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalaga Gaalkacayo isna dhisaya shirkadda CCECC taas oo laga leeyahay waddanka China, isla markaana waxa ay shirkadda CCECC  dhowaan bilaabi doontaa dhismaha waddada Garoowe – Eyl iyadoo hore u dhistaytay dhismaha garoonta diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Shirkadda CCECC ayaa sidoo kale dalka ka wadda mashruuc horumarineed oo kale kuwaas oo wax tar u leh mustaqbalka shacabka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland, Danjiraha dalka China ee Soomaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee wehelinayseyba ayaa waxa ay kormeer kadib wakhti ku qaateen Hotel Garand ee Magaalada Garoowe.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa booqday xarunta warbaahinta dawlad Goboleedka Punrland ee magaalada Garoowe [PUNTLAND TV AND RADIO ], waxaana uu sheegay safiirku in xaruntu tahay mid shaqadeeda iyo wax qabadkeeduba caalamka oo dhan ku baahey, isla markaana bishay bilicda, quruxda iyo waanaaga deegaannada Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, sigaarana hadda iyo jeer shacabka ugu ifisa wax qabadka dhaxalgal ka ah ee Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxqabadkaas oo ku qotoma dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay kormeer ku tegeen xafiiska ay shirkadda CCECC ku leedahay magaalada Garoowe, halkaasi oo uu safiirku kula kulmay qayb ka mida shaqaalha  shirkaddaasi.

Ugu danbayn, Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxa ay xarunta Hidda Raac Garoowe kaga qayb galeen qado sharaf  ay ku marti qaadeen madaxtooyada dawlad Goboleedka Puntland, waxaana ay qado sharafta kadib kulamo la qaateen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’addaha Puntland.

=DHAMMAAD=

Soomaaliland: Ammaanka oo siweyn loo adkeeyey iyo natiijada oo la sugayo

0

Soomaaliland(SONNA) Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa sheegaya in xaaldda xaafadaha ay xalay rabshado ka dheceen xalay ee ka tirsan Hargeysa iyo Burco, ay tahay mid degana,iyadoo gudiga doorashooyinkan uu booqyo isdaba jog ah uu u jeedinayo dadka deegaanka.

Rabshado gacan ka hadal ah ayaa sababay dhimashada inta la ogyahay labo qof oo shacab ah kadib markii taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ay sameeyeen isku so baxyo.

Maxamed Diiriye Xayd oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ee Soomaalilabd warbaahinta u sheegay in ay daggan tahay xaaladda xaafadihii ay rabshadaha ka dhaceen xalay ee Burco.

Waxay arrintani ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ay dhaliil u soo jeediyeen hanaanka doorashada. Waxay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen guddiga doorashooyiinka ka dib markii “la dhagaysan waayay cabashadooda” ku aadan doorashadii la qabtay Isniintii.

Balse guddiga doorashooyiinka Soomaaliland ayaa codsaday in ciddii cabasho qabta ay u gudbiyaan guddiga, sidoo kale wuxuu ku baaqay in aan laga hordhicin natiijada,isagoo gudigu intaasi ku daray in aanay jirin wax isdaba marin xaga doorashada ah.

Cabduqadir Imaan Warsame oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan oo ay qanciyaan cidkasta oo waxtabanaysa.

Ciidamo aad u farabadan oo ammaanka suga ayaa la geeyey goobihii rabshaduhu ay ka dheceen,si ay uga hortagaan falall kale oo halkasi ka dhaca.

Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan. Dhanka Booliska wuxuu ka dalbaday in ay shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan.

Shacabka Soomaaliland ayaa dhagaha u taagaya natiijada ka soo baxda doorashada madaxtinimo ee Soomaaliland,iyadoo ay jiraan kormeerayaal caalami ah oo iyana la socda habsami u socodka doorashadaasi.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay doon dheereysa oo lagu ilaalinayo socdaalka Xuduudaha badda

0

Muqdisho( SONNA) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ah oo lagu koontorooli doono socdaalada xuduudaha badda.

Doontaan oo ay isticmaali doonaan saraakiisha laanta Hay’adda u qaabilsan xuduudaha badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaalada sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka dhinaca badda, waxayna laantaani la shaqeyn doontaa ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in doontaan muhiim u tahay shaqada Hay’adda,islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha badda,waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaan ciidamada badda Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa doonta nooca dheereysa ka heshay Hay’adda Socdaalka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IOM),waxaana loogu talagalay in lagu daba galo socdaalka sharcidarada ee ka jira Xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ku horumarin lahayd Laanta socdaalka iyo Jinsiyadda dalka,waxaana si arintaasi u suurta gasha ay mas’uuliyiinta Hay’adda u gaareen dalal badan oo caalamka ka tirsan.

Khilaaf ka dhashey shirkadda Kuwait Arilines oo in ay qaado muwaadiniin Israel u dhashey

0

Sida ay baahinayaan warbaahinada caalamka qaarkood,Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aan ku gaartay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay,taasi oo keentay kala tuhun oo kala dhexgala labada dal.

Maamulka Yuhuudda ayaa lagu soo waramayaa in ay u arkaan go’aankaasi mid aan wanaagsanayn islamarkaana ay caro xoog leh ka muujiyeen,kadib markii Shirkadda Kuwait Airways ay diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday magaalada Bangkok ee ee xarunta Dalka Thailand,waxaana Maxkamad ku taalla Frankfurt ay sheegtay in shirkadda diyaaraddu ay ixtiraamaysay shuruucda dalka Kuwayd oo aan aqoonsanayn dalka Israa’iil.

Waxay sheegtay Maxkamaddu in aysan awoodin in ay meesha ka saarto sharciga dalka Kuwayd, Sharciga dalka Jermalkuna uu qeexayo faquuqa ku salaysan, midabka, qawmiyadda ama diinta balse aysan ku jirin muwaaddinnimada.

Qareenkii u doodayay rakaabka oo lagu magacabo Nathan Gelbart ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay “mid laga xumaado marka si guud loo fiiriyo dimuqraadiyadda iyo ka Jermal ahaanba,isagoo yiri“Go’aankaasi ma sii taagnaankaro, rakaabkuna racfaan ayuu ka qaadan doonaa xukunka ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale arrintani aad uga soo horjeestay Guddiga dhexe ee Yuhuudda Jermalka oo sheegay “in ay tahay wax aan la aqbali karin in shirkad ajnabi ah loo ogolaado in ay Jermalka ka dhex shaqayso iyadoo ku dhaqmaysay arrin caalamka looga arko in ay Yuhuudda liddu ku tahay.

 

Soomaaliland oo ka digtay rabshado salka ku haya doorashooyinka

0

Hargeysa-(SONNA)-Maamulka Soomaaliland ayaa digniin adag u jeediyay Dad la sheegay inay halkaasi ka abaabulayaan rabshado ay kaga soo horjeedaan howsha tirinta codadka ee doorshooyinkii dhacay dhawaan.

Jeneral Cabdillaahi Fadal Iimaan,Taliayaha ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ay ka dhaceen rabshado, isagoo ku baaqay in la joojiyo wixii wax u dhimaya ammaanka.

Gen;Fdal ayaa intaa raaciyay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii nabad-galyada wax u dhinta, ayna gacan adag ku qaban doonaan amniga oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono Dadka ka dambeeya.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa horay u shaaciyay inayan jirin wax is daba marin, markii uu xisbiga Waddani sheegay inay ku gacan sayreen qaabka ay u socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

Boqorka Sacuudiga oo dhawaan xilka ku wareejinaya Wiilkiisa

0

Riyadh-(SONNA)-Jariiradda Daily Mail ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa’ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam.

Hadalkan oo ay Jariiraddu kasoo xigatay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin.

Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga.

Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS ayaa in dhowaalaba u gogol xaaranayay la wareegidda maamulka Dalka, markii uu xabsiga dhigay wasiirro,Amiirro iyo Rag magac ku leh Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq baahsan.

Xigasho: Daily Mail

Wasaaradda Amniga XFS oo digniin ka soo saartay falalka lidiga ku ah amniga

0

Muqdisho(SONNA) Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.

Wasiirka amniga oo ka qeybgalay shirkii Golaha Wasiirada ayaaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeyeey oo ciiidamadu ay ka sameeyeen degmada Afgooye,kuwaasi oo lagu soo qab qabtay ilaa 29 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’ddaha ammaanka Dowladda Soomaaliya,isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu Golaha Wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ku yeesheey magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta ammaanka Dalka.

Boqorka Sacuudiga oo dhawaan xilka ku wareejinaya Wiilkiisa

0

Jariiradda Daily Mail ayaa daabacday in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa’ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam.

Hadalkan oo ay Jariiraddu kasoo xigatay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin.

Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga.

Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS ayaa in dhowaalaba u gogol xaaranayay la wareegidda maamulka Dalka, markii uu xabsiga dhigay wasiirro,Amiirro iyo Rag magac ku leh Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq baahsan.

Wasaaradda Amniga XFS oo digniin ka soo saartay falalka lidiga ku ah amniga

0

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.
Wasiirka amniga oo ka qeybgalay shirkii Golaha Wasiirada ayaaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeyeey oo ciiidamadu ay ka sameeyeen degmada Afgooye,kuwaasi oo lagu soo qab qabtay ilaa 29 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’ddaha ammaanka Dowladda Soomaaliya,isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu Golaha Wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ku yeesheey magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta ammaanka Dalka.

Guddig doorashooyinka Soomaaliland”Majiraan wax is dabamarin

0

Waxaa weli soconaya tirinta codadka doorashadii Soomaaliland,iyadoo laga filayo guddiga in dhawaan uu soo saaro natiijadii rasmiga ahayd ee doorashada.

C/qaadir Iimaan Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya Doorashadii Isniintii ka dhacday Somaliland in ay noqotay mid lagu shubtay.

Guddoomiye C/qaadir Wuxuu sidoo kale sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, wuxuuna tilmaamay muhiim in ay tahay natiijada in looga dambeeyo Guddiga Doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin qancinta xisbi kasta oo wax ka tabanaya habka tirinta iyo qaab doorasheedka,balse ku baaqey in laga fogaado wararka been abuurka ah.

Mas’uuliyiintani ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliland in ay is dejiyaan islamarkaan ka dhursugaan guddiga ilaa uu soo saaro natiijada rasmiga ah ee doorashadaasi.