Home Blog Page 1363

Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya oo gaarey Magaallada Cadaado

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaaray Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado,iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaano siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheynayaa in maanta uu u ambabaxo Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, waxaana qaban qaabo xoog leh ay ka socotaa Hobyo oo shacabka ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Golaha Horumarinta Qorsheynta Qaranka oo maanta shir uga furmay Muqdisho

0

Golaha Horumarinta Qorshaha Qaranka Soomaaliyeed  ayaa maanta shirkooda caadi ahaa ee bishii mar ay isugu  yimaadaan ku yeeshay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Qorsheynta Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Dowladda dhexe.

Waxaa kullanka diiradda lagu saaray Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hanaanka wadajirka ah fulinta mashaariicda dalka iyo sanadka saddexda qodob ee ugu muhiimsan ee Dowlad Goboleedyada laga fuliyo.

Kullanka markii uu soo idlaaday kadib ayaa waxaa warbaahinta faah faahin ka siiyay waxyaabihii looga hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Aadan Maxamed oo sheegay in kullanka mudada uu socdo si wada jir ah loo eegi doono mashaariicda la doonayo in laga fuliyo deegaanada Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale,waxaa kullanka ka hadlay Wasiirada Qorsheynta Maamulka Goboleedyada dalka waxayna si qoto dheer ah u faah faahiyeen dadaalada ka socda deegaanadooda iyo sida loga jawaabey abaaraha,waxayna sidoo kale tilmaameen iney jiraan mashaariic hadda laga fulinayo oo ay garwadeyn ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kullanka oo socon doona labo maalin ayaa ka qeyb galayaasha waxay ugu danbeyn soo bandhigi doonaan aragti mideysan oo laga qaadanayo qodobada muhiimka ah ee laga hadley.

Ra’iisul wasaare Khayre oo u amba-baxay dalka Switzerland 

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,isagoo ka qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka oo halkaasi ka furmi doona dhawaan.

Waxaa ka qeyb geli doona Shirkaasi Madax ka socota Dowladaha Afrika qaarkood, iyadoo shirkaasi diiradda lagu saari doono horumarinta dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah uu la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Shirkani ayaa u muuqda in uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya,maadaama ay ka qeyb galayaan hoggaamiyaal ka kala socoda wadamada ku horumaray dhinaca Dhaqaalaha oo uu kujiro Mareykanka,waxaana lagu casuumay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kamid ah qaar kood.

 

Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya oo U ambabaxey Degmada Hobyo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo madaxweynaha lagu wado inuu ka dhagax dhigo Dekadda Hobyo oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Dowladda Federaalka Soomalaiya iyo Maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu howl gelin lahaa Dekadda Hobyo oo u baahan dayactir xoogan si shacabka degmadaasi uga faa’ideystaan.

Wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxaya degmada Cabudwaaq oo ay shalay kaga qeyb galeen furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq,isagoona bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hobyo ka dib la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug.

 

Godoomiyahii hore ee Gobalka Banadir oo la kulmey Godoomiyaha Cusub

0

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay hoygiisa ku booqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Waxaa ku wehlinayay Guddoomiye Eng.Yariisow booqashadiisa Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow(Ducaale), Wasiirka Boostada Eng. Cabdi Cashur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Kulan ay yeesheen guddoomiyaha cusub Eg C/raxman Cumar Cusmaan (Yariisow) iyo guddoomiyihi hore ee Gobolka Banaadiir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa ay ugaa hadalen, siday ay uga wada shaqayn lahayen danta guud iyo danaha Gobolka.

Masuuliyiinta ayaa  sido kale waxa ay sheegeen in lo baahan yahay nabada iyo sugida amniga gobolka Banaadir,sida uu sheegay Wasiirka  Amniga, soomaaliya .

labada Guddoomiye ayaa ku heshiiyay sidii loo qaban lahaa Guddi ka shaqeeya xil wareejinta, waxaana ay ku heshiiyeen sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi laheyd Munaasabadda.

Madaxweyne Farmaajo “Jamacaddani waa in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug”

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka faa’iideysan karaan ardayda danyarta ah balse looga baahanyahay shacabka in ay ka qeyb qaataan sidii dhalinyarada loogu abuuro lahaa jawi ku haboon Waxbarashada.

“Maanta waxaan halka ka hirgelinay faraca Jaamacadda Umadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug. waxaan jecelnahay in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug.”

Madaxweynaha ayaa uga digay ardeyda iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhaqanka qabyaaladda iyo in ay ku han-jabaan duruufaha ku xeeran noolashooda.

“Qarniga aan ku jirno ma ahan mid qabiil, ogsoonaada qof qabyaalad ku dhaqmaya ma ahan qof ilbaxnimo leh. Dhallinyaroow waxa jidka saaran waa mustaqbalkiinna. Idinka ayaa la rabaa hadii aad aragtaan magaalo u kala xiran hab qabyaaladeysan in aad diidaan.”

Dhanka kale, Madaxweyne Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qado sharaf waxaa ugu sameeyey duleedka magaalada Caabudwaaq Ugaas Axmed Ugaas Barre Ugaas Cali oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa marti qaadkan ku wehelinayey Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Ardayda soomaliyeed oo kulan la qaatey Madaxda Wasaarada Dastuurka

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Ururada Ardayda Qaranka Soomaaliyeed, kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay doorka ardayda ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa kulanka ku soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha oo ka kala socday ku dhawaad 50 Jaamacadood oo dalka ka jira, waxa uuna Agaasimaha Guud sharxay sida ay Wasaaradda u dooneyso in ardayda ay kaalin wayn ka qaataan Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaaa ardayda u sheegay in Wasaaradda ay talooyinka dhalinyarada tixgelin doonto.

“Waxbarashada waa sida ugu wanaagsan ee dal lagu hormarin karo, waa lagama maarmaan in dadka ardayda ah ee in ay waxbartaan go’aansaday ay ka qaybgalaan Geedi-socdoka Dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda waxa ay aad u tixgelin doontaa talooyinka aad soo jeedisaan” ayuu yiri  Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu dambayn, ardayda kulanka ka soo qeybgashay ayaa soo jeediyeen talooyin badan oo ay kamid ahayd in Dastuurka lagu barto Jamaacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada.

Agaasimaha HSJ oo kormeerey Xafiisyada Hay’adda ee ku yaallo Guriceel

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyoJinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa kormeerey xaafiisyada hay’addu ku leedahey magaalada Guriceel, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala iyo qaar ka tirsan bulshada Guriceel

Kormeerka oo uu agaasimaha ku wehlinayey madaxa howlaha hay’adda ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha hay’adda, wuxuuna saraakiisha kula dardaarmey in ay u guttaan waajibka Qaran si waafaqsan sharciyada dalka.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa ku guda jira kormeerka sanadlaha ah ee uu ku sameynayey xaafiisyada iyo howlaha hay’adda guud dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna hore u soo marey qeybo badan oo dalka ah.

Socdaalkan uu agaaasimaha ku marayo xafiisyada Hay’adda ee basaboorada laga bixiyo iyo xafiisyada Socdaal ee ku yaala Xaduudaha Dalka ayaa ujeedkisa waxa uu yahay kormeer lagu hubinayo habka ay shaqada uga socoto xafiisyada Hay’adda iyo in la dhageysto bulshada ku dhaqan meel kasta oo uu ku yaalo xafiis ka mid Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si loo ogaado cabashadooda iyo talooyinka ay bixinayan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaarey Caabudwaaq

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdiga laga socda  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Caabudwaaq,iyadoo ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa oo maanta ka soo ambabaxay Magaalada Guriceel ayaa soo maray Deegaanada kala ah Balanbale iyo Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaasi si diiran ay ugu soo dhaweeyeen qeybaha Bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Waxaana Socdaalka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku wehliya Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale.

 

wasaarada dastuurka oo kulamo wadatashi ah la qaadatey ururada soomaliyeed

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo Ururada Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa dhalinyarada ku soo dhaweeyay kulanka isaga oo sheegay in dhalinyarada ay Wasaaradda muhiimad gaar ah siineyso.

Sidoo kale Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in kulanka uu noqon doono mid bilow u noqda kulmo dhawr ah oo dhalinyarada ay Wasaaradda la yeelan doonto.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhalinyarada la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay mar walba ka go’antahay taageeridda dhalinyarada.

“Dhalinyarada waxa ay kaalin wayn uga jiraan hawlaha Arrimaha Dastuurka, Wasiirada Dawlad Goboleedyada ee aan shaqo wadaaganahay qaarkood waa dhalinyaro; sidaa awgeed waxaa naga go’an in aan dhalinyarada la sameyno wadatashiyo badan si ra’yigooda loo dhageysto” ayuu yiri Wasiirka Cadallada.

Ugu dambayn, dhalinyaradii kulanka ka soo qaybgashay ayaa talooyinkooda dhiibatay iyaga oo xoogga saaray in dhalinyarada kaalintooda la muujiyo.