Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay dalka Uganda.

Date:

Wafddigan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u amba baxay Dalka Yugandha.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirta ka qeybgalka  shir Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda  maalinta berito ah oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018 ka furmaya,kaasi oo  fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.

Wafddiga madaxweynaha Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin kaladuwan ayaa inta uu joogo Dalka Yugandha wuxuu la kulmaya hoggaamiyaasha wadamada ciidamadooda Jooga Soomaaliya,isagoo kala hadlidoona howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka kale War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda H.E. Yoweri Kaguta Museveni,ayaa marti-gelin doona shirka oo beri furmaya,waxaana la filayaa iney ka qeyb galaan madax heerkeedu sareeyo,sida Wakiilo ka socda Guddiga Midowga Africa,Xubno ka socda Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Xubno ka kala socda Gobolka iyo Ururo caalami ah iyo Wakiilo metalaya shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doono qaab gunaanadka shirkii bishii September ee sanadkii 2017-dii lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareynkanka,waxaana shirka New York uu ahaa mid la isku aragti dhaafsanayay Xaaladda Soomaaliya,Mustaqbalka Ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo waliba hanaanka Kumeel gaarka ah ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya kala wareegi karaan amaanka guud ahaan dalka Ciidamada AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...