Taliyaha Asluubta oo wili ku jiro booqashadiisa shaqo uu ku joogo wadanka Qatar.

Date:

 Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Booqday Xabsiga ugu weyn dalka Qatar oo ku yaal Magaaladda Doha, waxaana halkaasi ay kula kulmeyn Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Dalkaasi.
 
Taliyaha oo ay la socdeen Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Aslubta iyo Sarakiil kale, ayaa mid mid u tagay qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe ee Doha, waxaana qeybihii uu tagay kamid ahaa, Waxbarashada, Farsamadda, Warshaddaha, Maktabadda iyo Qeybta Jimicsiga.
 
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Qatar S/guuto Maxamed Sacuud Naasir Al Otaibi, ayaa kawada hadlay dhismaha Xabsiyadda Soomaaliya, in Qibraddaha Shaqo la is dhaafsado, horumarinta isgaarsiinta Ciidanka iyo arrimo kale.
 
S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa guul ku tilmaamay wada hadalka dhex maray labada dhinac, isaggoo tilmaamay in Safarka uu ku yimid Qatar iyo Heshiisyadda Dowladdaasi ay la galeen miro dhalkooda dhowaan la arki doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....