Home Blog Page 1364

Guddoonka golaha shacabka oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho

0

Guddoonka golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saaray cidda  go’aan ka gaari karta maqaamka Muqdisho.

Guddoonka golaha shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro Dastuurka dalka iyo nidaamka dowladnimada, xasilloonida iyo horumarka dalka, maadaama Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku jiraan fasaxii Dastuuriga ahaa.

Lifaaqa hoose ka akhri warqadda go’aanka.

 

go’aan golaha shacabka

Madaxweyne Farmaajo oo gaarey deegaanka balanbale ee gobalka galgaduud

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaana Deegaanka ka soconaya soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaayo.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey deegaankaasi,iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha bulshada deegaankaasi.

Waxaa uu la kulmi doono Mas`uuliyiinta iyo waxgaradka Deegaanka Balanbale, ee gobolka Galgaduud,isagoo warbixin ku saabsan baahiyaha dadka deegaankaasi ka dhageysanaya shacabkaiyo odayasha dhaqanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug ayaa lafilayaa in uu gaaro deegaano kale sida Degmada Caabudwaaq iyo deegaanka Xeraale oo haatan ay ku wajahan yihiin.

Madaxweynaha Jamuuriyada federalka soomaali oo amaaney nabada ka jirta Guriceel

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo oo meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa ku ammaanay halgankii dheeraa ee dadka deegaanku ay kaga hortageen mileyshiyaadka Alshabaab.

“Waxaan ognahay in magaaladan ay tahay middii ugu horreysay Soomaaliya ee Alshabaab la dagaalanta, taasina waxa ay ka tarjumeysaa soomaalinimadiina, diin iyo dal jaceylkiinna.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka sidaa darteedna laga hirgelinayo magaalada Guriceel mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor inta uusan ka soo safrin magaalada Dhuusamareeb waxa uu halkaas ka dhagax dhigay mashaariic kor loogu qaadayo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mashaariicdaas oo si wada jir ah ay u dhagax dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka mid ah dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xabsiga magaalada Dhuusamareeb, xarunta agoomaha iyo dayactirka laamiga isku xira Gobollada Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti qaadkan loogu sameeyey hooyga Ugaaska uu ka degenyahay magaalada Guriceel ayaa uga mahad celiyey hoggaanka iyo bulshada magaalada diirranaanta ay u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Galguduud waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soomaaliya oo lagu ammaanay habka qarash bixinta Maaliyadeed

0

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Soomaliya waxay qaateen Tallaabooyin Dheeraad ah si loo Casriyo Suuqa Bangiyada

Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo xeerka maaliyadda Soomaaliya oo taageero ka helayo  bankiga Adduunka ayaa  horrey u qaaday talaabooyin lagu casriyeynayo habka xiriirka bankiyada, cadeymaha iyo dajinta habka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Dadaalkan ayaa imaanayo kadib shan maalmood oo wada tashi ah kaasi oo lagu qabtay Nairobi waxa uuna qoraalkan lagu daabacay bogga World bunk uu qeexaya horumarka nidaamka lacag-bixinta Qaranka iyadoo  si gaar ah loo eegayo fahamka bulshada iyo bankiyada kaasi oo la filayo in uu abuuro jawi isfaham ah, waxa uuna sidoo kale qeexaya in uusan wax is badal ah ku laheyn isbadalka siyaasadda dalka.

“Nidaamka bixinta qarashka wuxuu gacan ka geystaa horumarinta suuqyada maaliyadeed ee casriga ah iyo horumarinta adeegga maaliyadeed ee suuqa,” ayuu yiri Abdishakur Maxamuud.

“Bankiga Dhexe wuxuu hogaaminayaa geeddi-socodkan, waa cadahay in awoodaha maamulka maaliyadeed ee madaxda Soomaalida ay sii kordhayaan,” ayuu yiri Thilasoni Benjamin Musuku, oo ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ah, Baanka Adduunka.

Bangiga Adduunka wuxuu taageersan yahay bankiga dhexe ee Soomaaliya  inuu xoojiyo kormeerka iyo ilaalinta bangiyada dhexe iyada oo loo marayo barnaamijka dhaqaalaha iyo fursadaha muhiimka ah ee Soomaaliyeed (SCORE).

Barnaamijka SCORE waa kan ugu horreeya ee mashaariic taxadar leh oo lagu hormarinayo qaab-dhismeedka sharci, nidaam iyo siyaasadeed ee hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya. Ujeeddooyinka ayaa ah in la horumariyo jawiga suurtagalka ah ee horumarinta qaybaha maaliyadeed iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo in la dhiso maalgashi gaar ah iyo shaqo abuuris guud ahaan Soomaaliya. SCORE waxaa maalgeliya sanduuqa maalgalinta ee (MPF).

MPF waxaa taageera Waaxda horumarinta caalamiga ah ee DFID, Midowga Yurub (EU), Bangiga horumarinta KfW ee Jarmalka, Iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee (SIDA), Safaaradda Norway ee Danmark, Hay’adda horumarinta caalamiga ah (DANIDA) Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga horumarinta (SDC), Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland, Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Bangiga Adduunka iyo Hantidhowrka Bani’aadamnimada

Shirka golaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono

0

 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb-galayey barnaamijka kulanka toddobaadka SNTV, ayaa sheegay in dhowaan la qaban doono shirka golaha horumarinta Dhaqaalaha markii ugu horreysay, si loo qaado tallaabooyinka  lagu horumarinayo, kaas oo uu guddoomiye ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hey’adaha Q.M ay isla garteen in lacagaha lagu bixinayo gargaarka badankood lagu maalgaliyo horumarinta Beeraha, si  wax looga qabto abaaraha soo laa-laabtay.

“saannadkaan wasaaradda waxa ay hiigsaneysaa sidii Soomaaliya tobanka sanno ee soo socdo loogu diyaarin lahaa in laga dhigo waddanka ugu awoodda badan dhinaca Dhaqaalaha waddamada Africa” ayuu wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay wasaaraddu sameyso sahan lagu qiimeeyo maalin walba heerarka maciishadda dalka  oo ah halka laga ogaan karo isbadellada ku yimaada kobaca dhaqaalaha dalka, ayna ku rajo weyn yihiin in la qiimeeyo dhammaan alaabaha dalka la keenno iyo kuwa dalkeenna laga dhoofiyo.

Ololihii wacyi gelinta doorashooyinka oo ka bilaabanaya Garoowe.

0

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxa ku sugan Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan kuwaas oo  la filayo in ay shir ka furaan.

Xubnaha Guddigaas oo shalay gaaray Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Sayid Cali Sheekh Maxamed waxa uuna sheegay in shirkaas Sabtida Berito ah ay furi doonaan.

Waxa uu sheegay in ay shalay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyaga oo kala hadlay  sidii uu shirkaasi u furmi lahaa.

Waxa uu intaas sii raaciyay  in shirkaas uu yahay mid loo qabanayo Bulshada ku nool Garoowe kuwaas oo ay kala tashanayaan sidii ay ku dhici karto doorashada Sanadka 2020.

Guddiga doorashooyinka ayaa horrey u soo maray qaar kamid ah maamulada dalka iyagoo wili ay u harsan-yihiin kuwa kale oo ay gaarsiin doonaan wacyi gelinta ka qeyb galka doorashooyin shacbiyadeed oo dalka ka dhaca.

Madaxweyne Farmaajo “Dhulka dowladda lama hibeyn karo, lama bixin karo, lamana wareejin karo”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

“Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khoseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

DHAMMAAD

Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf..

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geeridii  ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya,  Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf oo shalay magaaladda Muqdisho lagu dilay.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa  ka waraabiyo,  qoyskiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Issagoo sheegay in uu ahaa qof karti leh,  islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadka qaran, kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Taliye Gorod, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shaqsigii ka dambeeyey dilka Marxuum Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf, waxaana uu tilmaamay in Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono.

Gen Caanood oo u ballan qaaday shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida in uu kala shaqeyn doono Sidii aay u heli lahaayeen Xuquuqdooda.

0

Xafladda loogu raadinayo taageero Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayeey soo abaabuleen Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida oo muddo ku dhaw afar-sanadood ku shaqeynayey xuquuq la’aan iyo agab aan taya badan laheyn kaasi oo ah kii ugu horreeyay ee lagu furay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida.

Howlwadeenada Idaacadda ayaa u mahad celiyay dad  gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, sida Abaanduulaha Xoogga dalka Gen Cabdullaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen XasaNn Cusmaan,  Gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha Ururka 60-aad Afcadey iyo dad kale oo idaacadda Si gaar ah u caawiyay mudadii ay jiratay.

Shaqaalaha ayaa soo bandhigay howlaha  ay u hayaan dalka, waxa ayna sheegeen in saameyn badan ku yeesheen howlaha warbaahineed ee dalka, wiliba ay suura gashay in warbaahinta gudaha iyo kuwa diabadda ay si gaar ah uga xigtaan arrimaha ciidan,  Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, iyagoo soo bandhigay cadeymo muuqaalo sawirro muujinaya xigashada warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Cabdicaziiz Xildhibaan ayaa u ballan qaaday safarkiisa oo dhowr cisha ah kadib in uu Idaacadda Ciidamada Ku wareejin doono 5-camera. Waxa uuna intaas raaciyay in uu si  gaar ah ula socon doono arrimaha shaqaalaha Idaacadda.

Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo dhabar adeegga shaqalaha ka jawaabayey ayaa sheegay in uu alabaab walba u garaaci doonno sidii ay u heli lahaayeen darajo iyo daryeel shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna ballan qaaday in wixii xilligaan ka dambeeyo ay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Taliska uu arrimahaas xalli doono.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la’  aasa-aasay sanadkii 2014 xilligaaso oo ay idaacadda soo gashay ayaa hadda waxa ay kamid tahay idaacadaha ugu saameynta badan ee ka jira magaalada Muqdisho, waxa ayna ka soo gasha FM 90.7MHZ, waxa ayna sidoo kale Idaacadda saameyn ballaaran ku yeelatay xagga Social Media.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Ethiopia u jooga Soomaaliya,,

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Cawad iyo Safiirka Dowladda Ethiopia Mudane Jamaluddin Mustafa Cumar ayaa ka wada hadlay xariirka  iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladooda.

 

Safiirka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa salaan ka timid wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethopia  Workneh Gebeyehu   gaarsiiyay  wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxa uuna safiirka Ethopia  u sheegay  wasiirka arrimaha dibadda in ay daneyneyso dowladda Ethopia in xiriir wanaagsan la yeelato dowladda Soomaaliya.

Xiriirkaas ayaa ku dhisnaan doono sida ay sheegtay dowladda Ethopia ixtiraam, daris wanaag iyo saaxiibtinimo,  waxa uuna ahaan doonaa gabi ahaantiisba mid mira dhala sida safiirka Ethopia uu u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Cawad.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa diiradda lagu saaray , arrimaha amniga, doorka Itoobiya ee nabad ilaalineyd ee AMISOM iyo wadashaqeynta heshiisyada ka dhaxeeya labada dal,  sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo sii wanaajin lahaa xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia.

 

Wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya ayaa soo dhaweeyay safiirka Ethopia isagoo ka gudoomay salaanta wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Ethopia Workneh Gebeyehu, wasiir cawad ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka labada dal isagoo hoosta ka xariiqay in uu sii wadi doono sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Ethopia.