Home Blog Page 1364

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta tababar loogu qaaday dalka Sacuudiga “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo gaaraya ilaa 5 sargaal,  ayaa maanta tababar lagu baranayo habka hubinta dukumintiyada dhoofka  loogu qaaday dalka Sacuudiga, waxaana tababarka waxa uu usocon doonaa muddo 10 cisho ah.

Ku simaha Agaasimaha Guud  ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Cabdulahi Xaaji Bashiir Shiine, ayaa sagootiyey saraakiisha, waxaana uu kula dardaarmay in ay si wanagsan u soo qaatan tababarka maanta loo diray, isla markaana ay wax badan ka soo faa’iidaan habka ay u shaqeeyan Saraakiisha Socdaalka qaabilsan ee Dalka Sacuudiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa dadaalo badan ugu jirta siddii shaqaalaha hay’addaasi ay u heli lahaayeen tababaro xirfadooda lagu dhisayo, waxaana  horay sidaan oo kale tababaro kala duwan  dalka dibadiisa ah u aaday qaar kamid ah Shaqaalaha HSJ.

 

 

 

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay deegaano kale oo gobolka Baay ka tirsan

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal amniga lagu Xaqiijinayo  ka Bilaabay  Waddada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Deegaanka Deeynuunaay, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan firxadka Maleeshiyada kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Ciidamada, ayaa howlgalka ka sameeyey Goobo ay Fariisan u aheyd Nabad diidka  Al shabaab, kuna dhibaateen jiray dadka shacabka ah, islamarkaana uga qaadi jiray Lacago baad ah, intaas ayaana dheereed in dadka kuwooda waxgalka ay ku dilaan, si inta kale ee soo hartay loo cabsi galiyo,  una waayaan qof ka dhiidhiya ficilada arxanka darran ee ay sameynayaan.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay, Maxamed ibraahim Nuur,  ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga  warbixyey Howl galada ka socda Deegaanada Hoostaga Degmadda Buurhakaba, waxaana uu sheegay in ay dhexda u xirteen siddii ay ula dagaalami lahayeen kooxda Alshabaab, isagoo xusay in laga qabsaday goobo hor leh oo ay fariisin u aheyd.

Ururka Haweenka Qaranka oo sahay fudud gaarsiiyay C.X.D ee furinta hore dagaalka ku jira

0

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sahay fudud oo isugu jira Biyo,caano,Buskud iyo Timir gaarsiiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Aaga hore ee dagaalka deegaano duleedka ka ah degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xooga dalka ayaa aagaasi kula dagaalamaya dagaalyahanada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Shacabka Soomaaliyeed u diidan iney nabad iyo xasilooni ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Sheikh Gaballe oo hogaamineysa Haweenka deeqda sahayda fudud ah gaarsiiyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga hore ee dagaalka deegaano hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegtay in sahayda fudud loogu talagalay Ciidamada Qalabka sida si loogu dhiira geliyo dar dar gelinta dagaalka ka dhan ah Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Talaabadaan ay qaadeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaa soo dhoweeyay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee aagaga hore dagaalka oo ku tilmaamay mid niyad dhis u ah Ciidamada Qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Taliyaha Aaga koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Generaal Ibaarhim Yuusuf,Taliyaha Guutada Labaad Corneyl Cali Calasow iyo Taliyaha Guutada seddexaad Generaal Labo Afle ayaa si isku mid u soo dhoweeyay sahayda fudud ee ka soo gaartay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana ku micneeyay mid tilmaameysa sida loogu qanacsan yahay howlgalka safka balaaran ee lagu qaadayo Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay codsigii Ra’iisal wasaaraha ee ahaa in la dhiira geliyo Ciidamada Qalab sida ee doonaya iney xoreeyaan dalka.

Sidoo kale,Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Xaflad ka dhacday Muqdisho waxay Taliyaha Ciidanka Militariga kula wareejiyeen Taakuleyn sahay fudud ah oo ay ugu talagaleen Ciidamada Qalabka sida,kuwaasoo laga soo uruuriyay Haweenka Soomaaliyeed.

Kulan looga hadlayey Wacyi gelinta Shaqaalaha Dowladda sida ay uga qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka oo dhacay Muqdisho

0

Kullankan ayaa looga hadlayey Wacyi Galinta Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay ugu qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka iyo arrimo kale.

Waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana soo agaasimay Xiriirka Guud ee Gudiga Shaqalaha Dowladda Soomaaliya.

Nuur Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka Ururka Shaqaalaha Dowladda iyo C/risaaq Macalin Cilmi Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa sheegay in loo baahan in Shaqaalaha Dowladda inay si-waagsan ula socdaan Waajibaadka lagu leeyahay iyo kan iyagu leeyiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Maxamed Cadde Muqtaar ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda laga rabo inay qeyb ka qaataan wax soo saarka Dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

“Waxaan ka rabnaa Shaqaalaha Dowladda inay qeyb ka qaataan wax soo saarka dalka iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka taas ayaana Muhiimad gaar ah noo leh runtii waxaa ay shaqaaluhu ku soo shaqeeyeen xili adag balse hadda meel wanaagsan ayey marayaan”. ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda  sidoo kalena ah kusimaha Wasiir C/casiis Salaax Armaan ayaa waxaa sheegay haddii siwada jir ah loo shaqeeyo badan toosayaan sidoo kale Shaqaalaha Dowladda xil iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba.

“Waxaan qabsan karnaa wax badan hadii aan u waddo shaqeyno siwadajir ah, waxaa kale oo nagala rabaa in aan qeyb ka qaadano Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba taas ayaana muhiim inoo ah meel kasta oo aaan joogno”. ayuu yiri C/casiis Salaax Armaan.

Barnaamijkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Seddex Bilood ah sidda uu Qorshuhu yahay waxaana lagu qaban doonaa Xarumaha kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda, Iyadda oo maanta lagu qabtay xarunta Acedemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Wasiir Yariisoow ” Waxaa jirta qaswadayaal diiddan in wadankan uu horumar gaaro”

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiir Yariisow ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay iney ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo heshiis la saxiixday Hay’adda Amiin Ambulance ee Muqdisho

0

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalak Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa heshiis kula saxiixday magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta hay’adda Gar gaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Heshiiskani ayaa waxaa uu dhigayaa in tababarro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku bad baadiyaan haddii ay dhibaato timaado, maaddaama inta badan bulshada ay yihiin bahda waxbarashada, sidoo kale waxaa uu dhigayaa in haddii uu shil dhaco hay’adda gar gaar ee Amiin Ambulance ay ahmiyad gaar ah siiso bahda waxbarashada oo la aaminsanyahay in ay yihiin dadka ugu badan ee bulshada oo dhibaatooyinka soo gaarto.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta la kulanka mas’uuliyiinta Hay’adda gar gaarka deg dega ah, iyo in aan heshiikan kala saxiixanno, waxaan rabnaa in tabaabarro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku badbaadiyaan haddii uu shil dhaco, marka waxaan rajaynayaa in heshiiskani uu waxbadan soo kordhin doono”. Ayuu yir Wasiirka waxbarashada.

Dhanka kale madaxda hay’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambulance ayaa soo dhaweyey hadalka wasiirka waxbarashada, iyagoo ka mahadceliyay la kulanka wasiir C/raxmaan Daahir Cusmaan, waxeyna sheegeen in ay fulin doonaan heshiiskaasi.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay deegaano kale oo gobolka Baay ka tirsan “Sawirro”

0

Baydhabo (SONNA), Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal amniga lagu Xaqiijinayo  ka Bilaabay  Waddada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Deegaanka Deeynuunaay, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan firxadka Maleeshiyada kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Ciidamada, ayaa howlgalka ka sameeyey Goobo ay Fariisan u aheyd Nabad diidka  Al shabaab, kuna dhibaateen jiray dadka shacabka ah, islamarkaana uga qaadi jiray Lacago baad ah, intaas ayaana dheereed in dadka kuwooda waxgalka ay ku dilaan, si inta kale ee soo hartay loo cabsi galiyo,  una waayaan qof ka dhiidhiya ficilada arxanka darran ee ay sameynayaan.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay, Maxamed ibraahim Nuur,  ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga  warbixyey Howl galada ka socda Deegaanada Hoostaga Degmadda Buurhakaba, waxaana uu sheegay in ay dhexda u xirteen siddii ay ula dagaalami lahayeen kooxda Alshabaab, isagoo xusay in laga qabsaday goobo hor leh oo ay fariisin u aheyd.

 

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

0

Waxaa lagu wadaa in Dalka Tuniisiya uu maanta ka furmo tartanka ciyaaraha Xeegada ee Caruurta ka yar da’da 15-ka sano ee wadamada ku bohoobay Jaamacadda Carabta.

Tartankaasi oo la qabto sanadkasta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wadamo ay kamid tahay Soomaaliya Waxaana halkaas Soomaaliya umatalayo saddex caruur ah kuwaasi oo lafilayo in ay la baratamaan caruur kale oo ka socota wadamada qeybta ka ah Jaamacadad Carabta.

Caruurta Soomaaliya u matalidoonta tartankaasi ayaa waxaa ay kala yihiin, Siham Cabdirashiid oo10 jir ah, Salma Cabdirashiid 11, iyo Maxmed Cabdirashiid oo 13 jir ah kuwaasi oo ah sedax caruur ah oo wada dhalatay.

Tababaraha caruurtaasi oo Soomaaliya u matalaysaa tartankaasi ayaa ah  Cabdirashiid Ibraahim Xuseen ah aabaha dhalay ilmahaasi kuwaasi oo degan dalka Mareykanka.

Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV

0

Wasiirka dhallinyarada iyo Isbootiga ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadlay munaasabad lagu abaalmarinayay dhallinyaro tababbar loogu soo xiray Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso dhallinta Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo ayaa tiri “Wasaaradda dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay xoogga saareysaa hirgelinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada, iyadoo laga wada tali gelinayo dhamaan bulshada intooda muhiimka ah”.

Wasiir Khadiijo ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaabeyanaan diyaarinta siyaasadda isboortiga Qaranka,

“Waxaan horey u balan qaaday urur kasta oo ka shaqeynaya danaha arrimaha dhallinyarada inaan lacag laga qaadin marka la diiwaan gelinayo, waxaana ku guuleysanay inaan si lacag la’aan ah lagu diiwaan geliyo 75 urur iyo 5 urur Jaamacadeed.

“Tababbarka caawa aan soo xireyo waxa uu furmay 12-ka bishi October, kaasi oo socday muddo bil ah, waxaana caawa u fadhinaa inaan abaalmarinayo 765 ka mid ah dhallinyarada nasiibka u yeeshay in ay ka qeyb qaataan tababbarka”ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Sidoo kale intii ay socotay munaasabadda waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifatax Daahir Jeyte oo ku muteystay wada shaqeynta kaalinta uu Raadiyaha ka qaatay wacyigelinta dhallinta Sooamaliyeed iyo la shaqeynta Wasaaradda dhallinyarada.

Si taa la mid ah Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf oo uu u qaaday Mudane Fu’aad Muxudiin oo ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta kuwooda ugu howlkarsan, isla marakaana suurta geliyay in barnaamijyada intooda badan ay ku baxaan tebin toos ah.

“30 -ka bishan Muqdisho waxaa ka furmaya shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhallinyarada, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay in dhallinyarada ay door weyn ka qaateen horumark dalka, gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday qaraxii 14-ka October ka dhacay Muqdisho.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo

0

Muqdisho (SONNA), 16 November 2017 – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen,

  1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
  2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada,
  3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka
  4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka
  5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka
  6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka
  7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada
  8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka
  9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka

Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen.

Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo.

Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka.