Home Blog Page 1362

Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada”Sawirro”

0

Kismaayo(SONNA) Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Wasiir Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad Ee Dowlad Gobaleedka Jubaland Maxmuud Sayid Aadn Oo Furay Shirka Ayaa sheegay in jubbaland u diyaar garowday marti galinta ciyaar yahanada iyo martida kale ee la socota ee kaqayb galay tartankaan oo markiisi labad la qabanaayo.

Furitaanka shirka kadib ayaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka iyo Wasiiraddii la socday waxaa ay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo oo Lagu qaban doono tartanka dowlad gobolledyada iyo gobolka Banaadir.

Tartankaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay magaalada muqdisho kasoo ay ku guuleysteen Ciyaartooydii Puntland matalayay iyagoo kaga guuleystay xulka Jubbaland.

Tahriibayaal ku dhintay Xeebaha Dalka Liibiya

0

Liibiya(SONNA) Qul qulka tahriibayaasha ka socoda Qaaradda Africa ayaa weli ka taagan Badda Meditraniamka ee isku xirta Qaaradaha Africa iyo Yurub,halkaasi oo dhibaato xoogan ay kala kulmaan dadka tahriibta ah.

Wararkii ugu dambeeyeye ee tahriibka ayaa la sheegayaa in meydad badan oo ku geeridoodayu biyaah baddaaasi la heley,kadib markii ay la qalibmatay doonidiid ay wateen.

Warbaahinta caalamka  ayaa baahisay in ilaa iyo haatan la la’yahay dad ka badan 100 qof oo la socday doontii qalibantay,taasi oo qaarkood ay ku dhinteen biyaha,gaar ahaan xeebaha Dalka Liibiya.

Sida uu baahiyay Tvga CNN ee laga leeyahay Mareykanka,Saraakiisha ilaalada xeebah Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ay jiraan meydadka ku dhawaad 30 qof oo badda ku dhintay kuwaasi oo haween u badan,oo ay ku hayaan Dalkaasi.

Ilaa 400 oo tahriibayaal ah ayaa xeebaha dalka Liibiya waxaa ka soo bad baadiyay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Midowga Yrub,waxaana jira tahriibayaal badan oo la aaminsanyahay in weli badda ay  ku dhexjiraan

Inkastoo aanay jirin warbixin rasmi ah ee ku aadan dadka doonidaasi la socday ayaa hadana waxaa la hadal hayaa in dadka ugu badan ay ahaayeeen muwaadiniin u dhashey Dalka Nigeria, oo gaaraya 26 haween ah oo2kamid ah ay xaamilo ahaayeen.

Dadka ayaa saarnaa dooni Nuuca Balastikada ah,taasi oo siday dad gaaraya ilaa 150 qof oo muhaajiriin ah,waxaana muhaajiriinta qaar kood la mad baadiyay ay heleen ciidamda ilaalada xeebaha Midowga Yurub gaar ahaan markab laga lahaa Dalka Spain.

WARBIXIN:-Maxaa sabab u ah qaraxyada ku soo laa laabtay Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA)–Muqdisho (Af-Taliyaani: Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo ay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay seddax jiho, waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo ay taariikhyahanada isku khilaafeen in magaaladani la aas’aasay qarnigii 2-aad ama kii 3-aad ee taariikhda miilaadiga, waxayna Magaaladu ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziiradda Carabta iyo xeebta Afrikada bari, iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo ay deganaayeen qabaa’il, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxay lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhammaan xaafadahaasi, loogana tashan jiray arrimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga, waxayna magaalada Muqdisho isku bedeshay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Dadkii Soomaaliyeed ee u doortay in Caasimadda Soomaaliya ay noqoto Magaalada Muqdisho, waxay ahaayeen kuwa si weyn ugu fiirsaday waayo waxay isku heystaa Bad heer oo dhowr jaho ka marta, Webiga oo u jira ina ka yar 30km oo laba jaho ah, Xoolihii, beerihii oo iyana ka ag dhow,marka waxaa la dhihi karaa waa magaalo Istiraatiiji ah, waana ku mahadsanaayeen Dadkii noogu dooratay inay Magaalo madax u noqoto Dalkeena Soomaaliya.

Markii Xorriyadda ay Dadka Soomaaliyeed ka qaateen Gumeystihii ayaa waxaa la bilaabay in horumariyo Bilicda iyo Ammaanka Magaalada, waana lagu guuleystay, waayo waa tii sanadihii 70-tameeyadii dunidu u aqoonsatay Magaalada ugu quruxda iyo ammaanka badneyd Magaalooyinka qaaradda Afrika, guushaasi kuma iman laab-lakac iyo iska yeel yeel ee waxaa loo maray juhdi iyo howl badan oo ay galiyeen masuuliyiintii xilligaasi Dalka soo maray, yaase lahaa mudnaantaasi?, waxaa lahaa Dhalliyarada Soomaaliyeed oo u istaagtay dhismaha, horumarinta iyo fayo qabka Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo guntiga dhiisha isaga dhigay sidii ay Magaaladooda u horumarin lahaa.

Magaalada Muqdisho markii uu Dalku galay bur-burkii sanadkii 1991-kii, waxayna noqotay mid la burburta nidaamkii iyo kala dambeyntii Dalka ka jirtay, waxaa gaaray dhibaatooyin fara badan, korkeeda waa la isku diriray, meel walbana waa laga baaba’shay, iyadoo intaasi la daalaa dhacaysay ayaa hadana waxaa la kowsaday qaraxyo aan loo meel dayin, markii ay bilaabatay inay dib u dhis lagu sameeyo dhismyayaashii iyo Waddooyinkii Magaalada Muqdisho, islmarkaana lagu xiray Nalal Wadddooyinka, Dadku ay bilaabeen inay dhex mushaaxaan Magaalada.

Haddaba waxaa is weydiin leh aaway Dhallinyaradii u dhalatay Magaalada Muqdisho ee xilligaan?, maxayse mar walba loola beegsadaan Qaraxyada ay Dadka badani ku hoobtaan, dhismeyaal badana ugu dumaan, hanti badanna loo baabi’yaa?,arrintaasi waxaa si qiiro leh uga hadashay Wasiiradda Dhalliyarada iyo Ispoortiga ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna sheegtay in Qaraxyadu ku kooban yihiin Magaalada Muqdisho oo kaliya, waxayna tiri iyadoo la hadlaysay dhallinta Magaalada,” dhallinyarada Puntland, waa ka ilaashadeen Magaalooyinkooda Qaraxyada, kuwa Galmudug waa ka dhowreen Qaraxyo, kuwa Hirshbeelle la mid, kuwa Koonfur Galbeed waa ilaashadeen iyo kuwa Jubbaland, iyaguna waa ilaashadeen Magaaladooda, maxaa u diidan dhallinyarada Gobola Banaadir inay u kacaan nabadeynta iyo ilaalinta Magaaladooda?”.

Haddaba sida ay sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye, waa dhab oo dhallinyarada ku nool Gobolka Banaadir waa ka badan yihiin kuwa kuwa dhaqan Magaalooyinka kale ee Dalka ee maxaa u diiday inay difaacdaan Magaaladooda?, su’aashaasi ayaa hortaalla Da’yarta ku nool Caasimadda Dalka Soomaaliyeed mid kale ma ahan ee waa Magaalada Muqdisho, Murti-maal Soomaaliyeed ayaa ku heeshay MUQDISHO, MAGAALO MADAXDEENNA, MUQDISHO MAGAALO MADAXDEENNAA.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa isna sheegay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri, “Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay inay ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka aheyd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dhallinyary waa horseedka Bulshada, waa muujiyeen cududooda markii ay dhacday musiibadii 14-kii Oktoober ee ka dhacday Isgooska Zooppe, waa ay kaceen Dhallinta Muqdisho, waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan, islmarkaana ay dagaal adag la galaan Kooxda mar walba xasuuqa u geysata Ummadda ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxaana looga baahan yahay Xukuumadda Dhexe inay abaabusho dhallinta Gobolka Banaadir, si ay uga dhabeeyaan ballantooda ee ku aadan la dagaalanka kooxda Maleeshiyadda Al-shabaab, oo anan lagu sugun Magaalada inay mar kale qaraxyo ka geystaane meeshooda loogu tago, lagana ciribtiro inta ay kaga sugan yihiin Dalka Soomaaliya.

W.D.C/laahi Ruush

Munaasabad lagu xusayay Sanad Guurada 3-aad ee maamulka K/Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

0

Munaasabad loogu dabaal dagayo 3-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad Goboleedkaasi.

Munaasabadaas ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha bulshada.

Waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka koofur galbeed mudada 3-da sano ah ee maamulku shaqaynayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin talaabooyinka loo qaaday dhinaca maamul wanaagga ilaa la gaarsiiyo in degmooyinka qaar gole deegaan loo sameeyey iyo dhismaha xarumaha dawlad goboleedka.

Shariif Xasan Sh Aaden madaxwaynaha dawlad goboleedka koofur Galbeed oo munaasabaddas ka hadlay ayaa sheegay in maamulku qaadayo talaabioiyin lagu hormarinayo adegyada bulshada iyo amniga.

Wasiir Yuusuf Garaad”Waxaa na casuumay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka

0

Washington(SONNA) Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku faah faahiyaya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,shir ka dhacay Dalka Mareykanka kaasi oo u dhexeeya madaxda Africa iyo Mareykanka.

Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga.

Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka.  Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.

Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.

Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.

Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.

Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.

Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.

Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.

Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.

Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Bannaan baxyo ka dhacaya Dalka Zimbabwe

0

Iyadooweli madaxweyne Roberta Mogabe uu diidan yahay in uu xilka ka dego,ayaa hadana madaxda Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe,waxaaan ay ugu yeereen in uu xilka baneeyo.

Saraakiisha sar sare ee  Hoogamisa  xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi.

Balse Madaxwayne Robert Mugabe wuxuu doonayaa in uu xilkasi ssii hayo ilaa xisbiga uu ku yeelanayo shirka qara ee la filayo in bisha soo socota lagu qabtay Dalkaasi.

Banaan bax ballaaran oo ay taageerayaan militariga Zimbabwe iyo Saraakiisha xisbiga ZANU-PF ayaa lafilayaa in maanta uu ka dhoco magaalada Haraare ee Caasimadda Dalka Zimbabwe.

Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu shalay markii ugu horreysay tan iyo arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd.

Madaxweyne Mugaabe ayaa saran cadaadis xoogan oo dhankasta kaga imaanaya,kaasi oo ah in uu talada wareejiyo maadaama muddo 40 sano ah uu soo maamulayay dalkaasi,tan iyo 1988kii

Militariga Dalkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ay wada hadal kula jiraan balse ay soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda wadahadaladaasi.

Wasiir Yuusuf Garaad”Waxaa na casuumay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka

0

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku faah faahiyaya Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,shir ka dhacay Dalka Mareykanka kaasi oo u dhexeeya madaxda Africa iyo Mareykanka.

Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga.

Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka.  Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.

Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.

Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.

Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.

Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.

Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.

Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.

Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.

Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

WARBIXIN:-Maxay Muqdisho kaliya Qaraxyada uga dhacaan?

0

Muqdisho (Af-Taliyaani: Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo ay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay seddax jiho, waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo ay taariikhyahanada isku khilaafeen in magaaladani la aas’aasay qarnigii 2-aad ama kii 3-aad ee taariikhda miilaadiga, waxayna Magaaladu ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziiradda Carabta iyo xeebta Afrikada bari, iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo ay deganaayeen qabaa’il, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxay lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhammaan xaafadahaasi, loogana tashan jiray arrimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga, waxayna magaalada Muqdisho isku bedeshay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Dadkii Soomaaliyeed ee u doortay in Caasimadda Soomaaliya ay noqoto Magaalada Muqdisho, waxay ahaayeen kuwa si weyn ugu fiirsaday waayo waxay isku heystaa Bad heer oo dhowr jaho ka marta, Webiga oo u jira ina ka yar 30km oo laba jaho ah, Xoolihii, beerihii oo iyana ka ag dhow,marka waxaa la dhihi karaa waa magaalo Istiraatiiji ah, waana ku mahadsanaayeen Dadkii noogu dooratay inay Magaalo madax u noqoto Dalkeena Soomaaliya.

Markii Xorriyadda ay Dadka Soomaaliyeed ka qaateen Gumeystihii ayaa waxaa la bilaabay in horumariyo Bilicda iyo Ammaanka Magaalada, waana lagu guuleystay, waayo waa tii sanadihii 70-tameeyadii dunidu u aqoonsatay Magaalada ugu quruxda iyo ammaanka badneyd Magaalooyinka qaaradda Afrika, guushaasi kuma iman laab-lakac iyo iska yeel yeel ee waxaa loo maray juhdi iyo howl badan oo ay galiyeen masuuliyiintii xilligaasi Dalka soo maray, yaase lahaa mudnaantaasi?, waxaa lahaa Dhalliyarada Soomaaliyeed oo u istaagtay dhismaha, horumarinta iyo fayo qabka Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo guntiga dhiisha isaga dhigay sidii ay Magaaladooda u horumarin lahaa.

Magaalada Muqdisho markii uu Dalku galay bur-burkii sanadkii 1991-kii, waxayna noqotay mid la burburta nidaamkii iyo kala dambeyntii Dalka ka jirtay, waxaa gaaray dhibaatooyin fara badan, korkeeda waa la isku diriray, meel walbana waa laga baaba’shay, iyadoo intaasi la daalaa dhacaysay ayaa hadana waxaa la kowsaday qaraxyo aan loo meel dayin, markii ay bilaabatay inay dib u dhis lagu sameeyo dhismyayaashii iyo Waddooyinkii Magaalada Muqdisho, islmarkaana lagu xiray Nalal Wadddooyinka, Dadku ay bilaabeen inay dhex mushaaxaan Magaalada.

Haddaba waxaa is weydiin leh aaway Dhallinyaradii u dhalatay Magaalada Muqdisho ee xilligaan?, maxayse mar walba loola beegsadaan Qaraxyada ay Dadka badani ku hoobtaan, dhismeyaal badana ugu dumaan, hanti badanna loo baabi’yaa?,arrintaasi waxaa si qiiro leh uga hadashay Wasiiradda Dhalliyarada iyo Ispoortiga ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna sheegtay in Qaraxyadu ku kooban yihiin Magaalada Muqdisho oo kaliya, waxayna tiri iyadoo la hadlaysay dhallinta Magaalada,” dhallinyarada Puntland, waa ka ilaashadeen Magaalooyinkooda Qaraxyada, kuwa Galmudug waa ka dhowreen Qaraxyo, kuwa Hirshbeelle la mid, kuwa Koonfur Galbeed waa ilaashadeen iyo kuwa Jubbaland, iyaguna waa ilaashadeen Magaaladooda, maxaa u diidan dhallinyarada Gobola Banaadir inay u kacaan nabadeynta iyo ilaalinta Magaaladooda?”.

Haddaba sida ay sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye, waa dhab oo dhallinyarada ku nool Gobolka Banaadir waa ka badan yihiin kuwa kuwa dhaqan Magaalooyinka kale ee Dalka ee maxaa u diiday inay difaacdaan Magaaladooda?, su’aashaasi ayaa hortaalla Da’yarta ku nool Caasimadda Dalka Soomaaliyeed mid kale ma ahan ee waa Magaalada Muqdisho, Murti-maal Soomaaliyeed ayaa ku heeshay MUQDISHO, MAGAALO MADAXDEENNA, MUQDISHO MAGAALO MADAXDEENNAA.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa isna sheegay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri, “Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay inay ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka aheyd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dhallinyary waa horseedka Bulshada, waa muujiyeen cududooda markii ay dhacday musiibadii 14-kii Oktoober ee ka dhacday Isgooska Zooppe, waa ay kaceen Dhallinta Muqdisho, waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan, islmarkaana ay dagaal adag la galaan Kooxda mar walba xasuuqa u geysata Ummadda ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxaana looga baahan yahay Xukuumadda Dhexe inay abaabusho dhallinta Gobolka Banaadir, si ay uga dhabeeyaan ballantooda ee ku aadan la dagaalanka kooxda Maleeshiyadda Al-shabaab, oo anan lagu sugun Magaalada inay mar kale qaraxyo ka geystaane meeshooda loogu tago, lagana ciribtiro inta ay kaga sugan yihiin Dalka Soomaaliya.

W.D.C/laahi Ruush

Shariif Xasan”Waxaan ku guuleysanay in heer doorashada Gole deegaan aan gaarsino

0

Baydhabo(SONNA) Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu xusayay sand guuradii 3-aad ee ka soo wareegatay markii la unkay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa ka qayb galay madaxwaynaha  Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya,Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Mudadii ay socotay munaasabadasi ayaa Waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Maamulka Koonfur Galbeed mudada 3-da sano ah ee maamulku shaqaynayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin talaabooyinka loo qaaday dhinaca maamul wanaagga ilaa la gaarsiiyo in degmooyinka qaar gole deegaan loo sameeyey iyo dhismaha xarumaha dawlad goboleedka.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aaden ayaa sheegay in maamulkiisu qaadayo talaabioiyin lagu hormarinayo adegyada bulshada iyo amniga,isagoo ugu baaqay bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan maamulkaasi.

Dhamaan madaxdii ka qeybgalay munaasabadaasi ayaa ku ammaanay maamulka Koonfur Galbeed dadaalada horumarineed ee uu wado,iyadoo sidoo akle loogu baaqay in la sii xoojiyo howlaha u adeegista bulshada iyo ka qeybgalka talada mamaulka.

Bannaan baxyo ka dhacaya Zimbabwe

0

Zimbabwe(SONNA) Iyadooweli madaxweyne Roberta Mogabe uu diidan yahay in uu xilka ka dego,ayaa hadana madaxda Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe,waxaaan ay ugu yeereen in uu xilka baneeyo.