Home Blog Page 1354

Madaxweyne Xaaf oo casuumay qaar ka mid ah Dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyada Caalamka

0

Waxaa Maanta xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug Konton ka mid ah Dhallinyaradii dhawaan laga soo daayay xabsiyada Dalka Hindiya

Xafladdan oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada maamulkaasi ayaa waxaa ka hadlay C/naasir Cabdulle Aadan, oo ka mid ahaa Dhallinyaradii lasoo daayay, wuxuuna ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay ku mutaysteen Xabsiga, wuxuuna xusay inay Dawladnimadu tahay wax qiimo wayn ku fadhiya, isagoo sheegay in muwaaddinka markii ay dhibaato soo gaadho cidda keliya ee wax u qaban karta inay tahay Dowladdiisa.

Xildhibaan Salaad Ceynte ayaa waxa uu sheegay inay Maanta xor yihiin, soo deyntoodana lagu bixiyay  waqti iyo Dadaal Xoogan, sidaa darteedna loo baahan yahay inay barbar istaagaan Dowladnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Siciid Siyaad Shirwac ayaa Dhallinyaradan loo daayay xusuusiyay in laga rabo inay ilaashadaan Maamulka kana hortagaan wixii caqabado ku ah.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”ayaa waxa uu ballan qaaday in loo abuuri doono Dhallinyaradan fursado shaqo, loona baahan yahay inay is uruursadaan si ay u noqdaan Dad wax qabsada oo Dalkooda iyo Naftooda wax u tara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan u gashay sidii Dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa Maxaabiista ku jirta qaar ka mid ah Xabsiyada Waddamada Caalamka, kuwaasoo u xirnaa Burcad badeednimo iyo Tahriib.

Wasiir Cawad” Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeenna”

0

Wasriirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane; Axmed Ciise Cawed, ayaa sheegay inuu ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area] uu fursad weyn u yahay Soomaaliya.

Abb; Cawed oo ka hadlayay shir madaxeedka Tobanaad ee Hoggaamiyeyaasha Afrika ee Shalay ka qabsoomay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda ayaa intaa ku daray in Afrika laga doonayo inay ka dhabayso hindisaheeda,iyadoo lagu bixinayo dadaal mug leh si loo gaaro horumar wadaag ah, laguna xisaabtamo inay Dunida Maanta si xowli ah isu beddelayso.

Wasiir Cawad oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Dalka Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay inay codkeeda ku biiriso taageeridda heshiiskan Taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee Waddamada Afrika, si isbaddal loogu sameeyo dhaqaalaha Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in wax wadaagiddu ay fursado waaweyn siinayso shacabkeenna, isla markaana ay ku dedaalayaan ka jibba-gaadhidda filshada dhaqaale ee Dalka, ayna Afrika wadajir u gaari karto koboc dhaqaale.

Ganacsiga xorta ah ayuu sheegay inuu yahay tallaabbo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa, si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah,isagoo miraha heshiiskan ku tilmaamay muqstaqbalka Dhallinyaradeenna iyo jiilka soo koraya, wuxuuna sheegay inuu yahay heshiiska mid xoojinaya wadajirka, madaxbannaanida, xaqiijinta karaamada iyo adkaynta nidaamka Dowliga ah ee Soomaaliya.

“Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika waa tallaabo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, miraha heshiiskanna waa mustaqbalka dhalinyaradeenna iyo jiilka soo baxaya, waxaa intaasi oo dhan ka sii muhiimsan wuxuu xoojinayaa wadajirkeena, wuxuu dhowrayaa madax bannaanideena, wuxuu xaqiijinayaa karaamadeena iyo waxa uu sare yeelayaa heerka aan ka joogno nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in waddooyin cusub loo marayo sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Qaaradda, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inay qabtaan ka Qaarad ahaan iyo Soomaaliyaba, isagoo intaa raaciyay inay dirayaan farriin Qaaradeed oo culus, si ay ugu soo dhalaalaan aaya ka talintooda iyo xoojinta ka dhabaynta astaanta ku suntan Qaaradda barwaaqada ah.

Amb; Cawad ayaa ku cel-celiyay inay Soomaaliya ballan qaadayso inay is barbar taagto oo la shaqayso Ururka Midowga Afrika, si loo sugo meelmarinta heshiiskan iyo fulintiisa, taasoo uu ku tilmaamay inay faa’iido gaar ah u leedahay Dadkeenna iyo jiilalka soo korayaba.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu dambayntii kalsooni buuxda ka muujiyay in heshiiskani uu yahay midkii u saldhigay mustaqbal barwaaqeysan oo ay Qaaraddeenna yeelato iyo marxalad cusub oo iskaashi iyo horumar dhaqan-dhaqaale ah oo ay yeeshaan Dowladaheenna iyo shucuubteenna.

Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika oo laga shirayo.

0

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi ka furmo shir ay isugu imanayaan Wasiirrada arrimaha dibedda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo looga hadli doono xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari donaa sidii wax loogu qaban lahaa Hal Milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool geeska Afrika, gaar ahaan Xeryaha Kenya.

Bayaan kasoo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in shirka Maanta ka furmaya Magaalada Nairobi laga soo saari doono qorsha cad oo wax loogu qabanayo Qaxootiga Soomaaliyeed iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Soomaaliya oo casuumaado rasmi ah u fidisay qaar kamid ah Madaxweynayaasha Wadamada Afrika

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda H.E. Mr. Paul Kagame, Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti H.E. Mr. Ismail Omar Guelleh, Sudan H.E. Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon H.E. Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.

H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.

Horjoogihii Alshabaab ee G/Baay oo sheegay isaga iyo dhiggiisa Gedo inay isaga baxeen Kooxdaasi.

0

Horjoogihii Kooxda Alshabaab ee Gobolka Baay Macalin Geedoow Aadan Abuukar ayaa sheegay inay Alshabaab ay isaga baxeen isaga iyo dhigiisii Alshabaab ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow.

Macalin Geedoow oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay isku fahmi waayeen Alshabaab joojinta dhibka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Horjooge Geedoow ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inay Alshabaab isaga soo baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama kooxdaasi ,islamarkaana waxuu sheegay hadda in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Geedoow ayaa ku tilmaamay kooxdii uu kamid ahaan jiray ee argagixisada Alshabaab inay yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Uga dambeyn waxaa uu sheegay inay heystaan isaga iyo Horjoogihii Alshabaab ee Gobolka Gedo Fiiloow ciidan xooggan oo Alshabaab ay isaga difaacaan, isagoo intaa ku daray in Alshabaab ay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafka kala dhaxeeya Argagixisada Alshabaab.

AU Mission’s Deputy Force Commander roots for stronger intelligence gathering and information sharing modalities in Somalia

0

Mogadishu, 21 March 2018 – The third intelligence and information sharing conference, aimed at forging closer working ties between various intelligence actors in Somalia, concluded in the capital Mogadishu today, after three days of deliberations.

The Deputy Force Commander of the AU Mission in Somalia, Maj-Gen Charles Tai Gituai called for more efficient intelligence sharing modalities among the actors, in order to maximize results, during the opening of the conference on Monday.

“Intelligence must be collected and used in a way that ensures operational efficiency without threatening the legitimacy and impartiality necessary for the peace mission to carry out its work effectively,” he said in his opening remarks.

The conference explored access to non-traditional information sources, discussed enhancement of intelligence sharing and dissemination, and emerging threats from terror group Al-Shabaab, even as the militants find themselves extremely weakened from the onslaught from the Federal Government, AU and partner forces.

“Intelligence is fundamentally important to a peace mission, to give decision makers multi-dimensional situational awareness through coordinated analysis of information, by the different components of a mission”, Maj-Gen Gituai told participants, who included intelligence officers drawn from AMISOM’s sectors, Somali security forces and key international security partners.

He stressed the importance of “effective processes and structures”, that would ensure information gathered is shared and stored securely, for the benefit of all stakeholders.

The Deputy Force Commander cautioned participants on over-reliance on the sheer quantity of information, arguing that information overload may sometimes undermine accurate interpretation of data. “The situation we are in now, is that the question is no longer whether intelligence should be shared, but rather how, when, and to what effect.”

“Part of the primary emphasis of intelligence/information sharing is to facilitate, identify, deter and respond to emerging terrorism-related threats and risks in a more streamlined system of which also benefits the agencies, in theatre, and local entities in supporting ongoing efforts to address security and threats,” he said.

The Director of Operations of the Somali National Army, Gen. Mohamed Sheikh Madobe and AMISOM’s Chief Military Intelligence Officer Col. Naboth Mwesigwa officiated the closing of the three-day forum.

“Mainly it was about coordination, information sharing, re-tasking, identifying our main objective, our goal and to harmonize gaps that were identified, so that we can get solutions to achieve our main goals,” stated Col. Mwesigwa.

The conference was held with the support of the United Kingdom Mission Support Team (UKMST), and aimed at improving the mechanisms and coordination of information sharing among diverse groups, with emphasis on intelligence sharing, which has been vital in preventing terror attacks in the Horn of Africa country in the past.

Gudoomiye Yariisoow oo kulan la qaatay Safiirka Dowlada Masar

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mowliid Ismaaciil iyo madax ka socotay Bangiyada dalkaas oo Soomaaliya u soo gaaray sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Duqa Muqdisho iyo wafdi ka socday dalka Masar ayaa kulankooda diiradda ku saaray goobaha Caasimadda ee u baahan in maalgashi lagu sameeyo, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro shaqo.

Guddoomiyuhu waxuu uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, iyo sida ay diyaar ugu yihiin xoojinta xiriirkaas. Isagoo xusay muhiimadda ay dalka u leedahay in maalgashi lagu sameeyo, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee soo kabanaysa.

“Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda, waxaan isla soo qaadnay meelaha u baahan maalgashiga, si fursadaha ka dhasha maalgashigaas ay shaqooyin ugu abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha dalka Masar Soomaaliya u fadhiya Mowliid Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, maadaama ay labada dal leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo furay wadooyin mudo xirnaay

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

“Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.

Ciidamada Xoogga Dalka ee Buur-dhuubo oo Jab xooggan gaarsiiyay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

0

 Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Degmada Buur-dhuubo ayaa dharbaaxa kulul u geystay Malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo weerar Naf la caarinimo ah ku soo qaaday Saldhigga Ciidanka Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Degmada Xasan Maxamuud Cali, ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay halkaasi cadawga kaga dileen Shan xubnood, tiro intaa ka badanna ay ugu dhaawaceen, iyagoo ka fursay Hub iyo Saanad Ciidan.

Mr; Xasan ayaa sidoo kale sheegay inaysan dhankooda wax qasaara ah kasoo gaarin ,kuna sii raad joogaan firxadkii kooxda nabad diidka ah, wuxuuna xusay inay qaar ka mid ah Raggii kaga dhinta weerarkii ay soo qaadeen ay ku aasteen degaanno ka fog Buur-dhuubo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba sameeyaan howl-gallo joogto ah oo lagu ugaarsanaya kooxaha nabad diidka iyo Dadka xiriirka la leh, iyagoo kaashanaya Shacabka ku nool Degmada Buur-dhuubo iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiira arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay qiimaha weyn ee ay ummadaha Afrika ugu fadhido inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa  kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.