Home Blog Page 1354

Akhriso: Ajendayaasha kulanka Golaha SHacabka

0

Muqdisho(SONNA) Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamuuriyadda Soomaaliya oo ay horyaalaan Ajandayaal muhiim ah ayaa maanta yeelanaya kulankoodi caadiga ahaa,kaasi oo isugu jira ansixin iyo kahrint Hindise Sharciyeedyo.

Warar ay Wakaaladda SONNA ka heleyso xafiiska guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegayaa in Ajandaha xildhibaanada maanta uu yahay sida tan.

1:Ansixinta Soojeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018

2:Akhrinta1-aad hindise Sharciyeedka ladagaalanka Arggagixisada

3:Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay horgeynsay xuldhibaanada Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 si loo ansixiyo,taasi oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo howlaha Dowladda.

Wixii ku soo kordha kala soco SONNA

Xukuumadda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Somaliland

0

Muqdisho (SONNA) Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hambalyo u dirtay Madaxda cusub ee Maamulka Somaliland ee ku guuleystay doorashadii ka dhacday deegaanada maamulkaasi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar” oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah ku tilaabsadeen Somaliland.

“Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa Somaliland iyo Madaxda Cusub oo ay doorteen waxaa ay muujiyeen dadka Somaliland dareen aad u wanaagsan kaas ayaana ah kan hormar kasta lagu gaari karo, Madaxda Xisbiyadda ayaa iyana dhankooda muujiyay dulqaad aad u wanaagsan”.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed waxa uu sheegay in looga baahan yahay Hogaanka Cusub ee Somaliland inay dar-dar galiyaan Wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Doorashadii ka dhacday Deegaanadda kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye kaas oo hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu taladda Maamulka Soomaaliland heyn doona Shanta Sano ee soo socota.

in kabadan 20 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Ciraaq

0

Ciraaq(SONNA) Waqooyiga Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq ayaa waxaa ku dhimatay  Ugu yaraan 23 iyo lixdan kale oo la dhaawacay kadib markii halkaasi lagu qarxiyaya gaari ku rarnaa waxyaabaha qarxa.

Laamaha Amaanka dalka Ciraaq ayaa sheegayaa in Qaraxu uu ka dhacay  suuq  aad u mashquul badan kaasi oo kuyaala bartamaha magaalada Tuz Khurmatu oo qayaas ahaantii 160 KM dhanka Waqooyi kaga aadan magaalada Baqdaad.

Waxaa isbitaalada la dhigay dad aad u farabadan kuwaasi oo dhaawacyo kaladuwan uu ka soo gaarey qaraxaasi oo lala beegsaday suuq aad u mashquul badan

Majiro ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi,balse inta badan waxaa halkaasi weerarada bartilmaameedka ah ka fuliya koxda Daacish.

Xaydar Al-Cabaadi Raiisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in uu ay dhow dahay waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Daacish,kadib markii deegaanadii ugu dambeeyey ay qabsadeen ciidamada Ciraaqiyiinta.

 

Magaalada Baydhabo oo ka socota qaban qaababo lagu soo dhaweynaya R’iisul Wasaare Khayre

0

Wafdig uu hoggaaminayo Raiisul Wasaarah Soomaaliya ayaa lagu wdaa in uu maanta gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay halkaasi oo ay ka socoto qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiisul Wasare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi

Waxaa magaalada Baydhabo ka soconaysaa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo halkaasi uu ku tagayo.

Ammaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeyeey waxaana l arkayaa ciidamo aad u farabadan oo howlgalo ka sameynyaa gudaha iyo daafaha magaaladaasi Baydhabo.

Raiisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore waxaa uu tagay degmada Baraawe ee  gobolka SHabeelada Hoose,halkaasi oo uu ka dhagax dhigay dhismaha Garoon diyaaradeed oo halkaasi laga hirgelinayo.

Ajendayaasha kulanka Golaha Shacabka ee Kulankooda Maanta

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamuuriyadda Soomaaliya oo ay horyaalaan Ajandayaal muhiim ah ayaa maanta leh kulankoodi caadiga ahaa,kaasi oo isugu jira ansixin iyo akhrinta Hindise Sharciyeedyo.

Warar ay Warbaahinta Qaranka ka heleyso xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Ajandaha xildhibaanada maanta uu yahay sida tan.

1:Ansixinta Soojeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018

2:Akhrinta1-aad hindise Sharciyeedka la dagaalanka Arggagixisada

3:Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay horgeynsay xildhibaanada Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 si loo ansixiyo,taasi oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo howlaha Dowladda.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland.

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hanbalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland kuwaas oo ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Deegaanadda kala duwan ee Maamulka Somaliland.

Reysul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar” oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah ku tilaabsadeen Soomaaliland.

“Waxaan halkan Hanbalyo uga dirayaa Soomaaliland iyo Madaxda Cusub oo ay doorteen waxaa ay muujiyeen dadka Soomaaliland dareen aad u wanaagsan kaas ayaana ah kan hormarkasta lagu gaari karo, Madaxda Xisbiyadda ayaa iyana dhankooda muujiyey dulqaad aad u wanaagsan”.

Dhanka kale Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Hogaanka Cusub ee Somaliland inay dar-dar galiyaan Wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

“Waxaan hubaa in Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi aqoon badan u leeyahay Soomaaliya dhexdeeda waxaana rejeynayaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan dib ugu bilowdaan wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kuwaas ayaana wax badan lagu xalin doonaa”

Doorashada ka dhacday Deegaaanadda kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye kaas oo uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu taladda Maamulka Soomaaliland heyn doona Shanta Sano ee soo socoto.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay dib-u-eegista Dastuurka

0

Muqdisho(SONNA)–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay dib-u-eegista Dastuurka

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

Wasiir Yariisoow ” ku dhawaad boqol dagaalyahano ah ayaa lagu dilay Diinsoor”

0

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo  lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.

Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay  wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga  imaan jiray  ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan  oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

-DHAMMAAD-