Madaxweyne Xaaf oo casuumay qaar ka mid ah Dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyada Caalamka

Date:

Waxaa Maanta xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug Konton ka mid ah Dhallinyaradii dhawaan laga soo daayay xabsiyada Dalka Hindiya

Xafladdan oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada maamulkaasi ayaa waxaa ka hadlay C/naasir Cabdulle Aadan, oo ka mid ahaa Dhallinyaradii lasoo daayay, wuxuuna ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay ku mutaysteen Xabsiga, wuxuuna xusay inay Dawladnimadu tahay wax qiimo wayn ku fadhiya, isagoo sheegay in muwaaddinka markii ay dhibaato soo gaadho cidda keliya ee wax u qaban karta inay tahay Dowladdiisa.

Xildhibaan Salaad Ceynte ayaa waxa uu sheegay inay Maanta xor yihiin, soo deyntoodana lagu bixiyay  waqti iyo Dadaal Xoogan, sidaa darteedna loo baahan yahay inay barbar istaagaan Dowladnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Siciid Siyaad Shirwac ayaa Dhallinyaradan loo daayay xusuusiyay in laga rabo inay ilaashadaan Maamulka kana hortagaan wixii caqabado ku ah.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”ayaa waxa uu ballan qaaday in loo abuuri doono Dhallinyaradan fursado shaqo, loona baahan yahay inay is uruursadaan si ay u noqdaan Dad wax qabsada oo Dalkooda iyo Naftooda wax u tara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan u gashay sidii Dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa Maxaabiista ku jirta qaar ka mid ah Xabsiyada Waddamada Caalamka, kuwaasoo u xirnaa Burcad badeednimo iyo Tahriib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...