Home Blog Page 1355

Wasiir Yariisoow ” ku dhawaad boqol dagaalyahano ah ayaa lagu dilay Diinsoor”

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo  lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.

Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay  wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga  imaan jiray  ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan  oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.

Wasiir ku xiggeenka Maaliyadda Soomaaliya oo G/mudug ka dhagax dhigay dhismayaal addeegyada bulshada loogu talo galay “Sawirro”

0

 

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xiggeenka wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane C/llaahi sheekh Cali Qaloocoow Iyo wasiiru dowlaha wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee Galmudug, Cumar Maxamed Diiriye oo ay wehliyeen masuuliyiinta maamulka Gobolka mudug,  ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta maamulka deegaanka Bandiiradleey iyo xarunta garsoorka deegaankaasi.

Wasii C/llaahi, ayaa sheegay in mashruucaan laga hirgalinayo deegaanka Bandiiradleey uu qeyb ka yahay mashaariic ay wado dowladda federaalka Soomaaliya oo qaarkood laga hirgaliayay deegaano fara badan oo ka tirsan dalka, sidoo kalana laga bilaabi doono kuwa kale oo aan lahayn xarumaha adeegyada bulshada.

Wasiir ku xiggeenka Wasaarada Maaliyada dowladda Soomaaliya, ayaa xusay  inay ka muuqato deegaanka bandiiradleey horumar xowli ku socda, isagoo  ka dhawaajiyay in labaatan sano ka hor ay ugu danbeysay, balse ay aheyd meel cidlo ah, maantana isku tashiga bulshada reer Bandiiradleey uu gaarsiiyay in magaalada ay noqato mid la tar tami karta deegaanada waa weeyn ee dalka.

 

Robert Mogabe oo iscasilay

0

Zimbabwe(SONNA) Madaxweynihii dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo 37 sano ahaa hogaaminayay wadankaas ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay.

Is casilaada Mugabe ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga talada haya uu ka codsaday inuu is casilo waqtina u qabtay.

Waqtigii loo qabtay oo dhamaatay isla markaana uu gudiga fulinta xisbiga uu bilaabay inuu go’aan ka qaato ayuu Mugabe u gudbiyay qoraal uu isku casilay.

Dadaalo iyo wada hadalo ka dib Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

Afhayeen Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan “Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda…taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa”.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe

Muuse Biixi Cabdi oo bedelaya Madaxweyne Siilaanyo

0

Soomaaliland(SONNA) Waxaa si rasmi ah goor dhow loogu dhawaaqey natiijada doorashadii Soomaaliland iyadoo uu ku guuleystay Muuse Biixi oo loo doortay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland oo ahaa Musharaxiii madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye,kadib  doorashadii Somaliland ka dhacday 13 November ee sanadkan.

Waxaa uu xisbiga Kulmiye Doorashadaasi ka helay Saddex Boqol oo kun, shan kun, sagaal Boqol iyo Sagaal codadkii la tiriyay 300,5909 oo doorashada ka noqonaysa 55.59% sida uu shaaciyaya guddiga doorashooyinka.

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa isna Helay Laba boqol oo kun, lix iyo labaatan kun iyo laba iyo sagaashan cod 200, 26092,taasi oo u dhigmaysaa tiro dhan 40.75% doorashadii Soomaaliland ka dhacday

Sidoo kale waxaa isna loolan adag kujiray Xisbiga UCID kaasi oo isna  helay saddex iyo labaatan, boqol iyo kow iyo afartan 23141)4.17% taasi oo ah tiro ka yer marka loo fiiriyo labada xisbi ee kale.

Hay’adaha ammaanka ayaa ciidamo aad u farabadan daadiyaay kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka hortagaan suurogalnimada in halkaasi ay ka dhacaan bannaan baxyo rabshado wata taasi oo laga cabsi qabo in ay dhigaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani.

Tani ayaa soo afjaraysa hadal hayn iyo rajo qofkasta uu u qabay in uu isaga ku guuleysto xisbigiisa siyaasadeed,Muuse Biixi waxaa uu bedeli doonaa Axmed MAxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweyne Farmaajo oo booqday Taallada Shuhaddada Ciidamada Imaaraadka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taallada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweynuhu halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taallada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taalladaasi uu Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada geesiyaasha ah ee dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabra.

Daawo: Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda oo ka warbixiyay Safarkii Madaxweynaha

0

Muqdisho(SONNA):–Wasiiru Dowlahada Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa ka warbixiyay Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku joogo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, iyadoo ay ka wada hadleen Amniga, Ganacsiga, Maalgashiga, Hormarinta iyo la dagaalanka kooxda argagaxisada, wuxuuna wasiiru dowlada intaas ku daray in kulanka labada masuul uu ahaa mid dhaxalgal.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRU DOWLAHA

Madaxweynaha Soomaliya oo booqday Taalada Shuhadada Ciidamada Imaaraadka+Sawirro

0

Abudhabi –(SONNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,wuxuuna Madaxweynuhu halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taaladaasi uu Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada geesiyaasha ah ee dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabra.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Lacag ku wareejisay Guddiga Gurmadka qaraxii Soobe

0

Muqdisho (SONNA) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta Guddiga Gurmadka qaraxii Soobe ku wareejisay lacag dhan Toban Kun oo doolarka Mareykanka ah (10,000$) oo ay iska aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda.

Ku simaha Agaasimaha Guud Mudane C/laahi Xaaji Bashiir ayaa guddiga ku wareejiyay lacagtaan ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda isla markaana loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii 14 October ka dhacay Soobe.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo Prof. Shirwac oo ka tirsan guddiga gurmadka ayaa guddoomay lacagta waxayna alle uga baryeen shaqaalaha iyo madaxda HSJ in uu ajar ka siiyo tabaruca ay u sameeyeen walaalahood ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii Soobe iyaguna ay si wanaagsan u gaarsiin doonaan dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Wasiirka Bey’ada iyo Hormarinta Hirshabeelle oo Booqday deegaano uu saameeyay Fatahaada wabiga Shabeelle

0

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Bey’ada iyo Hormarinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Kariin Nuur ayaa booqday deegaano uu saameeyay Fatahaada wabiga Shabeelle, iyagoo shacabka kaashanayana waxay sameeyeen biyo xireeno ay dadka deegaanka iskaaga moosaan fatahaada uu wabiga sameeyay.

Wasiirka ayaa u balanqaaday dadka Beeraleyda ah ee ku nool deeganadaasi in Maamulka Hirshabeelle uu wax badan ka qaban doono fatahaadaha uu sameeyo wabiga Shabeelle, isagoo sheegay in arintaasi kala hadli doonaan Hay’adda FAO oo Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha si ay kaga caawiso ka hortaga saameynta Fatahaada.

Wabiga Shabeelle ayaa dhawaan fatahaado ku sameeyay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe, wuxuuna saameyn xoogan ku yeeshay dadka beeraleyda ah ee ku nool gobolkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in dhowaan Baarlamaanka la horgeyn doono Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatey horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah. Si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa ama dhiiragelineysa. Dhawaan waxaa baarlamaanka horgeyn doonnaa Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yiri R/Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

–DHAMMAAD–