Horjoogihii Alshabaab ee G/Baay oo sheegay isaga iyo dhiggiisa Gedo inay isaga baxeen Kooxdaasi.

Date:

Horjoogihii Kooxda Alshabaab ee Gobolka Baay Macalin Geedoow Aadan Abuukar ayaa sheegay inay Alshabaab ay isaga baxeen isaga iyo dhigiisii Alshabaab ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow.

Macalin Geedoow oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay isku fahmi waayeen Alshabaab joojinta dhibka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Horjooge Geedoow ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inay Alshabaab isaga soo baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama kooxdaasi ,islamarkaana waxuu sheegay hadda in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Geedoow ayaa ku tilmaamay kooxdii uu kamid ahaan jiray ee argagixisada Alshabaab inay yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Uga dambeyn waxaa uu sheegay inay heystaan isaga iyo Horjoogihii Alshabaab ee Gobolka Gedo Fiiloow ciidan xooggan oo Alshabaab ay isaga difaacaan, isagoo intaa ku daray in Alshabaab ay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafka kala dhaxeeya Argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...