Ciidamada Xoogga Dalka ee Buur-dhuubo oo Jab xooggan gaarsiiyay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Date:

 Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Degmada Buur-dhuubo ayaa dharbaaxa kulul u geystay Malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo weerar Naf la caarinimo ah ku soo qaaday Saldhigga Ciidanka Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Degmada Xasan Maxamuud Cali, ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay halkaasi cadawga kaga dileen Shan xubnood, tiro intaa ka badanna ay ugu dhaawaceen, iyagoo ka fursay Hub iyo Saanad Ciidan.

Mr; Xasan ayaa sidoo kale sheegay inaysan dhankooda wax qasaara ah kasoo gaarin ,kuna sii raad joogaan firxadkii kooxda nabad diidka ah, wuxuuna xusay inay qaar ka mid ah Raggii kaga dhinta weerarkii ay soo qaadeen ay ku aasteen degaanno ka fog Buur-dhuubo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba sameeyaan howl-gallo joogto ah oo lagu ugaarsanaya kooxaha nabad diidka iyo Dadka xiriirka la leh, iyagoo kaashanaya Shacabka ku nool Degmada Buur-dhuubo iyo nawaaxigeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulamay madax ka socotay Dowladdaha Kuwait Emaraatka iyo Mauritania

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah Aqalka Dowladda Hoose ugu sameeyay mid kamid ah dhallinyarada hal abuurka leh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...