Gudoomiye Yariisoow oo kulan la qaatay Safiirka Dowlada Masar

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mowliid Ismaaciil iyo madax ka socotay Bangiyada dalkaas oo Soomaaliya u soo gaaray sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Duqa Muqdisho iyo wafdi ka socday dalka Masar ayaa kulankooda diiradda ku saaray goobaha Caasimadda ee u baahan in maalgashi lagu sameeyo, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro shaqo.

Guddoomiyuhu waxuu uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, iyo sida ay diyaar ugu yihiin xoojinta xiriirkaas. Isagoo xusay muhiimadda ay dalka u leedahay in maalgashi lagu sameeyo, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee soo kabanaysa.

“Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda, waxaan isla soo qaadnay meelaha u baahan maalgashiga, si fursadaha ka dhasha maalgashigaas ay shaqooyin ugu abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha dalka Masar Soomaaliya u fadhiya Mowliid Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, maadaama ay labada dal leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...