Soomaalida ku xir-xiran xabsiyada Maraykanka oo xaaladdooda laga soo deyrinaya

Date:

Waxaa xaaladdooda guud laga soo dayrinayaa 60 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xir-xiran Xabsiyo ku yaalla Gobolka Taxes ee Dalka Maraykanka.

Qareen dhanka socdaalka ah oo lagu Magacaabo Jonathan Ryan, oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dacwadaha 80 Qof oo Afrikaan ah oo intooda badani ay yihiin Soomaali.

Dadkan oo isugu jira kuwo laga qab-qabtay gudaha Dalka Maraykanka iyo qaar dhawaan laga soo celiyay Dalka Senegaal ayuu sheegay inay ku nool yihiin xaalado xun, isla markaana tacaddiyo loogu geysto Xabsiyada dhexdooda.

Qareen Jonathan Ryan, ayaa sheegay in ilaalada Xabsiyadu ay Dadkaasi kula kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha, sida Jir dil, garaacis, Af legaaddo iyo gabbood fallo kale.

“Intii Dadkani lagu hayay xarumahan waxaa la marsiiyay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, oo isugu jira Gacan ka hadal, jebin iyo xad gudubyo kale, waxaa kaloo loo geystay cadaadis ah inaan loo oggolaanin isticmaalka Musqulaha, waxaa loo diiday iney isticmaalaan Dawo, qaarkoodna waxaa la geliyay Qolal Masas leh, waxaa kalooy ku sameeyeen cabsi gelin Hub loo adeegsaday, ayuu yiri Qareenku.

Qareenka ayaa sheegay  in Lixdankan Qof ee Soomaalida ah ay isugu jiraan kuwiii horay loogu qaadi jiray Soomaaliya ee Afrika laga soo celiyay iyo kuwo dhawaan la qabtay, waxaana dhowr jeer Dadkani lagu wareejiyay xabsiyo kala duwan, iyadoo ay Dadkani halkaasi ku jiraan muddooyin kala duwan oo u dhexeeya 6 illaa 18 Bilood.

Dadkan oo u badan Dhallin yaro horay ugu noolayd gudaha Maraykanka iyo kuwa doonaya iney ku galaan si aan waafaqsanayn shrciga Dalkaasi ayaa waxay laamaha ammaanka kala kulmaan cadaadis iyo xad gudubyo ka dhan ah Aadanaha, iyadoo madaxweyne Donald Trup uu adkeeyay sharciyadii ka yiillay gelista Dalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...