Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Mareykanka oo ka furmay Columbus Ohio+Sawirro

Date:

Furitaanka ciyaarahan ee sanadkan 2018 waxaa xaflad furitaan ah loogu sameeyay gudaha Garoonka oo ay ciyaartu ka bilaabanayso manta oo Khamiis ah 03/29/18 waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah abaabulayaasha koobka xagaaga,Deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya koobkan sanad walba, Ciyaartooy, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ciyaarahan oo ay kooxo badan sanad walba ka soo qeybgalaan waxaa ay kooxuhu ka kala yimaadaan gobolladda Mareykanka iyo Canada, waxaana dhex mara tartan aad u xiiso baddan oo koox walba ku muujinayso qibradeeda ciyaar.

Bashiir Geelle oo ah Madaxa barnaamijkan Columbus Indoor Soccer Cup oo ka hadlay furitaanka ayaa ku dhawaaqay in ciyaaraha ay furmeen maanta oo khamiis ah ayna socon doonaan ilaa iyo maalinimada Axada ee nagu soo aadan, isaga oo ka codsaday Kooxaha kala duwan ee ka yimid gobolladda in ay muujiyaan Aadaab, Ixtiraam iyo Ciyaar wanaag taas oo ay ku mutaysan doonaan abaalmarin iyo bilado.

Flickinger Legal Group oo ah labo Nin oo looyaro ah ayaa sanad walba ka qeyb qaata dhiira galinta dhalinyarada isla markaana ka gaysta taageero buuxda, waxayna inta badan marwalba garab taaganyihiin Kooxda ka socota Columbus Ohio oo ay ku dhiirogaliyaan in ay muujiyaan ciyaar wanaag.

Sahid Ali oo ah aqoonyahan wax badan la shaqeeyay ciyaarahan ayaa dhankiisa dhalinyarada ku dhiira galiyay ahmiyada ciyaaraha iyo in ay ogaadaan in dalkoodii hooyo in ay u ciyaaraan laga sugayo.

Macalin Qarindi oo ah tababarihii Koobka u soo hooyay Jubbaland ciyaarihii u danbeeyay ee goboladda Soomaalia ayaa dhankiisa ka sheekeeyay waxii uu ku soo arkay Somalia iyo sida loogu baahan yahay in la helo kooxo aad u dhisan oo la ciyaara kooxaha ku sugan Soomaaliya si loo helo awood ciyaartooy oo dalka matali karta mustaqbalka.

Fanaanka Caankaa Ahmed Rasta ayaa dhankiisa dhalinyarada ku guubaabiyay ciyaaraha iyo in ay muhiim u yihiin dhalinyarada qurbaha joogta si ay uga nabad galaan dhibaatooyinka mustaqbalka ka haleeya.

Ismacil Mohamed oo ah Musharax xildhibaan oo u ordaya xaafada 25 ee magaalada Columbus ayaa ugu hanbalyeeyay dhalinyarada ka shaqeeysa sanad walba qabashada ciyaarahan isaga oo dhanka kale Soomaalida Columbus ka codsaday in ay soo baxaan oo ay codkooda siiyaan si uu bari u garab istaago Jaaliyadda oo hadii ay xubin ku yeeshaan baarlamaka heli doona xaquuq iminka ka maqan.

Ciyaarahan oo sanadkii 18-aad la qabanayo waxay abuuraan is dhexgal bulsho iyo isku imaatin saaxiibo xiliyo aan is arkin waxayna dhiirogalin u noqotaa dhalinta jecel Sportska oo ka hela waqti ay ku muujiyaan awoodooda ciyaareed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...