olollaha Dulqaad iyo wada hadal oo Muqdisho laga furay (sawirro)

Date:

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay ka hortagga fikirka xagjirnimada ah, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska R/wasaaraha ayaa loo qabtay xubno ka kala socday maamulgoboleedyada, haweenka, dhllinyarada culumaa’udiin iyo aqoonyahanno kala duwan.

Qaar ka mid ah xubnihii ka qeybgalay kulankaasi ayaa aragtidooda ka dhiibtay mowduuca ku saabsan ka hortagga afkaarta xagjirnimada ah, iyagoo ku saleynayay  hannaanka dowladda ee dulqaad iyo wadahadal.

Sii hayaha wasiirka ahna wasiirudowlaha wasaarada Awqaafta iyo arrimaha Diinta C/xakiin Xasan Ibraahin ayaa ka hadlay  baahida loo qabo in la iska kaashado ka hortagga afkaarta xagjirnimada ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaanta siinayo sidii looga hortagi lahaa afkaarta xagjirimada ah.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kulankaasi furay ayaa hoosta ka xariiqay in barnaamijka ka hortagga argagixisada uu qeyb ka yahay afarta tiir ee uu ku taaganyahay ammaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...