QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya

Date:

Jimciyadda Quruumaha ayaa sheegtay inay sii kordhayaan Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ay Dalkooda dib ugu celiyaan Bilaha soo socda, markii ay iyaga sidaasi codsadeen.

“Gaadiidkii Dadkaan qaadi lahaa ayaannu diyaarinaynaa, waxaanan rajeynaynaa in Dadka doonaya inay Dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa Sidoo kale sheegtay in tan iyo Bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku laabteen 1,315 Qaxooti ah, kuwaasoo iskood u doortay inay Dalkooda dib ugu laabtaan.

75,157 Qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ayay sheegtay inay dib ugu laabteen Dalkooda Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay, iyadoo intaas ku dartay in Qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo Qof.

Tallaabadani lagu daabulayo Qaxootiga ayaa ah mid ku xiran dib u furidda Waddada laga soo galo xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Magaalooyinka Libooya Kenya iyo Dhoobleey Soomaaliya.

Xuduudda kala qaybisa Labada magaalo ayaa xirnayd muddo Sanad ku dhow, sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo Roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu soo gaarsiinayay Dadkan Soomaaliya.

Sanadii 2014-kii ayay ahayd markii ay hay’adda UNHCR, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya  heshiis Saddex geesood ah ku gaareen in dib loo soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab.

Isha/ Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...