QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya

Date:

Jimciyadda Quruumaha ayaa sheegtay inay sii kordhayaan Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ay Dalkooda dib ugu celiyaan Bilaha soo socda, markii ay iyaga sidaasi codsadeen.

“Gaadiidkii Dadkaan qaadi lahaa ayaannu diyaarinaynaa, waxaanan rajeynaynaa in Dadka doonaya inay Dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa Sidoo kale sheegtay in tan iyo Bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku laabteen 1,315 Qaxooti ah, kuwaasoo iskood u doortay inay Dalkooda dib ugu laabtaan.

75,157 Qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ayay sheegtay inay dib ugu laabteen Dalkooda Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay, iyadoo intaas ku dartay in Qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo Qof.

Tallaabadani lagu daabulayo Qaxootiga ayaa ah mid ku xiran dib u furidda Waddada laga soo galo xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Magaalooyinka Libooya Kenya iyo Dhoobleey Soomaaliya.

Xuduudda kala qaybisa Labada magaalo ayaa xirnayd muddo Sanad ku dhow, sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo Roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu soo gaarsiinayay Dadkan Soomaaliya.

Sanadii 2014-kii ayay ahayd markii ay hay’adda UNHCR, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya  heshiis Saddex geesood ah ku gaareen in dib loo soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab.

Isha/ Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...