Laamaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Maandooriyaal iyo Hub Amni daro loo adeegsanayay

Date:

Kadib howlgal ay Ciidamada ammaanka  ay xalay ka sameeyeen xaafado ku yaala degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo isugu jira Xashiish,markii ay ka war heleen guriga lagu diyaarinayay maandooriyahaasi.

Muddadii uu howlgalkaasi socday ayaa Sidoo kale Ciidamadu  waxa ay soo qabteen Laba Qori iyo Laba Bastoolad, kuwaasi oo si sharci daro ah loogu heystay gudaha degmada,kuwaasi oo lagu dhibaatayn jiray dadka shacabka ah.

Goobta howlgalkaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa waxaa markii dambe tagay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulax iyo saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka,iyagoo u kuurgalayay sida uu u dhacay howlgalkaasi qorsheysnaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku tilmaamay howlgalkaasi in uu ahaa mid qorsheysan,islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Howlgalada ayaa ah kuwo joogto ah,iyadoo sidoo kale shalay ay hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay dekedda Muqdisho ku qabteen Maandooriyaal badeeco ahaan loogu iib geyn rabay Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...