Laamaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Maandooriyaal iyo Hub Amni daro loo adeegsanayay

Date:

Kadib howlgal ay Ciidamada ammaanka  ay xalay ka sameeyeen xaafado ku yaala degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo isugu jira Xashiish,markii ay ka war heleen guriga lagu diyaarinayay maandooriyahaasi.

Muddadii uu howlgalkaasi socday ayaa Sidoo kale Ciidamadu  waxa ay soo qabteen Laba Qori iyo Laba Bastoolad, kuwaasi oo si sharci daro ah loogu heystay gudaha degmada,kuwaasi oo lagu dhibaatayn jiray dadka shacabka ah.

Goobta howlgalkaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa waxaa markii dambe tagay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulax iyo saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka,iyagoo u kuurgalayay sida uu u dhacay howlgalkaasi qorsheysnaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku tilmaamay howlgalkaasi in uu ahaa mid qorsheysan,islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Howlgalada ayaa ah kuwo joogto ah,iyadoo sidoo kale shalay ay hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay dekedda Muqdisho ku qabteen Maandooriyaal badeeco ahaan loogu iib geyn rabay Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...