Taliyaha ciidanka Asluubta oo saxaafada u sharxay hormarka shaqo abuur ee haweenka maxaabiista ah

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac  Keynaan oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa, Taliyaha Xabsiga dhexe iyo Saraakiil kale, ayaa maanta mid mid u booqday qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, Goobaha ay wax ku bartaan iyo qeybta Haweenka.

Taliyaha, ayaa waxa uu u kuur galayey sida ay tahay nolosha Maxaabiista, waxaana uu la sheekeystay qaar kamid ah Maxaabiista, xog wareysi dheer ayuuna  la yeeshay si uu wax badan uga oggaado darruufahooda gaarka ah.

Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay marnaba aysan raali ka noqon doonin in lagu xadgudbo Maxbuus, ayna dhowaan Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiyada kale ee dalka  u dhameystiri doonaan waxyaabaha Nolosha aadanaha muhiimka u ah ee ka dhiman.

“Qof xiran oo xoriyad aan heysan intaas ayaa ugu filan dhibaato, marnaba raali kama noqon doonno in lagu xadgudbo Maxbuus, Waxaan ku dadaaleynaa siddii Xabsiga aan ugu dhameystiri laheyn waxyaabaha nolosha aadanaha aasaasiga u ah” ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha...

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige...

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa...