Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare

Date:

Senator Maxamed Cusmaan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare  ayaa kullanka ka dib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabaha ka soo baxay kullanka Guddiga joogta ee Golaha Aqalka sare ay maanta isugu yimaadeen.

“Mida ah jadwalka lagu shaqeynayo Golahu ku shaqeynayo waxaa Go’aan lagu gaaray in maalinta sabtida ay noqoto maalin ay Guddiga joogtada ah ay shiraan,maalinta Axada iyo isniintana ay noqoto kalafadhiga guud,talaado iyo arbacana kalafadhiyada marka kalafadhi Guud aanu jirin macnaheedu ma ahin inaanu aqalka shaqeyneynin,waxaa jira Guddiyo kale oo hoosa oo shaqeeya in maalmahaasi Guddiyada ay isugu yimaadaan ay kala warqaataan,maalinta Khamiistana kalafadhiga Guud inuu jiro,” ayuu yiri Senator Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale,Senator Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dib loo dhigay kullan ay Guddiga joogtada ah kula balansanaayeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil,kaasi oo looga hadli lahaa halka uu marayo hanaanka dib u eegista dastuurka,isagoona carabka ku dhuftay in taasi ay ka wada tashan doonaan Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...