Ra’iisul wasaare Kheyre oo Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay abaal marino guddoonsiiyay

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo  ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda  nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha dalka uu ugu tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen laba qarax oo ay kooxda nabad -diidka Al-Shabaab la doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka iyo maatida Soomaaliyeed  ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaan  hantidooda.

Cidanka nabad sugidda Qaranka oo hayay xogta ku saabsan qaraxyadii Shalay gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho ayaa  si geesinimo leh uga hor tagay, iyagoo mid ka mid ah weerarradaasi lala damacsanaa Garoonka Diyaaradaha ,halkaasoo ay Ciidanku ku toogteen Wadahii Gaariga Qaraxa siday, halka kan kalena ay doonayeen inay ku qarxiyaan goobaha ugu mashquulka badan Magaalada , waxanay Ciidanka NISA ku fashiliyeen bar-kontorool oo u dhow  Is-goyska Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu hor tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen  Shacabka  Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Maxamed C/laahi Farmaajo.

Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha dalka mudane. Xasan Cali Kheyre ku booqday ciidanka nabad sugidda Qaranka iyo goobaha ay ka howl-galayaan ayaa qayb ka ah dhiirri gelinta iyo Garab istaagga Ciidamada iyo inuu gaarsiiyo farriin  ku aadan sida ay Madaxda dalka u garab taagan yihiin had iyo goor Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Muddada Is-diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Dalka oo la lordhiyay 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...