Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis

Date:

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiislka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Cafis Campaign Qabteen dood iyo Falaqayn Ku saabsan Asal iyo Dhaxalka Qabyaalada,heybsooca iyo Is cafinta ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kasoo qayb Galay siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir kuxigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis,agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh Yuusuf AL-cadaala,guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Madax Bannaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey,Masuuliyiin Ka kala Socotay heyadaha Dawladda iyo dhamaan qaybaha Kala Duwan Ee bulshada inteeda kale.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashey barnaamijkaasi ku saabsan Mashruuca xasilinta Soomaalia ee TIS ayaa ku amaanay shaqsiyaadkii soo qaban qaabiyay barnaamijkani dowrka ay ku leeyihiin in bulshadu ay fahamto ahmiyadda ay leedahay iscafinta,waxaana dadkasi kamid ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh Yuusuf AL-cadaala, Mukhtaar Yuusuf Cirro  C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto) Iyo  kooxda Cafis Campaign.

Waxaa barnaamij ku soo bandhigay halkaasi wiil Soomaaliyeed, oo si iskiis ah u cafiyay askari goor habeen ah, isagoo maraya bar koontarool oo ku taalla Ceelgaabta rasaas ku furay oo dhaawacay. Askarigii uu cafiyay iyo isaga, ayaa markii ugu horeysay hor yimid barnaamijka si toos ah, iyadoo askarigu ka mahadceliyay cafiska kadib markii isagoo xabsi ku jira loo sheegay in la sii deynaayo madaama ninkii uu dhaawacay uu cafiyay.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dhaawacay, Cabdullaahi ayaa sheegay in askarigu uu kontaroolka u taagnaa si uu ummadda Soomaaliyeed uga difaaco Qatarta, uuna gaashaan u ahaa qaraxyada iyo dhibaatada loo soo maleego, rasaasta uu furayna ay keentay taxadar iyo qatar uu markaas is lahaa ka hortag, sidaas darteedna uusan mudneyn in la ciqaabo.

Barnaamijkani ayaa dhiiro gelin u ah Waa Dariiqa Kaliya Ee umada Soomaaliyeed ay isku cafin karto,Waxaana ujeedka uu yahay in ay ka dhalato doona hadii la joogteeyo kulamada noocan ah inay umadda Soomaaliyeed isku calool furnaato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...