Home Blog Page 1341

Wasaaradda Howlaha Guud oo ka qeyb qaadaneysa Bilicda Xarunta Tababarada Ciidanka Xoogga ee Turky-Som

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo  dib u Dhiska Xukumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Shaqalaha Wasaaradda Howlaha Guud ayaa iska kaashaday ka qeyb qaadashada hagaajinta iyo ka shaqeynta bilicda xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Xogga ee Turk-Som,  iyaagona gaarsiyey caro loogu tala galay beeridda dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay iney caraddaan tahay mid ay baahi u qabeen islmarkaana madaxda Dugsiga ay ay ka codsadeen iney ka caawiyaan, si kor loogu qaado  hagaajinta iyo bilicda Dugsiga oo ah xarun ay wax ku bartaan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney kaalin muuqata ka qaataan sidii  bilicda dugsiga loo tayeyn lahaa maadaama dowlada Turkiga ay qeyb weyn mar walibo ka qaataan hormarka dalka.

Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatey guddoomiyeyaashaa gobolada Puntland

0

Kulankan uu Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland uu la qaatey guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaaradda iyo Guddoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

Dhinac kale Guddoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan tahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xaalad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis.

Sidoo kale Madaxweynaha D Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalana looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

Wafdi uu hogaaminayo R/wasaare Khayre oo u amba baxay Mareykanka

0

Wafddi ballaaran oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka ambabaxey Magallada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Dalka Mareykanka ayaa la filaaa in uga qeybgalaan shir ka dhacaya magaalada (Washington DC).

Waxaa kamid ah wafdga ra’iisul Wasaaraha xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayay arrimaha wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto ee sanadkan 2018ka,kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Banggiga Adduunka.

Waxaa la filaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,waxayaabaha ugu badan oo diiradda u saran wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in deymaha laga cafiyo.

 

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatey Wasiirka arimha dastuurka

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo ay wehliyeen Ku-Xigeenadiisa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay masuuliyiinta kaga hadleen hannaanka dhameeystirka Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegayay sida ay uga go’antahay in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri “Waxaa naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin lahaa ilaa heer degmo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina waxay ku imaan kartaa marka inaga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka Gobolka Banaadir”.

Dhanka kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo masuuliyiintii la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna dhankiisa ballanqaaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyn doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Qaranka u heyso.

Ugu dambayn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna billaw u ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay 2-dii bishan magaalada Kampala ee Xarinta Dalka Uganda, kaas uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaliya ka jeediayay shirkaasi,isagoo dhanka kale magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandakulan kula qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Shirka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka qeyb-galay ayaa waxa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, waxaana madaxdii shirkaasi ka qeyb-gashay ay bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo halkaasi ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxdii shirkaasi ka soo qeyb-gashay ayaa ammaanay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyad dalka ,iyagoo isku raacay in la xoojiyo kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaalada ay ku xasilinayso Soomaaliya.

 

Milatari loo dhaariyey Difaaca dalka kaddib dhammaadka tababarkooda.

0

Ciidammadan waxaa lagu carbiyey xerada tababarrada ee Turky-Som xoogga dalka Soomaaliyeed ayeeyna qeyb ka yihiin dufcaddaan, kuwaas oo isugu jiro saraakiil dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban Xeeladaha ciidanka Milatariga.

Waa 138 ciidammadan loo dhaariyey in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa, dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

 Ciidammadan oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee tiknoolajiyadda maanta la jaanqaadaya.

Hoggaanka Saraakiisha iyo qeybaha ciidanka kale ee la dhaariyey  ayaa khubaddoodii ku sheegay in ay ka dhabbeynayaan dhaarta ay dalka, dadka, calanka, iyo Diinta ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed u qaadeen, si ay uga  ilaaliyaan cadowga gudaha iyo dibedda.

Taliyaha Xerada tababarka Turky-SOM G/sare Maxamed  Yaasiin Karan ayaa aaminsan in ciidankan ay yihiin  ciidammadii tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa Xoogga dalka Soomaaliyeed, muraalka iyo qalabkuna ay ka dhisan yihiin.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa yiri “Soomaaliya mar  kale ayeey dib ugu laabaneysaa sidii ay u soo ceshan lahayd ciidankeedii awoodda  lahaa, si jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u dhowraan,  cadowgana uga ilaaliyaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad hormuud u noqotaan sidii aad dalkiina u nabaddeyn lahaydeen, waxaana idiin bilowdey bog cuusb oo taariikh dalkeenna aad uga qeybgeli doontaan, dhaarta aad dhaarateenna waa xaq”.

Kuliyaddaan Turky-SOM waxa ay xoogga saareysaa sidii ay u dhisi lahayd ciidan xooggan u tababarran hab carsi ah, heysta qalab ku filan, taas oo bilow  u ah isku filnaansho ciidanka Soomaaliya oo amniga dalka la wareega mustaqbalka dhow.

 

Maamulka Galmudug oo kulamo nabadeed la qaatay Odayaasha Caabudwaaq.

0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey)  iyo wafdi uu hoggaamainayo oo Maalmahan socadal nabadeed ku marayay degaanno ka tirsan Gal-gaduud ayaa kulamo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka Dagmada Caabudwaaq.

Mudane; Carrabeey iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Odayaasha iyo wax garadka degaannadii ay booqdeen, iyagoo kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda u dhexeysa Dadka reer miyiga ah ee ku nool tuuloyinka.

Labada dhinac ayaa waxay isku Af garteen in la joojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan degaannadaasi, iyagoo isku waafaqay in wax walba lagu dhammeeyo wada hadal iyo waan waan.

Madax weyne kuxigenka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Odayaasha ay la kulmeen isla meel dhigeen in la joojiyo colaadda ka taagan degaankaasi , wax walbana wada hadal lagu dhameeyo, wuxuuna intaa raaciyay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin ciddii jebisa xabbad joojinta lagu ballamay.

Mudane; Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in uu maamulku tallaabo ka qaadi doono ciddii ka hor timmaadda heshiiskan, isagoo intaa raaciyay in halka lagu dagaallamay la geyn doono Ciidamo ka socda nabad sugidda iyo Boliiska Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan shir ku qaban doonaan Magaalada Caabudwaaq, kaas oo lagu soo Afjari doono dedaallada dib u heshiisiinta ah ee uu Maamulku halkaasi ka wado, si xal waara looga gaaro isku dhacyada soo laalaabtay ee u dhexeeya Dadka Xoolo dhaqatada ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan.

0

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayna soo qaban qaabiyeen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Suudaan waxaa ka soo qeyb galay madaxda Jaaliyadda, Ardayda, Salaadiin, Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo waliba Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Ugu horeyn inta aysan bilaawan Munaasabadda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa goobta ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkane Suudaan Cabdiweli Xasan Xuseen iyo Fiidwo Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ardayda Somaaliyeed ee Dalkaasi Suudaan waxkabarata ayaa warbixin ku saabsan xaaladooda nololeed iyo heerkooda waxbarasho uga xog waramay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdigiisa,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalkooda.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Qudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ardayda ugu warbixiyay xaalka Dalka uu marayo iyo horumarka ay ku tilaabsatay Dowladda Soomaaliya,isagoo Ardayda Soomaaliyeed kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta soo gabagabeeya booqasho 4-maalin qaadatay oo uu ku joogay Dalka Suudaan.

Maxaabiis laga soo daayey Xabsiyada Hindiya oo kusoo wajahan Muqdisho.

0

Maanta galinka bambe ayaa lagu wadaa in ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka kasoo degto diyaarad sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa Dalka Hindiya kuwaa soo loo haystay falal burcad badeednino

Danjiraha Soomaliya u fadhiya Dalka Hindiya Abadirisaaq faarax Cali taana ayaa sheeegay in Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka laga soo dajin doono  Maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraya 77 Laga soo dejin doono.

Abadirisaaq faarax calli taana Danjiraha soomaliya u fadhiya Dalka Hindiya ayaa sheegay iay wali jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Dalalka Hindiya iyo Cumaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan u gashay sidii loo soo dayn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalalka Caalamka kuwaa soo loo haystay dambiyo kala duwan.

Xoghayaha Arimaha dibadda Maraykanka oo booqan doono dalal ka tirsan africa.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa dhowaan booqan doona dhowr dal oo Afrikaan ah, sida ay shaacisay wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi.

Booqashada Tillerson ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah tan iyo intii maamulka Trump uu qabtay talada Aqalka cad, booqashadan  oo ku beeggan March 6 and 13keeda waxay socon doontaa muddo 7 maalmoodd ah, wuxuuna booqan doonaa dalalka kala ah Chad, Djibouti,  Ethiopia, Kenya iyo Nigeria.

Booqashada Xoghayaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa kadib hadaladii carada dhaliyay ee Madaxwayne Trump ku tilmaamay dadka Afrikaanka bishii January ee sanadkaan.

Rex Tillerson wuxuu la kulmi doona madaxda dalalka uu booqan doono, iyo sidoo kale Madaxda Midowga Afrika ee xaruntooda tahay Addis Ababa.

Waxuuna kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta nabadda iyo amniga, kor u qaadida dowlad wanaaga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale Madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Mareykanka iskaashi dhow la leeyahay ayuu kala hadli doonaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa Labo sano booqasho lama filaan ah uu ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo xilligaas booqanayay dalalka Geeska Afrika.