AMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar.

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa tababar hal maalin ah magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle ku qabatay,kaasi oo si aad ah diirada loogu saarayo qawaaniinta qaabilsan Arrimaha bini-adanimada iyo Milatariga,qeybna ka ah wada xaajood u dhaxeey AMISOM iyo Bulshada rayidka ah.

โ€œCaqabadaha biniโ€™aadanimo waxa ay ku baaqayaan in la kordhiyo isuduwidda iyo wada-xaajoodka u dhexeeya AMISOM iyo la-hawlgalayaasha ka shaqeeya aagagga dib gacanta loogu soo celiyay,โ€ ayuu yiri Abdul Diabagate,oo ah Sarkaalka ugu sareeya howlaha bini-adanimada ee AMISOM.

Doodaha la isku dhaafsanayay tababarka ayaa u muuqday kuwo inta badan diirada saarayay baahida loo qabo in la kordhiyo dhaq dhaqaaqa iyo fududeynta arrimaha bini-adanimada iyo waliba in la kordhiyo isdhexgalka bulshada goobaha ay ka jiraan dhibaaooyinka baโ€™an iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Tababarka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhiira gelinta iskaashiga u dhaxeeya Saraakiisha Xiriirka rayidka ah AMISOM iyo la howl-galayaashooda,waxaana sidoo kale ka qeyb galayaasha la dareensiinayay ย muhiimadda ay leedahay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Baniโ€™aadamnimada, mabaadiiโ€™da baniโ€™aadamnimada iyo Sharciga Qaxootiga Caalamiga ah.

AMISOM ayaa sheegtay in tababarka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...