kulan wadatashi ah logana arinsanaayo hanaanka dhameystirka dastuurka jamuuriyada soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulankan wadatashiga ee madasha dastuurka ee baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad gobleed ayaa waxaa ku sugnaa gudoomiyaha golaha aqalka sare,gudoomiyayaasha barlamaanada dowlad goboleedyada, gudiyada dastuurka heer federal iyo dowlad goboleed,gudiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka ,

Madasha waxaa furay Gudoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka fedraalka soomaaliya mudane cabdi xaashi cabdulaahi ayaa sheegay in arinta loo fadhiyo mudada labada maalmood ee dib u eegista dastuurka ay tahay arin muhiim ah ,,

Aad ayaan ugu faraxsanahay madasha dib u eegista dastuurka ee aad u fadhidaan waxaana haboon in la dhamaystiro dastuurka oo ilaa iyo dhowr iyo toban sano socday ,,

Senatar cabdi xasan cawaale qaybdiid gudoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ayaa faah faahin ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee dastuurka uu soo maray.

Maxamed daahir afrax gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay oo baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo gudoonadooda ay wax iska weydiiyaan arimaha dastuurka.

Gudoonada  baarlamaanada dowlad goboleedyada ayaa gudiyada datuurka iyo wasaarada dastuurka in ay dadajiyaan dastuurka ayna gacan ka siin doonaan sida waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen.

Kulankan wadatashiga ee madasha dastuurka ee baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad gobleed ayaa waxa uu soconayaa mudo laba maalmood ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...