Home Blog Page 1342

Michael Flynn oo qirtay arrin laxiriirta xiisadda Ruushka iyo Mareykanka

0

Washington(SONNA) War haatan soo baxay ayaa sheegaya in Michael Flynn oo hrey u ahaan jirey Taliyihii arrimaha ammaanka ee madaxweyne Donald Trump in uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda Sirdoonka Wadankaasi  Maraykanka ee FBI.

Mr Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago ka dib markii lagu eedeyeey in uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.

Mr Robert Mueller oo ahaa ergeyga gaarka ah ee baaritaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii ayaa lagu soo waramayaa in  Dacwadaha hadda loo heysto Michael Flynn uu isaga  ka keenay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Michael Flynn uu isu diyaarinayo in uu bixiyo marqaati ku aadan wiilka uu sodoga u yahay Mr Trump Jared Kushner uu ka mid ahaa xubnaha sarsare ee xilligii kala guurka bixiyay amarka ah in xiriir lala sameeyo Ruushka.

Ninka dacwadda lo heysto Mr Flynn ayaa sheegay in uu la shaqayn doono gudiga baaraya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeeen doorashadii mareykanka ee 2016,taasi oo keeni karta in ay sii kororto siyaasadda cakrin ee ka dhexeysa Mareykanka iyo Wadanka Ruushka.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa War ka soo baxay lagu sheegay in Mr Flynn uusan cidna dambi ku qirin balse arrintani ay mid uun isaga qusayso.

Sanatar Mark Warner oo ah gudoomiyaha gudiga sirdoonka u qaabilsn aqalka sanetka ayaa sheegay in ay doonayaan in dadk Mareykanka ay ogaadaan faafaahin buuxda oo ku saabsan arrintan faragalint Ruushka iyo ciddii ku lug lahayd.

 

Akhriso:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dowaladda oo ku saabsan Soomaalida Liibiya ku Nool

0

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadada ee Dowladad Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo la xiriira Soomaalida kunool Dalka LIibiya,waxaana uu u qornaa sida tan.

Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya.

Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.

Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kaashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

Waxaa xusid Mudan in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono ergo diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban dalkaas.

Faah faahin ku saabsan dagaal Shabaab looga dilay 11 qof Gobolka Hiiraan

0

Hiiraan(SONNA) Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dilay ilaa 11 katirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab,ayna dhaawaceen kuwo kale,kadib markii dagaal uu ku dhexmaray deegaan hoostaga Degmada Maxas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaad katirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo la socotay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil katirsan ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuna sii jeedey Degmada Maxaas.

Janaraal Axmed Maxamed(Tareedisho) oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Xooga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay shabaab ka dileen 11 qof tiro kalena ay ka dhaaweceen,isagoo xusay in dhankooda uu dagaalkaasi uu kaga dhintay 1 askari,ayna kaga dhaawacmeen 4 kale.

Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa haatan gaaray degmada Maxaasi ee Gobolka Hiiraan Halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Ujeedka socdaalka ayaa ah sidii halkaasi loo geyn lahaa maamul cusub oo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu u magacaabay degmadaasi,iyagoo kulamo la qaadanaya qeybaha kaladuwan ee bulshada si loola shaqeeyo maamulka cusub.

Mukhtaar Roobow oo SONNA uga waramay kulamo uu la yeeshey Madaxda K/Galbeed+Sawiro

0

Baydhabo(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in kulan halkaasi uu ku dhexmaray maanta Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur iyo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan Baydhabo waxaa uu dhexmaray Abuu-Mansuur iyo kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi iyo mas’uuliyiin kale,kaasi oo inta badan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa in shacabka laga dulqaado dhibaatada SHabaab.

Waxaa ka horeeyey kulamo ka dhacay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokoolka Bokool, oo dhexmaray maamulka Koonfur Galbeed,Mukhtaar Roobow iyo qeybaha bulshada iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayuu ku faah faahiyay Abuu-Mansuur waxyaabaha looga hadlayay kulamadii deegaanadaasi ay uga socdaan.

”Kulamad aan kula yeelanay magaalada Xudur maamulka,saraakiisha iyo bulshada qeybeheedi kala duwan waxaa diiradada lagu saarayay sidii shacabka looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan Shabaab,hadafka guud waxaan uga golleenahay in shacabka laga uruuriyo fekrado iyo talooyin waxtar u leh dadka dalka iyo diinta,talooyinkaasi oo markii la soo uruuriyo lagu dhaqaaqidoono.”

‘’Muddo 2 maalmood ah ayay kulamadan inoo socdeen oo aan wadatashanaynay,waxaan uga mahadnaqaa maamulka iyo bulshada sida wanaagsan oo ay ii soo dhaweeyeen,waxaa inoo qorsheysan in aan booqano gobolo kale oo kamid ah Soomaaliya,anagoo sii wadi doono kulamada wadatashiyada ah oo aan la yeelanayna shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Hadaba kulamad Mukhtaar Roobow uu baydhabo kula yeeshey maamulka Koonfur Galbeed ka sokow,Waxaa lagu wadaa in Mukhtaar Roobey Abuu-Mansuur uu dhowrka maalmood ee soo socota kusugnaan doono magaalada Baydhabo,halkaasi oo kulamo uu kula yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeeyay Kenya

0

SONNA-(Kenya)-Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ee Bariga Dalka Kenya, ayaa 30 Sano oo xabsi ah ku riddaay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi Taakoow, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan oo 22 jir ah ayaa laga qabtay gudaha xabsi ku yaalla Magaalada Mandheera, iyadoo loogu shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada u dusin jiray Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanka ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka, wuxuuna tuhmanuhu iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay dembiyada lagu soo eedeeyay.

Xigasho/Daily Nation

Madaxweyne Emmirson Mnangagwe oo ku dhawaaqey Golihiisa Wasiirada Cusub

0

Zimbabawe(SONNA) Emmerson Mnangagwa Madaxwaynaha cusub ee Dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqey Golaha wasiirada cusub,waxaana qeyb ka ah magacaabista jagooyin sar sare ee uu siiyaay saraakiil katirsanayd Ciidamada Militariga Dalkaasi oo awaadii ka qaaday madaxweynihii hore Robert Mogabe.

Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Mnangagwa ayaa ka kooban ilaa 22 wasiir oo ay ku jiraan wejiyo ku cusub liiska Xukuumada Wadankasi Zimbabwe.

Wasirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqay in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Waxaa uu sido kale magacaabay Mr Mnangagwa ilaa 6 wasiir ku xigeeno oo dhamaantoodi ku cusub liiska dowladda dalkaasi.

Perence Shiri oo horey u ahaa Madaxii ciidamada cirka ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beerarha dowladda csusub ee manangagwe.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobt lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah .

Mr Tendai Biti oo kamid ah dadka dhaliila dowladda ayaa sheegay in waqtigii dabaaldaga uu dhamaaday,isagoo intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u qaldanayn.

Emmirson Mnangagwa ayaa dhawaan loo dhaariyay xilka madaxweynaha Zimbabwe kadib markii xilka uu ka degay Mr Robert Mogabe oo muddo 37 sano ah soo maamulayay dalkaasi.

Maxaa kajira in Madaxweyne Trump uu bedelayo Rex Tillerson

0

Washington(SONNA) Waxaa soo ifbaxaya warar sheegay in madaxweynaha wadanka Mareykanka Donal Jey Trump uu wado qorshe ku aadan in uu xilka ka xayuubiyo Xoghayaha arrimaha dibadda Rex Tillerson.

Donalda Trump ayaa wararka qaar ay tilmaamayaan in uu donayo in xilkaasi uu u dhiiboo madaxa Hey’ada CIA-da Mike Pompeo oo noqdo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanak,balse war ka soo baxay xafiiska  Madaxweyne Trump Khamiisti lagu beeniyay inuu shaqada ka eryayo Tillerson, kadib marki ay soo baxeen wararkaasi.

Warbaahinta Mareykanka qaar kamid ah ayaa si aad ah u tabinaya wararkaasi, waxaana warbaahintu ay sheegayaan in Mr Rex Tillerson ay siyaasadiisa xumaatay,sidaasi daraadeed uu ku badalayo madaxa CIA-da oo ah nin uu xiriir wanaagsani kala dhaxeeyo madaxweyne Donalda Trump.

Warar hoos ah oo laga helayo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegaya in qorshaha uu yahay in Senatar-ka xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Arkansa Tom Cotton, oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhaw Trump laga dhigi doono madaxa hey’ada CIA-da, hadii la bedelo Mr Telerson.

Donald Trump ayaa hadii uu ku dhaqaaqo talaabadani waxaa uu noqonayaa madaxweynaha ugu bedbedelka badan xubnaha maamulkiisa ee Mareykanka,taasi oo muujinaysa in talaabooyinkii hore ee xilalka uu ku magacaabay ay ahaayeen kuwo aan si aad ah looga fiirsan sida ay aaminsanyihiin dad badan.

Labo wiil oo Soomali walaalo ah oo lagu toogtay K/Afrika iyo banan baxyo socda

0

K/Afrika(SONNA) Soomaalida kunool Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka sii kordhayo ee lagula kacayo dadka Ajaanibta ah ee dalkaasi kunool oo Soomaalida ay kujirto.

Tacdiyada loo geysto dadkaasi waxaa kamid ah dilal qorsheysan,weeraro lagu qaado deegaanadooda iyo boobka loo geysnayo hantidooda,taasi oo sii kordhisay in dadkaasi ayla noolaadaan walwal joogta ah oo aan isbedel lahayn.

Falkii ugu dambeeyey ayaa lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah,kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cumar Salaad Xaashi iyo walaalkiis ka yar Liibaan Salaad Xaashi,kuwaasi oo lagu toogtay dukaan ay ku lahaayeen magaalada Johannesburg  ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegeen eheladooda.

Waxaa Burcad hubeysan ay Khamiistii ku dileen wiilashaasi magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika,kuwaasi oo dilkooda loo adeegsaday baaskood,taasi oo keentay in Cumar Xaasi uu isla goobtaasi ku dhintay,halka Liibaan Xaashi uu dhaawac soo gaarey uu u dhintay.

Waxaa jira bannaan baxyo ballaaran oo ay Jaaliyadda Soomaliyeed ka dhigeen dhismaha xarunta Baarlamaanka Dalkaasi,iyagoo dalbanaya in sharciga iyo cadaaladda la horkeeno dembiilayaasha geysanayaa dilalka qorsheysan

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Nairobi Kula Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya “SAWIRRO”

0

Nairobi (SONNA), Guddoomiye ku xigGeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya ,Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaddoo Guddoomiye Mahad Cawad ay wehliyeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo muddo saacado ah socday, ayaa  waxaa looga wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Goleyaasha Shacabka ee  Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la isla gartay in wufuud labada Baarlamaan ka kala socda ay booqasho shaqo ku kala tagaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, taasi oo xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta sii xoojineysa.

Intii kulanka uu socday Guddoomiye ku xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu u gudbiyey Baarlamaanka Kenya marti qaad uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isagu ku marti qaaday Guddoonka Baarlamaanka Kenya iney Muqdisho yimaadaan.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee la isku af gartay waxaa ka mid ah in tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo loo fidiyo guddiyada Golaha Shacabka Soomaaliya,maamulka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka, ayaddoo tababaradaasi ay bar bar socon doonaan qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegi doona Magaaladda Nairobi dhowaan, halkaasi oo ay heshiis wada shaqeyn kula saxiixan doonaan guddoonka Baarlamaanka Kenya.

 

“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho  ku saabsan soo saaray 

0

Muqdisho (SONNA), Kulan howleedka Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha la xiriira amniga Gobolka, dhulalka iyo Go’aammada Maxkamaddaha.

Golaha Aminga G/Benaadir wuxuu walaac ka muujiyay sida sharciga fulintiisa ay marwalba u hirgalin oo loo hareer maro, waxaa kale oo uu Goluhu isku raacay in talaabo laga qaado gawaarida sida qaldan u adeegsada wadooyinka iyo baraha ciidammada qaar oo la sheegay in lacago shacabka looga qaado.

Kulan uu yeesho Golahu isbuucii hal mar, waxay Golahu go’aamiyeen qoddobada soo socda:-
1. Goluhu wuxuu farayaa in la ilaaliyo sharciga wadooyinka cidii jabisaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

2. Waxaa sidoo kale ciidamada la farayaa ciddii lagu arko iyaddoo lacago laaluush ah ka qaadaneysa shacabka iyo ganacsatada baraha ciidanka, in isla meesha talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

3. Waxaa dhammaan madani iyo ciidanba la farayaa in loo wajaho sida ay tahay go’aamadda sharciga waafaqsan.

4. Golaha wuxuu isku raacay in si wadajir ah loo la xisaabtamo ciddii ka hortimaado go’aammada sharciga waafaqsan ee ku aaddan dhulalka iyo guryaha la isku heysto.

5. Waxaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ciidammada amniga lagu wargalinayaa in arrimaha dhulalka iyo guryaha la isku heysto in ay lasoo xiriiraan Maamulka Gobolka Banaadir iyo D/hoose ee Muqdisho.

6. Go’aammada hay’adaha Amniga Gobolka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Gobolka Banaadir, haddii ay jirto xaalad deg-deg ah, waxaa la isugu yeerayaa Golaha waqti kasta si loo wajaho xaaladda amni ee jirta.