Home Blog Page 1342

Taliyaha ciidaanka Booliska soomaaliyeed oo kormeeray xarunta general kaahiye

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Dugsiga tababarka Ciidanka Gen kaahiye, halkaasi oo uu kula kulmay Ciidan dhowaan tababar loo furay.

Taliyaha oo la hadlay Ciidankaasi, ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkeystaan noocyada kala duwan ee  tababarka la siinayo  islamarkaana ay oggaadaan in ujeedada tababarka loo siinayo ay tahay in ay noqdaan kuwa dalka u adeego kana dhiidhiya ficilada arxan laawayaasha Argagixisada ah ee u geystaan shacabka soomaaliyeed, ciidankaana ay tahay tababarka ay qaadanayaan si aanan cadoowka uga guuleysan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kale ee Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha Dugsigaasi oo sharxay tabarada ciidamada ay qaadanayaan.

wasaarada arimaha gargaarka oo maanta daahfurtay shir wax loga qabanaayo Abaaraha soomaliya

0

Mashruucaan maanta uu daah furay Sii hayaha wasiirka gargaarka ayaa ah mid lagu caawinaayo dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaarahi isbiirsadey ee dalka ku dhuftay waxaana maal galintiisa iska kaashanaaya Bangiga hormarinta Africa.iyo IGAD ayado daahfurka mashruucani ay ka qeyb galayeen ku xigeenka u qeybsanaha qaramada midoobey ee soomaalia madax ka kala socotay hadaha deeq bixiyayaasha ururada bulshada Rayidka iyo wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada.

Shirkani intii uu socday ayey Madaxda wasaraada Gargaarka hayadaha madaxda deeq bixiyayaasha iyo Nnenna Nwabufo ah ku xigeenka maamulaha guud ee  Bangiga hormarinta Africa oo dhaqaalaha mashruucan bixinaaya wakiilada maamul goboleedyada iyo ururada u dhaqdhaqaaqa bini’aadanimada ka dhageysteen baahiyaha gaarka ah ee xiligani ka jira gobollada soomaalia

Markii uu shirku soo idlaadey ayuu sii hayaha wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ahna wasiirku xigeenka wasaradaas waxa uu warbaahinta u faahfaahiyey mashruucani ahmiyada uu u xanbaarsanyahey dadka soomaaliyeed iyo xiliga sida rasmiga ah uu u bilaabanaayo.

Fanaanda kiin jaamac yare oo muqdisho u timid in ay ku qabato bandhig faneed

0

fananda kiin jaamac yare oo ka mid aha fanaaniinta da’ada yar ee qurbaha ku soo caan baaxay oo muqdisho soo gaartay ayaa saxaafada la wadaagtay sida ay ugu qanacsantahay imaanshaha muqdisho iyo hormarka ka jira caasimada muqdisho

” aadbaan ugu faraxsanahay in aan soo gaaro dalkeyga hooyo gaar ahaan casimadii muqdisho waxaan aad ugu mahadcelinayaa asxaabta qaaliga ah ee halkaan iku soo dhaweyay ” ayaa tiri kiin jaamac yare

fanaaniin,abawaano iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya oo muqdisho ku soo dhaweyay ayaa saxaafada la wadaagay soo dhaweynta imaanshaha fanaanda da’da yar

” waxaan bogaadineynaa in muqdisho ay soo gaarto fanaanda da yar oo aan dalka ku dhalan iyada oo jecleysatay in ay tagto dalkeeda hooyo si ay u soo aragto” ayuu yiri abwaan Guure

mudooyinka ugu danbeyay ayaa faniinta da’yar waxa ay soo gaaray magaallada, iyagoo bandhig faneedyo ay ku muujinayaan hanaanka hormar ee dalku hiigsanaayo ku qabta caasimada soomaliya si ay u muujiyaan is dhecgalka bulshada soomaaliyeed.

Dhanka kale maareyaha tiyaatarka qaranka abwaan cabdullahi cusmaan guure iyo abwaan xirsi dhuux waxa ay baaq wadajir ah u direen maamulka soomaliland oo ay ugu baaqeen in ay dib xuriyadooda u siiyaan naciimo abwaan qorane oo ka mid ah abwaaniinta gabdhaha soomaliyeed.

” waxaan si wadajir ah baaq ugu direenaa dhamaan maamulka soomaliland in ay dib xuriyadooda u siiyaan naciima abwaan qorane oo ah dhal abwaan kana mid ah bahda abwaanada soomaaliyeed ” ayuu yiri abwaan guure

Munaasabad lagu xusaayo mallinta dhirta oo muqdisho lagu qabtay

0

17 April ayaa loo aqoonsaday in ay tahay maalinta dhir beerista Qaranka Soomliyeed, munaasbad lagu weyneynayo malintaan ayaana maanta wasaaradda Xananada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo agaasimaha guud wasaarada Xanaanada xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan islamarkaana ay xoogga saari doonaan beerista dhirta.

Xil C/fitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhirta, isaggoo xusay in  diinta Islaamka ay ka hadashay dhowrista dhirta.

ugu danbeytii dadkii ka soo qeyb galay munaasabadaasi ayaa si wadajir ah ugu baaqay bulshada soomaaliyeed in la ilaaliyo dhirta isla markaana aan lagu tagri falin dhirta.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliyeed ee Pretoria .

0

Wasiirka oo ay soo dhaweeyeen Madaxda iyo Shaqaalaha oo uu ugu horeeeyo Danjire Jamal Barrow ayaa u kuurgalayay shaqooyinka ay Safaaradda u heyso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan,  isaggoo laba maalin booqday Xarunta Safaaradda, waxa uuna shirar guud iyo mid gooni gooni ah la yeeshay Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda, isagoo kala sheekeysanayay shaqooyinka ay Safaaradda qabato.

Booqashiisa kadib ayuu Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu aad ugu faraxsanahay inuu soo gaaro Safaaradda ay Dowladda Soomaaliya ku leeyahay Koonfur Afrika, isagoo intaasi raaciyay in ay shaqada Safaaraddu u qabanayso Jaaliyadda tahay mid loo baahnaa,waxa uu Howl wadeenada ku dhiiragaliyay inay sii laba laabaan howlaha shaqo ay u hayaan Jaaliyadda.

“ Safaaradda waxay wakiil ka tahay Dowladda Soomaaliya,waxaa la rabaa xiriirka labada Wadan inay isu soo dhaweyso,waxaa kaloo qabato xiriirka Jaaliyadda iyo Dowladda waxaan wakhti dheer la qaatay qeyb walba waxanna ka wadahadlnay waxyaabaha in loo qabto Jaaliyadda waanna xoojin doonaa insha Allah” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya,Mudane Cabdul Qaadir Ahmed Kheyr ayaa ka mid ahaa madax ka socota dalal badan kuwaasoo ka qeybgalayay aaska xaaska Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika,Nelson Mandale oo dhawaan geeriyootay,waxa uu intuu uu joogay halkaan kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii kasoo qeybgashay aaskaasi iyo madaxda Koonfur Afrika,waxaana ka mid aha Wasiir ku xigeen Arimaha Dibadda ee Koonfur Afrika iyo Madaxweyne ku xigeenka Dalka Zambabwe.

Madaxweynaha Jamuuriyada soomaliya oo dib uga howl galay xarunta gaashaandhiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Madaxweynaha oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay Dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoona lagu guuleystay inla sii amba-qaado qorsheyaasha isku dhafka ciidanka iyo dib u diiwaan gelintooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga xoreeyo dalka mileeyshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab.

 

wasaarada arimaha gudaha oo tababar u furtay bulshada ku nool deeganada Gobalka Bakool

0

Tababarkaan ayaa loo qabtay, qeybaha bulshada ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool,oo ay ku jiraan Golaha deegaanka degmadaasi, iyadoo oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha horumarinta iyo dib u dhiska magaaladaasi Xudur C/risaaq Isaaq Maxamed ayaa sheegay in tababarka lagu barayo Golaha Deegaanka,hannaanka, Maamulka,Siyaasadda, Sharciga iyo fulinta.

“Waxaa furay tababarka Maamulka gobolka Bakool, waxaa sidoo kale joogay Maamulka Degmada Xudur, waxa ay tahay ujeedada in sare loo qaado aqoonta iyo qibradda xubnaha Golaha deegaanka,si ay bulshada ugu qabtaan adeegyo wanaagsan,maadaama ay matalaan,waxkastana ay guul ku dhammaadaan” ayuu yiri Guddoome C/risaaq.

Tababarkaan oo soconaya muddo 10 maalmood ah ayaa sidoo kale lagu barayaa ka qeybgalayaasha sida loo wajihi karo caqabadaha bulshada dhexdeeda ah,sida shaqo la’aanta iyo go’aan qaadashada.

Waa tababarkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto degmada Xudur, marka loo eego Dadka ka qeyb qaadanaya midka haatan, oo ay ka mid yihiin, Culumada, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo Maamulka Magaalada.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta bilowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta bilowday tababarka tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka jamuriyada soomaliya.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxa uu seddex maalin ka socon doonaa magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Dastuurka ee XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ugu horeeyn ka hadlay ujeeddada tababarka.

“Qorshaha tababarkan horay ayuu u soo socday oo June, 2017 ayaa bilaawnay diyaarinta Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, maanta waxa aan gudagaleynaa fulinta Istiraatiijiyadda waxaana ugu horeeya in dadkii dalka oo dhan ka fulin lahaa la tababaro” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay tababarka ayaa yiri “Kulankan tababarka ah waa mid muhiim u ah dhameeystirka Dastuurka maadaama dadkii Dastuurka bari lahaa shacabka ay halkan ku tababaranayaan; Wasaaradda waxaa ka go’an in Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la gaarsiiyo illaa tuullooyinka, sidaa awgeed ayaan tababarkan iyo tababaro kale ugu qaban doonnaa gobolada dalka”.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka kana qaybqaataan gaarsiinta Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka gobolada ay ka yimaadeen.

Dowllada Qadar oo 30 Gawaari ku wareejisay Dowllada soomaliya

0

Gaadiidkan oo isugu jira 30 Bas iyo Labo Wiish oo ah nooca Badeecooyinka ka dajiya Maraakiibta ayaa Maanta Dowladda Qatar waxay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu dardar galiyo howlaha Gobalka Banaadir iyo Dekadda Muqdisho.

Madasha lagu wareejinayay Gaadiidkan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo), Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), Guddoomiye ku xigeenka howlaha Guud ee Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Qatar ee Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya ,Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa qalabkan ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirkuna uu kusii wareejiyay maamulka Dekedda iyo kan Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan Dekada Muqdisho ayaa Dowlada Qatar kaga mahad celiyay Gawaaridan ay ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, waxaanay sheegeen in Kaalin wanaagsan ay ka qaadan doonaan adeegyada Gobalka iyo Dekadda.

Wasiir ku xigeenka Dekada Cismaan Daallo oo Goobta lagu wareejinayay Gawaarida ka hadlay ayaa in Dowlada Qatar ay ka mid tahay Dowladaha garab istaagay Soomaaliya, Abaal badana ay dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda kaga hayaan Mashaariicda iyo Howlaha kale oo ay kaga qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka, Gaadiidkana wuxuu sheegay inay wax badan ka tari doonaan adeegyada Dekada iyo Gobalka.

Dhinaca kale Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Wiishashkan ay wax weyn ka tari doonaan habsami u socodka howlaha Dekedda Muqdisho, isagoo ugu mahad celiyay Dowladda Qatar oo Gaadiidkan ugu deeqday Soomaaliya.

Mudane; Washington ayaa sidoo kale sheegay in Wiishashkan oo uu mid ka mid ah qaadi karo 100 Tan, halka kan kalana uu qaadi karo 63 Tan oo culays ah, kuwaasoo fududeyn kara baahiyaha ka jira Dekedda Muqdisho.

Waa markii Labaad oo Laba Bilood gudahood ay Dowladda Qatar ku wareejisay Soomaaliya Deeq Gaadiid ah, taasoo qayb ka ah howlaha gargaarka iyo taakulaynta ay Qatar la garab taagan tahay Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo daah furay barnaamijka wacyigalinta dhalinyarada Gobalka

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah-furay Barnaamijka Wacyigelinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhalinyaradu qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan horumarinta dalkooda, maadaama ay yihiin saamileyda saxda ah ee dalka.

Duqa Muqdisho waxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in kaalin mugleh ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo rajooyinka iyo hadafkooda mustaqbalka, bacmadamaa ay yihiin madaxda iyo hoggaanka berri, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin wax walba oo kor u qaadaya tayadooda si ay u buuxiyaan doorkooda muhiimka ah.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo cadeeyay taageerada uu u hayo horu-socodka Dhalinyarada ayaa yiri; “Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul ka yihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in aad tihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda iyo dhismaha dawladnimada. Waxaana aaminsanahay in aad tihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku dheeraaday kaalintii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku lahaayeen xoriyadda iyo dawlad dhisidda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta Caasimadda in ay ka shaqeeyaan amniga magaallada, ayna ka hortagaan wax kastoo wiiqaya xasilloonida iyo amniga dalka.

Munaasabadda Daah-furka Wacyigelinta Dhalinyarada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud (Makaraan) iyo dhalinyaro isaga kala yimid 17-ka degmada ee Caasimadda.