Masuuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kulan la qaatay Shirkadaha iska diiwaan galiyay Hay’adda

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ay hoos timaaddo Astaanta Internetka Dalka (dotSO) ayaa kulan wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Soomaaliyeed ee diiwaan-geliya dotSO.

Ujeeddada kulanka oo ka dhacay Xarunta KMG ah ee Hay’adda ayaa ahayd in la dhageysto caqabadaha haysta shirkadahan iyo talooyinka ay soo jeedinayaan si loogu biiriyo qorshaha dib-u-habeynta ee lagu sameynayo astaanta Qaranka si ay uga tarjunto ujeeddooyinkii loo aasaasay.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo kulanka furay ayaa sheegay in SONIC wixii hadda ka dambeeya aysan ahayn shirkad qof leeyahay, balse ay tahay hay’ad dawladeed oo u adeegeysa shacabka. Wuxuu Maareeyuhu intaasi ku daray in qorshuhu yahay in qof kasta oo Soomaali oo joogo meel kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda uu heli karo dotSO, una isticmaali karo qof ahaan, ganacsi, adeeg waxbarasho, iwm.

Wuxuu sheegay in hadafku uu yahay in la dhiso hay’ad lagu kalsoonaan karo oo la heer ah kuwa caalamiga ah, si taasi loo gaarana la sameyn doono qorshe lagu beddelayo muuqaalka (rebranding) hay’adda SONIC, lana soo bandhigi doono sida wax looga qabanayo caqabadihii hore ay dadku ugu qabeen SONIC.

Maareeyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkii iyo shaqaalihii hore ee gaarka ahaa ee SONIC dhammaantood laga joojiyay shaqada, wixii hadda ka dambeeyana aysan matalin SONIC. Sidoo kale wuxuu sheegay in lacagaha shirkadaha diiwaan-gelinta sameeya in lagu qaban doono nidaam banki oo kaliya oo aan la aqbali doonin lacag caddaan ah.

Wakiilladii ka socday shirkadaha ayaa ka mahad celiyay kulanka, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee kulan noocan ah loo qabto oo laga talo-galiyo sida loo maamulayo astaanta qaranka. Waxay ballanqaadeen inay soo dhoweynayaan isbeddellada cusub ee lagu sameynayo maamulka astaanta qaranka, ayna diyaar u yihiin inay dhankooda sare u qaadaan tayada adeeggooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...