Maareeyaha Dekada ” hormaro dhaqaallo oo dalka waxbadan ka badalay ayaay sameysay wax soosaarka dekada muqdisho”

Date:

Maareeyaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa sheegay in muddadii Sanadka ahayd ee uu maareeyaha ka ahaa Dekedda Magaalada Muqdisho ay wax badan u qabsoomeen.

Axmed Washington oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Saddexdii Bilood ee ugu horreysay Sanadkan ay Dekeddu soo xaraysay dhaqaale gaaraya 13 Milyan oo Doollar oo ah adeegga dakadda oo kali ah.

Maareeye Washington ayaa xusay in Sanadkii 2017-dii ay Dekedda Muqdisho qabatay 50 Milyan oo Doollar sidaa awgeedna ay Dekeddu tahay Il dhaqaale oo ismaal gelin karto ama is bixin karto.

Wuxuu sidoo kale Maareeyuhu ka warbixiyay 30 Bas oo casri ah oo uu si gaar ah u leeyahay Gobolka Banaadir iyo Labo Wiish oo ay Dowladda Qatar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya kuwaasoo kaabi doona howlaha ka socda Dekedda Muqdisho.

Xagga faya dhowrka iyo hubinta Badeecooyinka kasoo dega Dekedda ayuu sheegay inay tahay mid aad u sarraysa layskuna hallayn karo, taasoo uu tilmaamay inay door weyn ku leeyihiin qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Axmed Washington ayaa bogaadiyay doorka ay shirkadda Turkiga ah ee ALBAYRAK ku leedahay dib u habaynta Dekedda Muqdisho iyo kaalinta ay ka qaadatay dhaqaalaha kasoo xarooda Dekedda.

Dekedda Muqdisho ayuu sheegay maareeyuhu inay leedahay Lix Marso oo la dhisay 1977-kii, kuwaasoo Laba ka mid ihi looga tala galay inay kusoo xirtaan Maraakiibta sida Koonteennada, Saddex loogu tala galay inay kusoo xirtaan Maraakiibta Badeecadaha kale sida iyo mid loogu tala galay Shidaalka iyo Xoolaha iyo qaybo kale, muddadaasina uu dayactirkeedu yaraa.

Maareeye Axmed Washington ayaa gabagabadii tilmaamay inay Muqdisho ku filnayan Hal Deked oo keliya loona baahan yahay in sare loo qaado laguna sameey maal gelin xooggan, wuxuuna sheegay inay imminka wadaan howlihii sare loogu sii qaadi lahaa howlaha Dekedda.

Wuxuu sheegay inay jiraan Quburo ka socota World Bank oo ku taqasusay heshiisyada Dekedaha iyo Khuburo xagga sharciyada oo ka socota African Development Bank, kuwaasoo haatnba jooga kana  caawinaya tayaynta sare u qaadidda howlaha Dekedda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...