Wabiga Jubba oo ku fatahay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Date:

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Jubba degmada Luuq ee Gobolkaasi saameyn ku yeeshay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Biyaha Fatahaada ayaa waxay gabi ahaanba cagta mariyeen dalagyada ay beerteen dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan degmada Luuq.

Qaar ka mid ah dadka Beeraleyda ee dalagyadooda ku waayay Fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa sheegay iney khasaaro badan ka soo gaartay Fatahaada,islamarkaana ay baabi’iyeen waxyaabihii ay beerteen.

Waxayna intaasi ku dareen dadka beeraleyda ah iney ku shukrinayaan nimcada Alle,waxaa sanadihii ugu danbeeyay dalka saameyn ku yeeshay abaaro dad iyo duunyo badan galaaftay.

Fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa imaanaya, xilli roobab badan ay ka da’een Gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Dhanka kale,Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar,waxaana socda dadaalo ay wadaan maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka oo iskaashanaya si loo xiro buqatada uu ka baxsaday Wabiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...