Home Blog Page 1339

(AKHRISO) Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan oo gaaray Heshiis is afgarad

0

Khartoum (SONNA)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Booqasho rasmi ku jooga Dalka Suudaan ayaa kulan uu Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi ay kula yeeshay Madaxweynaha Wadanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ay kaga hadleen arrimo dhowr oo labada dal ku saabsan, iyagoo isla gartay Qodob dhowr.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa dhiggiisa Dalka Sudan uga mahad celiyey taageerida suudaan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda.

Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :-

  • waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa.

 

  • Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.

 

  • In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya.

 

Hishiisyadan ay wada gaareen Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo labada shacab ee Walaalaha ah, waxaana ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee dhaxeysa Somalia iyo Sudan.

Qodobadaasi heshiiska ku saabsan  oo faahfaahsan goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo soo xirtay shir wadatashi ah+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Shirkani wadatashiga ah  oo muddo labo maalmood ah socoday ayaa lagu soo geba gebeeyey   magaalada Muqdisho,wuxuuna  ku saabsanaa hindise sharciyeedka shirkadaha.

Waxaa ka qeybgalay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubno ka socday Bangiga Adduunka quburo, agaasimaha guud ee Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Xoghayaha Joogtada ah.

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadro Axmed Ducaale, oo soo xirtay shirkan wadatashiga ah oo uu taageerayo Banggiga Adduunka ayaa sheegtay in ujjeedka uu yahay sidii looga tashi gelin lahaa dhammaan dadka uu quseeyo ka hor inta aan la horgeynin hay’adaha Dastuuriga ah.

“Runtii waan idinkaga mahadcelinayaa sida wanaagsan oo aad inoola shaqeyseen,anaga marabno in aan si qasab ah sharciga aan ku gudbino iyadoo aan talo laga dhiiban,marka wan kala hadlay shaqaalaha wasaaradda in talooyinka muhiimka ay lagu daro afkaarna aad ka dhiibataan,insha allaah wixii ka dhiman waanu dhameystiraynaa, si loo ansixiyo”, ayay tiri Wasiirka Ganacsiga.

Xubnihii ka socoday Dowlad goboleedyada ayaa soo dhaweeyay mabda’iyan barnaamijkan,iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo si loogu daro wixii ka dhiman kadibna loo ansixiyo.

Marwo Khadra Axmed Ducaale ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay waddo qorshe ku aadan sidii loo sameyn lahaa dhamaan sharciyada kale ee horyaala Wasaaradda,kuwaasi oo muhiim u ah Dalka.

Jarmalka oo sheegay in Soomaaliya uu ka caawin doono arrimo Nabad gelyada ay kamid tahay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi C/laahi oo lagu casuumay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 27 ee ka soo wareegatay midowgii labada Jarmal ee bari iyo galbeed ayaa hambalyo u direy dowladda iyo shacabka Jarmalka, isagoo ka codsaday in labo laabaan taageeradooda Soomaaliya.

Danjiraha dowlada federaalka Jarmalka ee Soomaaliya JUTTA  FRASCH oo ka hadlaysay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 27 ee ka soo wareegatay midowgii labada Jarmal ee bari iyo galbeed oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Jarmalku uu labada sano ee soo socota ugu deeqay Soomaaliya lacag ka badan USD 122 Milyan, taas oo lagu bixin doono kobcinta dhaqaalaha dalka, ka soo kabashada abaaraha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

JUTTA  FRASCH, ayaa xustay in arintan qeybka tahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee labada dowladood ku kala saxiixdeen magaalada Berlin ee dalkaasi.

Danjire, JUTTA  FRASCH ayaa sidoo kale sheegtay in 95.5 Milyan oo Euro ku bixiyeen dadkii abaaraha saameeyeen ee dalka, iyadoo tilmaantay in safarkii uu Soomaaliya ku yimid wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Gabriel Sigma oo ahaa calaamad muujinaysa xiriirka Berlin iyo Muqdisho isla markaana uu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda dalkaas oo Soomaaliya yimaada ebad.

JUTTA  FRASCH, ayaa sheegtay in Soomaaliya sidoo kale ka caawin doonaan arimaha nabad geliyada, hanaanka federaalka iyo hagaajinta maamulka dowliga ah….

Munaasabdda ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, xeer ilaaliyaha qaranka, danjiriyaal iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda. iyadoo JUTTA  FRASCH khudbadii halkaas ka jeedisay sidoo kala kaga hadashay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ka tashtaan aayahooda isla markaana khilaafaadka dhinac iska dhigaan.

 

Faadumo Cusmaan Faarax oo loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

0
Kulankii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa waxaa ay ku magacaabeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo loo magacaabay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kulanka intii uu socday xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ,waxaana soo jedisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,sida uu qabo sharciga.

 Waxaa shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyagoo kaga hadlay dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis lagu horumarinayo Beeraha iyo Waraabka+(Sawiro)

0

Turkiga(SONNA) Heshiiskaan laba geesoodka ah ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Beeraha Somaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa  waxuu ku saabnsan yahay  wax soorka soomaaliya sidii sare loogu qaadi lahaa isla markaana qudaaarta laga soo saaro dalkeena loo kobcin lahaa.

Labada dowladood ayaa waxaa heshiiska u kala saxiixay Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha Dalka, halka dowladda turkiga u  saxiixay Dr Ahmet Eşref  oo Wasiirka Beeraha  Turkiga.

Heshiiskan ayaa irdaha  u faraya  iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinaca beeraha,iyadoo uu xoojanayo taageero dhinac walbo ay dowlada Turkiga ay ku baxiso Beeraha Soomaaliya sida dhanka tiknooljiyada ee beeraha  dib u dhiska kaabayaasha Abuurka  iyo waaxda badbaadada beeraha sidii gacan looga siin lahaa dowladda soomaaliya.

Qodobada  muhiimka ah ee  ku jira heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sidii ganacsiga wax soo saarka beeraha ay iska kaashadaan labada dal.

Dhinca kale Wafdiga uu hohaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda federaalka  Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa booqday Xarunta Cilmi baariska, Sheybaarka iyo tababarada beeraha ee Wasaarada beeraha Turkiga.

Wafdiga Wasiirka Beeraha oo maalmahan ku sugan wadankaasi Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah masuulayiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Safaiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyadoo heshiiska uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalkeena,si  sare loogu qaado wadanka wax soo saarka dhanka beeraha oo dadaal xoogan ay ka wado Wasaarada beeraha.

W:Q: Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

Wasiirrada Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi

0

Wasaaradaha Beeraha Somaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabnsan wax soo soorka Soomaaliya gaar ahaan sidii loo kobcin lahaa qudaaarta laga soo saaro dalkeena.

Labada dowladood waxaa heshiiska u kala saxiixay Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha Soomaaliya, halka dowlada Turkiga uu u  saxiixay Dr. Ahmed Eşref  oo ah Wasiirka Beeraha  Turkiga.

Heshiiskan ayaa irdaha  u faraya  iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshan dhinaca beeraha, iyadoo uu xoojanayo taageero dhic walbo ah oo dowladda Turkigu ku baxiso Beeraha Soomaaliya sida dhanka ticnoolojiyada ee beeraha  dib u dhiska kaabayaasha Abuurka.

Qodobada  muhiimka ah ee ku  jira heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sidii ganacsiga wax soo saark beeraha ay iska kaashadaan labada dal.

Dhinca kale wafdiga uu hohaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa booqday Xarunta Cilmi baariska, Sheybaarka iyo tababarrada beeraha ee Wasaarada beeraha Turkiga.

Wafdiga Wasiirka Beeraha oo maalmahan ku sugan wadanka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uulayiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Safaiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyadoo heshiiska uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalkeena.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska kaashanaya horumarinta Ciyaaraha+(Sawiro)

0

Khartuum(SONNA) Kulanka ay wada qaateen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim oo uuna goobjoog ka ahaa Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa waxay ugu wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa hormarinta ciyaaraha ee labada Dowladood iyagoona Wasiiradda sharaxaad kooban ka siisay Wasiirka hormarka isboorti ee ku tilaabsatay Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim ayaa aad u soo dhaweyay Wasiirka, asigoona sheegay inay diyaar u yahiin wax walba oo ay ku caawin karaan Walaalahood Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa booqatay garoon kubada cagta ah oo ay Dhisma ku socotay iyadoona ku soo wareegtay dhamaan gudaha garoonka, intaa ka dib Wasiiradda ayaa Saxaafadda kula hadashay gudaha garoonka.Cood

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inuu heshiis dhex mara labada Wasaaradood Soomaaliya iyo Suudaan. .

 

Faadumo Cusmaan Faarax oo loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

0

Muqdisho(SONNA) Kulankii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa waxaa ay ku magacaabeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo loo magacaabay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kulanka intii uu socday xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ,waxaana soo jedisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,sida uu qabo sharciga.

Waxaa shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyagoo kaga hadlay dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal iyo sawirro dheeraad ah kala soco SONNA.SO

Shabeel 7-ruux ku dhaawacay degmada Wala-weyne oo lagu guuleystay in la dilo

0

Muqdisho(SONNA) Wararka naga soo gaarayo degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 7-ruux uu dhaawac soo gaaray ka dib markii uu weerar ku soo qaaday Shabeel.

Sida uu SONNA u sheegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyada Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle shabeelka ayaa 7-ruux oo labo ka mid ah ay yihiin carruur oo midi gabar yar tahay ku dhaawacay Xaafada Caanoole ee degmada Wala-weyn kuwaasoo hadda dhaawacooda lala tacaalayo.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in shabeelka oo qal qal geliyay dadweynaha markii danbe ay ku baxeen ciidamada Dowladda kuna dilay meel banaanka ka ah degmada Wala-weyn,waxaana meydkiisa loo soo qaaday gudaha degmada si dadweynaha ka argagaxay arintaan u daawadaan.

Aintaan Shabeelka ayaa noqotay hadal heynta ugu weyn ee maanta ka jirta degmada Wanlaweyn,shacabkana ay isla dhexmarayaan.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Bariire

0

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay dagaal ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya,islamarkaana maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday mudo labo saacadood,waxaana jab xoogan la gaarsiiyay maleeshyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warkaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

“ Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay weerar ku soo qaadeen deegaanka Bariire kaasoo marka hore madaafiic oo ay Al-Shabaab soo tuureen ku bilowday,waxaana markii danbe ku baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday Ceyrsaday”, Sidaas waxaa yiri Guddoomiye C/fitaax.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah uusan jirin dhanka Dowladda balse ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo Al-Shabaab weerarka ka soo gaaray,waxaana dagaalka Maleeshiyada Al-Shabaab kaga dhintay seddex maleeshiyo halka afar kalena ay kaga dhaawacantay.

Sidoo kale,Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Ciidamada Dowladda wey iska caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday waxayna ku guuleysteen iney ceyrsadaan ilaa iyo tuulada raqeyle oo 4-km dhanka galbeed ka xigta deegaanka Bariire ee saakay weerarka uu ka dhacay”,

Ciidamada sooma-jeestayaasha Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxay ka wadaan Gobolada dalka Soomaaliya,kaasoo ujeedadiisu tahay sidii lagu ciribtiri lahaa kooxaha naf lacaariga ah ee Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah dalka.