Turky-Som oo soo bandhigtay fursado cusub oo loo qaadanayo layli saraakiil.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Qoraalkan ayaa lagu baahiyay bogga twitter-ka ee safaaradda turkiga ay ku leedahay Soomaaliya.

Shuruudaha codsahada kamid noqonayo liiska layliga sarkaal  laga rabo waxa ay kala yihiin:-

1-Warqada codsiga.

2-Shahaahadada dugsiga sare oo asal ah.

3-Haduu dhameeyay jaamacadda waxaa laga rabaa shahaahadada jaamacadda, hadii ay u socoto jaamacadda waxaa laga rabaa warqad cadeyneyso in uu yahay arday.

4-Warqadaha waa in ay ahaadaan afafka English ama Turki midkood.

Araaji qabashada ayaa bilaaban doonto 2-bisha may, waxa ayna socon doonta ilaa 31-may ee isla bisha shanaad.

September 2017 ayaa Muqdisho laga furay xirada ciidan ee dowladda Turkiga ku taba-barayaan  ciidamado dowladda  Soomaaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taba-bar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabisay  Kulliyadda Taba-barka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som)  Disembar 2017.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...