Home Blog Page 1338

Wajigii labaad ee dib u eegista dastuurka dalka oo ka bilaawday Muqdisho

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay bilowday Wajiga labaad ee howlaha dib loogu eegayo qabyo qoraalka Dastuurka, kaasi oo lagu tababarayo macalimiintii gaarsiin lahayd dastuurka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo ay ka qeyb galayaan Xubno ka socda Wasaaraddaha dowlada, maamulka Gobalka Banaadir, Jaamacada Umadda, Dowlad Gobaleedyada iyo Bulshada Rayidka, waxaana looga hadlayaa sidii Dastuurka loo gaarsiin lahaa degmooyinka iyo Deegaanada dalka.

“Waxaan galeynaa wajigii Labaad oo ah sidii bulshada looga dhaadhicin lahaa loona gaarsiin lahaa degmo iyo deegaanada Soomaaliya oo dhan, waxaa noo bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo lagu diyaarinayo dadkii bulshada qeybaheeda kal duwan gaarsiin lahaa Dastuurka, tababarkan waxaa ka horeeyay mid aan furnay Todobaadkii hore oo la yiraahdo Tababarka Tababarayaasha, dadka la tababaray ayaa laga doonayaa inay gaarsiiyaan deegaanada aan ugu tala galnay”.

Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa tilmaamay in wajigan Labaad ujeedkiisa uu yahay sidii Bulshada loo bari lahaa Dastuurka iyo wuxuu yahay iyo Kaalinta uu kaga jiro dowladnimada.

“Dadka waxaa la barayaa Dastuur muxuu yahay, Bulshada baahida ay u qabaan, doorka uu kaga jiro Dowladnimada ka dib Warbaahinta ayaa marsiin doono iyadoo su’aalo la iska weydiin doono laakiin hada wacyi galin ayaan diirada saareynaa”.

 

Wasiirka wasaradda arimaha dibada oo dhigiisa Turki kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa ka wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada Dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu Lafa guray sidii Dowladda Turkiga ay usii Laba jibbaari lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa labada dhinac waxay is dhaafsadeen arrimo dan u ah Labada dal, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Waddan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Walaaltinimo ee wax wada qabsi.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu adkayn doono xiriirka ka dhexeeya Labada dhinac, wuxuna sheegay inuu dhankiisa adkayn doono doorkooda ku aaddan garab istaagga iyo gargaarka ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Madaxweyne Waare oo baaq u diray dowladda dhexe iyo QM.

0

Muqdisho (SNTV)- Maxammed Cabdi Waare oo la hadlayay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya QM dadka ka soo jeedo Hirshabeelle iyo Soomaalida inteeda kale in ay wax ka qabtaan sidii loo caawin lahaa fatahaadda uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Baladweyne oo xarun u ah gobalka Hiiraan ayaa uu saameyn ballaaran ku yeeshay fataahadda wabiga shabeelle iyadoo sidoo kale uu wabiga  dhinacyada uu jabsaday meela kamid ah xarunta dowlad gobaleedka Hirshabeelle ee jowhar.

Xilliyadan oo kale marka uu roobka ka da’o Soomaaliya ayaa wabiyada dalka ku fatahaan meelaha ay ka maraan goballada dalka, waxaana wabiga Shabeelle uu badi saameyn ku yeeshaa meelaha uu maro gaar ahaan deegnada uu ka maro goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Shan musharax oo isku diiwaan geliyay qabashada xilka gudoonka golaha shacabka.

0

Ilaa shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS ayay maanta diiwaan geliyeen oo ay siiyeen shahaadooyinkooda musharaxnimo Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maalinta ah beri ah.

Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxa ay kala yihiin:-

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Eng: Yariisoow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare”.

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Caddiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta kormeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashinka laga qaado Caasimadda ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in hadda wixii ka danbeeya qashinka lagu shubi doono godadka waaweyn oo loo sameynayo taas oo xal u noqonaysa qashinka faraha badan ee la dhigo goobaha ay bulshadu maraan.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ku wargelinaynaa wixii maanta ka danbeeya in qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin la gula xisaabtami doono”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo shacabka Muqdisho ku dhiirigeliyey in si wadajir ah loogu istaago nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo ka hadlay dhacdadii xerada General Gordan

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka tirsanayd Xerada Jeneraal Gordan ee isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysaana keydka xerada.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed markasta ay aaminsanyihiin qadiyadda ay u dagaalamayaan in ay tahay difaaca karaamadooda iyo qarannimadda waddankooda, gacan bir ahna ay ku qaban doonaan askari kasta oo ka leexda waajibaadkiisa Qaran.

 

Wasiirka Cadalaadda oo hortagay Mudanayaasha Aqaalka Sare

0

Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad ayaa waxay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen oo hortagay, waxaana Kullanka maanta ee Golaha Aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii.

isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuq iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagu lana dagaalamayo Masuq-maasuqa ka dhaca Qaranka gudihiisa ama dibadiisa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuq-maasuq si ay u soo mariyaan akhrinta koowaad ka dibna ay u ansixiyaan.

Xeerkaan oo horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa Golaha Aqalka sare si ay iyagana waajibaadkooda dastuuriga ah uga guttaan.

Sharciga la dagaallanka Masuq-maasuqa ayaa haddii uu hirgelo wuxuu suurta gelinayaa  dhismaha Guddiga Madax-bannaan ee la dagaallanka Masuq- maasuqa sida waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Xeerkani ayaa muhiimadiisu waxay tahay la xisaabtanka iyo habsami u Maamulka howsha Qaranka,iyadoo la ilaalinayo danta dadweynaha Soomaaliyeed iyo Hantida Ummadda oo laga dhowro boob iyo ku takrifalka sharci-darada ah.

Kheyre: “Waxaan diyaar u nahay in aan fulino balanta idinka qaadnay”.

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle la isku raacay in Soomaaliya ay soo gaartay meel wanaagsan oo aduunyada ay u riyaaqday.

Sidoo kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in masuuliyiintii Hay’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga dhexe ee magaalada Washington uu kula kulmay Wasiirka Maaliyadda isku afgarteen in Soomaaliya loo yagleelo lacagta Shilin Soomaaliga.

“Sanad ka hor waxaan ka balanay inaan rabno inaan wax ka qabano dhaqaalaha wadanka maalmo ka hor waxaa magaalada Washington shir uga qeyb galay wasiirkeena Maaliyadda, halkaasi waxaa la isku raacay Soomaaliya iney soo gaartay meel aduunyada aanu maleynin inaan gaarno sanad ka dib, halkaasi waxaa la isku raacay in dib loo yagleelo shilinka Soomaaliga waxaa la isku raacay in dib loo dhiso loona habeeyo bangigeena dhexe” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga aduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Gudoonka Barlamaanka oo manta isdiiwangalinaya

0

Baarlamaanka Soomaaliya maanta oo isniin ah waxaa bilaabanaya is diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri tallaado ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM sida lagu sheegay warqadda ay soo saareen Guddiga qaban qaabada doorashada.

Sidoo kale,Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kullankooda 2-aad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay soo saareen Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 30-ka bishan April 2018-ka.

25 ilaa iyo 26-ka bisha April ayaa loo qoondeeyay hadal jeedinta musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ka horjeedinayaan Xildhibanaada Golaha Shacabka.

27 ilaa iyo 29-ka waxaa jira Diyaargarow iyo is xog wareysi ay sameynayaan Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku aadan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu danbeyntii Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray musharaxiinta u tartaramaya xilkan kana mid Golaha Wasiirada in Guddiga qaban qaabada u keenaan cadeyn ku xusan iscasilaadiisa markii uu is diiwaangelinayo.

Shirka Badqabka Suxufiga oo lagu soo gabagabeyay Muqdisho

0

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Ahna Wasiir ku xigeenka H.E C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho, waxaana laga soo saaray qodoba ay ka mid yihiin dhismaha Gudigga Qaran ee badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo koobnaanaya 11 xubnood, kuwaas oo ka kala imaanaya xubno ka tirsan Dowladda,Warbaahinta iyo Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u socday.

daneeyayaasha badbaadinta saxafiyiinta, waxayna go’aan ka gaareen qaab-dhismeedka howlaha iyo maamulka guddiga horkacaya Hab-Raaca, kuwaa oo ka socday Warbaahinta, dowladda, ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka, ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda ee 21 iyo 22 April 2018 ku kulmay magaalada Muqdisho si ay u abuuraan Hab-Raaca qaran ee badbaadinta saxafiyiinta.

Kulanka oo ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa taageerayaan UNESCO iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya ururka ay ku midoobeen ee Taageerada Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Waxay jawaab ka soo saareen qaabka loola tacaali karo dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee aan loo ciqaabin ciddii ka dambeysay.

Kulanka labada maalmood qaatay ayaa qeybaha warbaahinta ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayen waxay ka tashteen sida ugu wanaagsan ee loo abuuri karo Hab-Raac ay ku dhan yihiin dhamaan daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa la tacaalidda arrimaha la xiriira tallaabo ka qaadis la’aanta dambiilayaasha aan la ciqaabin ee geysta dambiyada lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa si wadar-ogol ah ugu codeeyay in la sameeyo Guddiga Qaran ee Xiriirinta howlaha Badqabka Saxafiga oo ka koobnaan doona 11 xubnood oo loo qeybsanayo sida soo socota:

4 xubno matalaya  dowladda.

4 xubno matalaya warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ururadooda.

3 xubno matalaya ururada bulshada.

Dhinaca maamulka guddiga waxaa guddoonka qabanaya Guddoomiye ka socda Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Guddoomiye ku xigeen, waxaa ka noqonaya xubin ka socda ururada bulshada, iyadoo Xoghayaha Guud uu qaban doono xubin ka socda ururada warbaahinta dalka.

Go’aanada guddiga waxaa si wadajir ah u gaaraya sadexdan xubnood Ugu yaraan sadex xubnood oo dumar ah, ayaa la go’aamiyay in ay ku jiraan guddiga ka kooban 11-ka xubnood.

La socoshada xaaladda amni ee saxafiyiinta Soomaaliyeed

  • Diiwaangalinta saxafiyiinta
  • Taageerada saxafiyiinta
  • U doodidda xuquuqda saxafiga
  • Abuuridda Telefoon ay toos u soo wacaan saxafiyiinta qatartu soo wajahdo.
  • Abuuridda santuuqa badbaadinta saxafiga.
  • Uruurinta taageerada bulshada iyo dhiirigalinta warbaahinta.
  • Bilaabidda barnaamijyo wacyigalinta ee saxafiyiinta
  • Daabacaadda Buug-yaraha Badbaadada Saxafiga.
  • Abuuridda Nidaam sharci ee Badbaadada saxafiga.
  • Kobcinta aqoonta saxafiyiinta.
  • Baaridda dambiyada loo geysto saxafiyiinta.
  • La socodka iyo qiimeynta howlaha saxaafadda

Kulanka ayaa isku raacay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay qaadato mas’uuliyadda isugu yeeridda kulamada daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidoo kale Guddiga Qaranka ee Xiriirinta badqabka saxafiga.

Daahfurka kulanka Daneeyayaasha badqabka saxafiga ee Soomaaliya ayaa ka dhashay Go’aanada bishii November 2017 lagu gaaray magaalada Nairobi.

kuwaas oo qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sameynta nidaamka xiriirinta daneeyayaasha badqabka saxafiga oo ay ka mid ahaanayaa sadexda qeybood ee dowladnimada (Fulinta, Sharci-dejinta iyo Maxkamadaha) iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee warbaahinta ee u xilsaaran ilaalinta iyo difaaca xoriyatul-qowlka, xoriyadda saxaafadda, helitaanka xogta iyo badbaadinta saxafiga ee dalalka si waafaqsan sharciyada qaran, gobol iyo Hay’addaha caalamiga ah sida qaraarkii 29 ee Shirkii Guud ee UNESCO.

kulankii 29-aad ee ka dhacay magaalada Paris bishii November 1977, kaasoo Agaasimaha Guud ee UNESCO ku cambaareeyay xadgudubka ka dhanka ah weriyayaasha dalalka xubnaha ka ah iyo in la helo goob cilmiga iyo la xisaabtanka.