Wasiir beyle“Haddii sida aynu wax u wadno u socdaan waxaa suurta gal ah in12 bilood gudahood Soomaaliya deymaha looga cafiyo”

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Waashitoon oo looga hadlayay arrimaha lacagaha ayna soo qaban qaabiyeen Bangiga aduunka iyo hey’addaha IMF ayaa sheegay in ay macquul tahay 12 bilood gudahood in Soomaaliya looga cafiyo dhammaan deymaha ay ku leedahay Beesha Caalamku.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da  ayaa tilmaamay in wada shaqeyn fiican ay ka dhaxeyso Wasaaaradda iyo Hey’adda IMF, isaga oo intaas raaciyay in Soomaaliya ay seddax meelood labo meel ku guuleysatay shuruurdihii la hor dhigay haddana ay ku jiraan dhammeystirka howsha.

“IMF iyo Bangiga aduunka waa ay ku qanceen sida aan shaqada ku wadno, waxa ayna noo sheegeen in aan ka soo baxnay balantii aan wada galnay, waxa ayna caddeyn doonaan in aan nahay waddan isbadal sameeyay, iyaga oo naga taageeri doona sidii Maalgashi iyo cafis deymaha ah aan u heli lahayn” ayuu yiri Wasiir Beyle”.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Midowga Yurub ay lasoo xiriireen kuna wargaliyeen in 100 Milyan ay Soomaaliya ku taageerayaan si miisaaniyadda dowladda loogu kabo, arrintanna waxa ay ku timid markii IMF iyo World Bank ay ammaaneen hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Beyle oo wax laga weydiiyay sababta ay Soomaaliya kaalinta koowaad uga jirto wadamada musuqmaasuqa uu ka jiro ayaa ku jawaabay in IMF iyo qolada qiimaynta sameysa ay kala duwan yihiin, qiimeyntii ugu dambeysay ee soo baxday ayuuna wasiirku tilmaamay in ay Mala awaal tahay oo ay heystaan cabirkii hore ee Soomaaliya ay ku sugneed laakiin qolada wax qiimeysa aysan isku hawlin in ay baaris cusub sameeyaan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay sanadkii lasoo dhaafay in ay bixiso dhammaan mushaarkii shaqaalaha waxaa kale oo ay ku guuleystay in ay yareyso musuqmaasuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...